OPINION

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Islaan baa beri inanteedii qudha ee ay dhashay nin ka guursadey. Mudo dhowr bilood ah ayaa islaantii inanti dusha ka waraysanaysey, oo ay ay toyanesysey bal in gabadha caloosheeda wax galeen, markay negativekii batay ayaa islaantii inantii xageedii u sadcaashay. Inantii islaantii way sooryeysey, oo iyad iyo inanteedii habeenkii la is warystay. Subixii markii waagu beryey ayaa islaantii farta loogu fiiqay ninka inanta ka guursadey.
 
Islaantii waxay tidhi “Ninkan intaa feedhihu le’egyihiin inantayda kama dhali waayine hagaraa ku jirta” Haatan Cabdiraxmaan iyo ragiisu heshiis Kulmiye lama gaadhi kari waayine, hagaraa ku jirta.
 
Somaliland weli waa reero, reero badan oo hankeedii iyo sedkeediiba lahaa kana mudnaa Cabdiraxmaan ayaa jira marka la eego sababta C/raxmaan looga door biday Saylici oo ah “Yaa Kulmiye cod ka heli karaa”. Ragaasi isma soo sharixin, juuqna laga maqal. Danta guud ayay ka eegeen. Waxay arkeen manta inay tahay “biya culustii” oo aanay ahayn maalintii la xisaabtami jirey,ee ay tahay maalintii dusha iyo danta guud laga raaci jirey.
 
Cabdiraxmaan manta maaha ninkii ka cadhoon lahaa Kulmiye. Xisbigu waa xisbigii uu intaa ka soo shaqaynayey, soo ababiyey maaha ninkii hangasha xidhan lahaa. Waxay ahayd oday dudmo laguma yaqaane inuu ereyna sii yidhaahdo, ereyna la hadho. “Oday hadal uu yidhaahdo iyo miduu dib dhigtoba waa leeyahaye” waxay ahayd inuu dabadeed duco raaciyo, oo danta guud ka raaco. Maanta tabasho shaqsi ah maahayn in xisbigu u boqon jidhjidhnaado, cimaamada ayaa kaaga dhacaday C/raxmaan, xisbigana waqti qaali ah ayaa kaga lumay. Didiiwaan gelintii ayaa ka bilaabmaysa Saxil bishan October 14-keeda. Diiwaan gelintuna sidaad ula socotaan kama dhacdo doorashada nafteeda, oo wax walba iyada ayaa lagu salaynayaa.
 
Hadaan ahay taageerayaasha Kulmiye, waxay ila tahay mulacyayntan iyo is daba jiidkani xisbiga iyo C/raxmaan kooxdiisa toona dani uguma jirto. Cadow badan ayaa sidii qorismariska isku soo lifaaqay khilaafka oo isku deyey inay ka faa’iidastaan. Waxa xisbiga soo gacan togaaleeyey Udub iyo dad aan xisbiga milgehiisa geyin. In Bulaale (Xoghayaha Udub) Kulmiye local affairs-keeda ka hadlo ayaa adyad iyo badrad xisbiga ilan. Intaa wixii dheeri xisbiga ma qabato. Kolkaa Cabdiraxmaan waa halyey geesi ah, mujaahid wadani ah, xisbigana kaadiradiisa iyo tiirarkiisa ugu waaweyn ka mida. Maantase Laba ayaa u furayd. Soomaalidu waxay tidhaadaa “lugta jeeniga dhaaftaa waa jabtaa”
 
Waa ta koowaade, natiijadii ka dhacday doorashadii Burco waa laguma noqdaan. Shirka Maxdaweynaha iyo Kuxigeenkiisa lagu dooranaya mar buu dhacaa, wixii ka soo baxaana waa sharci, waana final. Inuu aqbalo oo qaato. 
 
Waa ta labaade wixii kale ee tabsho ah, ama xaal xaal ah ama ku noqoshe leh, gogol iyo garnaqsi ayaa xisbigu ka dhigay, oo weliba miisaanka ragaa daraadood Gudoomiyuha Kulmiye, Xaaji Siilaanyo isu qaawiyey oo hamrasho tusay. Waxay ahayd inaanu ergada uu badh xulkeeda lahaa aanu ka hor iman. Udub ayaa gudi diidka lagu yaqaaney, Kulmiyese waa ku ugub.
 
Kolkaa hadi Cabdiraxmaan ay cuntami weydey go’aankii ergadu soo gaadheen, macneheedu waxa weeye Odaygu xisbiga ayuu iska dhex arki waayey. Markaa Kulmiye Odayga ha u duceeyo oo weliba garabka ka sii dhirbaaxo. Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa, waxay ila tahay in Odayga iyo raga la socdaaba ay haatan biqla dhamaysteen, jiitankan iyo mulacyayntanina way dheeraatay, madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto.
 
Kulmiyena waxan odhan lahaa iyo dadkiisaba, move on!
 
Ibrahim S. Yusuf-Bulay (dhirsi@hotmail.com)


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra