OPINION

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

 

Waxaan bogaadin xushmad weyn xanbaran u soo jeedinayaa guddidii dhexdhexaadinta ee Xisbiga Kulmiye u xil saaray inay u kala dabqaadaan labadii garab ee isku khilaafay go’aankii shirkii golaha dhexe ee xisbgu Burco ku soo doortay labadiisii musharrax ee jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa kaasoo sababay in qaar ka mida madaxda sare ee xisbigu ay ka cadhoodeen qaadaceenna go’aankii golaha dhexe ka soo saaray Burco. Guddidan loo xil-saaray ka garnaqsiga khilaafkii Xisbiga Kulmiye wuxuu ka koobnaa 8 xubnood oo kala matalayay labadii garab ee khilaafku ka dhaxeeyey waxaana la siiyey kalsooni buuxda inay si odaytinimoleh u dhexdhexaadiyaan. Waxay labada garab u ballanqaadeen guddidii xaldoonka ahayd inay qaadan doonaan wixii go’aamo iyo talooyina oo ka soo baxa ka dib markay garab walba gaar ula kulmeen wada jirna ula kulmeen.

Waa marag ma doonto ragga loo xil-saaray ka garnaqsigii Xisbiga Kulmiye inay yihiin mudantii iyo waxgaradkii ummadda waana kuwo dalkoo dhan magac iyo karaamo weyn kuleh mana ahan qaar looga baqayo eexasho iyo qabiilaysi ee waa dhuuxii ummadda dhinicii diida waxay soo jeediyaanna waa dhinac wax kale doona oo meel kale looga suuldaaray aan diyaarna u ahayn inay tanaasul sameeyaan wixii laga sugaana waa waqti lumis, gacmo daalis iyo xaalad abuur aakhirkana waxay noqondoonaan Ciyow waa ku baryay iyo hanqaraarac lug uma dhutiyo. Waxaa nasiib darraa raggii laga bad-badiyey oo ammaan aysan istaahilin loogu cimaamaday inay ismoodeen wax kale oo Afrikaanimadii iyo madax adaygii askaranimadu ku soo baxday waxaana Xisbiga Kulmiye ugu bogaadinayaa inuu asiibay go’aankii lagama maarmaanka ahaa markuu qalfoofkii SNM ka soo haray ka fogeeyey jagooyinka muhiimka ah ee xisbigu guul ku hanan karo marka la gaaro doorashooyinka xasaasigaa ee dalku galidoono koldhow hadii Eebbe idmo waana hubaal ninkii ka cadhooday danta guud ee Xisbiga Kulmiye inuu noqondoono nin shir ka duday siigo yaraa!!!

Soomaalidu waxay tidhaahdaa nimaan kuu raridoonin yuusan kuu furin taasoon ula jeedo inay lagama maarmaan tahay inuu xisbi kastaa awoodiisa saaro sidii safka hore ee xisbiga loogu dooran lahaa rag ka midho dhalin kara wixii loo igmaday oo cod baaxad wayn leh ka keeni kara mujtamaca Somaliland ee iyagu go’aanka iska leh. Waa arrin aan muran ka taagnayn in xisbigu iska dhex xulo siyaasiyiinta magaca, xushmada iyo qaddarinta ku leh bulshada dhexdeeda oo gobollada dalku ka kooban yahay laga qaddariyo lehna siyaasad hufan oo leh YOOL la raaco iyo aragti cilmiyeysan oo laga iibin karo codbixiyaasha si ay ugu qancaan in xisbgani yahay ka mudan in talada dalka loo dhiibo oo ay codkooda ugu deeqaan iyagoon laaluush iyo dhaameel toona loo daadin ee ku qanacsan siyaasadda guud ee Xisbigu ku soo bandhigay mustaqbalka siidii uu dalka u hoggaamin lahaa haddii la doorto.

La iskuma hayo inuu Mj. Cabdiraxmaan Aw-Cali sumacad wanaagsan leeyahay baal-dahabana kaga jiro taariikhda Somaliland uuna soo qabtay jagooyin muhiima ee hoggaanka sare ee dalka laakiin Cabdiraxmaan maleh awood uu ku qanciyo kuna iibiyo siyaasaddiisa oo uu ku soo jiito bulshada Somaliland siiba gobolka Awdal oo uu ka soo jeedo mana ku filna inuu Cabdiraxmaan ku doodo beesha dhexe baa la iga dhex qaddariyaa ee waa inuu taageero ka haystaa beeshiisa. Waxaad eegtaa xilligii adkaa ee beesha dhexe Soomaaloo dhammi isugu tagtay oo gummaadkii axmaqnimada ahaa loo gaystay, Cabdiraxmaan wuxuu go’aansaday inuu ku biiro ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM wuxuuna ka mid noqday saraakiishii hoggaaminaysay halgankii hubaysnaa ee Siyaad Barre taladii dalka looga tuuray HASE ahaatee Md. Cabdiraxmaan wuxuu ku guuldarraystay oo kari waayay inuu HAL RUUX oo beeshiisa ka mida ku qanciyo in SNM ay tahay URUR u dagaalamaya xuquuqda beelihii Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumaysan jiray oo xuquuqdoodii la duudsiyay waabase inuu ku qanciyee waxaa ka raacday naynaasta caanka uu ku yahay oo ah Cabbdiraxmaan Tol-Waa (Geesi Tol-Waayey) oo ah inuusan ku soo dabaalin xataa qof qudha ee beesha Samaroona.

Waa hubaal Cabdiraxmaan Aw-Cali inuu yahay halyay taariikh wayn leh oon qaadan quursiga jecelna gooni-isu-taagga Somaliland laakiin marnaba awood umuu yeelan inuu reerka uu ka dhashay ee Samaroon ka helo taageero siyaasadeed waxayna ugu cadhaysanyihiin inuuba ka mid ahaa URURKII SNM ee dalkan xoreeyey, reer Awdalna waa reerka qudha ee dhawr waji uga faa’idaystay madax-bannaanida Somaliland walina u cadhaysan sadbursi. Haddaba hadduu xaalku caynkaa yahay maxaa ku kallifay Cabdiraxmaan Tol-Waayay inuu ku dhaganaado jagada madaxweyne ku-xigeenka oo uusan cod iyo taageerotoona kaga helidoonin beeshiisa waxaana la yidhi maalintiina oday oday baa loo hadhsadaa habeenkiina habar habar baa loo hoydaa ee Cabdiraxmaan muu runta isku sheego intuusan waqtigu runta u sheegin!!!

Md. Cabdiraxmaan Aw-Cali wuxuu soo noqday madaxweyne ku-xigeenkii Somaliland xilligii marxuum Cigaal madaxweynaha dalka ka ahaa laakiin Cabdiraxmaan oo ay maskaxdiisa ku qufulantahay erayga “ anaa kaadidayda u soo cabbay iyo mujaahid baan soo ahaan jiray” waxay keentay inay isku dhacaan Cigaal oo uu Cigaal beesha Samaroon ka codsaday inay keenaan nimay wada shaqayn karaan. Ninkii samraa sadleh ee Cabdiraxmaan Aw-Cali nasiibkiisii waxaa qaatay Md. Daahir Rayaale oo yeeshay samirka iyo dulqaadka Hindida aakhirkiina nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweynaha Somaliland isagoon kaadidiisa u soo cabbin laakiin SAMIRKII Daahir Rayaale u yeeshay inuu ka hoos shaqeeyo Cigaal oo runtii ay adkayd inuu nin dhiiglihi ka hoos shaqeeyo wuxuu dhaxal siiyay wax lagu waayay qori caaraddi ee ragow kibirka waa lagu jabaa ee kaa halla ogaado waxaana Cabdiraxmaan uga baqayaa maantana inuu iska ciideeyo oo uu calfan waayo CADKA sharafta leh ee Xisbiga Kulmiye u oggolyahay!!!

Gabagabadii maqaalkan aan ku soo xidho gar-diid waa Alle diid ee garabka Cabdiraxmaan Aw-Cali hoggaaminayow maxaad gartii u diideen haddaydaan ahayn qaar meel kale looga yeedhay oo aan jin daasado u tumayn. Waxaa la yidhi nin meel u caddahay meeli u madaw ee raggii aad u ballan qaadeen inaad aqbalidoontaan wixii go’aan iyo talooyin ay idiin soo jeediyaan maxaad uga abaal darteen miyeydaan waji dambe reebanayn yaase gar-diid gartiisa galidoona mar haddii bulshada Somaliland ay idinku baratay madax adayg iyo haddaan tayda la ii yeelin wax kala socon mayaan waxaadna isku shaambadayseen inaad tihiin kaligi-taliyaal, macangagnimo, iyo gar-diidnimo ee armaad isdaba qabataan intuusan tareenku idin ka tagin hana noqonina kuwii geedkay gacmahooda ku beereen iyagu gooyay!!!

Wa Billaahi Tawfiiq iyo Ramaadan Kariim

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

 

 

gabose55@hotmail.com 


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra