OPINION

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno. 

Ergo geesi ma diido 

By. Hamud Duale 

Khilaafkii xusbiga Kulmiye ayaa haatan gabagabo ku dhaw. Waxaa kale oo soo ifbaxaysa in la garto oo la ogaado, neefkii fiitowaraariga ah, ee hore uga sheekeeyey, ee 40 sac, habeen walba dabka gelin jirey. 

Sida aynu la wada socono khilaafka ururka kulmiye kuma salaysnay danta guud ee  ururka, mabda’ iyo mid qarantoona. Wuxuu ku salaysan yahay mansab iyo dano gaar ah oo shakhsiyadeed. Waxaynu wada ognahay in markii doorashadii la gaadhey labada xubnood ee ururka u hogaaminaya doorashada innagu soo foole (waa hadday qabsoonto) ay qaarka ka mid ah xubnihii u tartamayey iyo taageerayaashoodii, shirkii ka dareereen, natiijadii ka soo baxdayna ku gacan saydheen. 

Khilaafka noocan ahi mid ugub ma ah oo aanay dadka reer Somaliland hore u soo marin. Waa currad oo waxaa hore loogu soo arkay Ururkii SNM guddihiisa iyo dawladihii Somalilandba. Sidaa daraadeed ma ah in laga gar naqo ee waa in la isweydiiyaa maxaa hore looga yidhi, maxaa laga yeellay. 

Waxaan cuskanayaa Ereygii Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) ee ahaa:

“Markay Kooxi Orgootaba ma asooli karayno.” 

Waxaa la gudboon Shacabiga, gaar ahaan taageerayaasha kulmiye, in ay ka faa’iideytaan xikmadaa ka dhallatay waayihii la soo maray, oo aannay ku daalin in ay waqti iskaga lumiyaan arrimaha noocan ah. 

Waxaa igu maqaalo ah iyaga oo taa ka duulaya iyo waayo aragnimadii ka soo martay, kooxa ishaysta,  in aan kooxda shirka ka duday ciddi la asoolin, gobolada Togdheer, Sanaag, Sool, Saaxil iyo Waqooyi Galbeed. Hasayeeshee Gobolka Awadal, khilaafkii Ururka Kulmiye samayn weyn buu ku yeeshay. Waxaa la leeyahay Ururkii UDUB ee Awadal ayaa la asoolay  kooxdii ka duday shirkii Golaha Dhexe Kulmiye, ujeeddo kasta ha ka yeeshaane. Markaa Booramay intaa waad ka foojigaan dheeraan jirtee ayaan la idin kala gurin, ee axsaabata ka wada qaybgala hana isku nicina. 

Ururku markii hore wuxuu u qaybtamay koox natiijadii ka soo baxday ku qanacday iyo kooxdii natiijadii ku gancan saydhay. 

Marlabaad waxaa soo baxday in kooxdii natiijadii shirweynaha diiday ay ku kala qaybtamaan Talooyinkii ay u soo jeediyeen Ergadii dhexdhexaadinta khilaafka Ururka. Waxay u kala baxeen koox aqbashay talooyinkii Ergada iyo koox talooyinkii Ergada ka soo fuley ku gacansaydhay.. 

Taasi anniga Waxay ii caddaysay in sacii feetowaraariga ah uu raacay kooxda talooyinka Ergada ku gacan saydhay, ee ducadii ergada habaar  ka doorbiday. Markaa waa in kooxda fiitowaraariga ah la foojignaado. 

Waxaa rajaynayaa  Punt-land waxay heshay laytala khadarkii (26kii ramadaan), in Kulmiyana heshiiyo habeenada Leylatul Qadriga. 

Ciid wanaagsan. 


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra