Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.
Marka hore waxa aan salaan qaaliya u diraya dhamaan inta akhrista maqaalkan iyo mareegaha ogalaada in fikradani ay ku baahdo dunida dacaladeeda. Waxa kale oo aan salaamaya dhamaanta inta shaki la`aan isku qancisey in hurumar iyo barwaaqo lagu gaadhi karo cabsida eebe iyo tageeriada cadaalada iyo diidmada dikteytarnimda.
Sida lala socdo waxaa mudooyinkan u danbeeyey ka dhacayey gudaha dalka Somaliland shirweynayaal balaadhan oo uu qabsanayey xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE. Shirarkaasi oo lagu dooranayey hogaanka xisbiga iyo weliba cida u ordi doonta xisbigaasi marka la gaadho doorshada M/weynaha iyo ku xigeenka ee dalka ka dhici doonta sanadka danbe. Hadii aynu shirarkaasi iyo geedisocodkoodi wax yar dib u halacsano waxa aynu u kala qaadi karnaa laba shir oo kala ahaa 1.Shirkii ka dhacey Hotel Ambassador Hargeisa ee lagu dooranayey Gudoomiyaha iyo ku xigeenka xisbigaasi iyo 2.Shirkii danbe ee ka dhacey Hotel Plaza Burco ee lagu dooranayey cida Xisbigu uu u cugan doono iney u tartamaan jagooyinka M/weyne iyo Ku xigeen doorashada dhici doonta April 2009 hadii Allaha awooda lihi uu ka raali noqdo.
Meel hal lagu qaley mana hadal yara mana hugun yara.
Waxaa hubaala in shiraarkaasi ay ahaayeen qaar aad u kulul oo rag iyo dumar wixii ka qeyb qaatey uu dhiigu ku kacey, iyadoo raga hunguriga kuraasidu wadeyna la odhan karo waa rag nasiib badan hadii ay kaba noolaadeen raafaadkii iyo dagaalkii shirarkaa, iyadoo la odhan karo raga ku guuleystey jagooyinkaasi waa rag inta nolashooda ka hadhey xasuusnaan doona, kuleylka ay u soo mareen kuraasida ay ku guleysteen.
Marka hadaba lagu gudbo dagaalkii iyo daalkii shirarkaas waxaa is weydiintu noqon kartaa Xisbiga Kulmiye miyuu ku burburey shiraarkaas mise wuu ku bislaadey?. Jawaabtu inkasta oo ay dhex taalo rayil caamka, hadnaa waxaan ka qoraa ahaan odhan karaa Xisbiga KULMIYE wuu bislaadey waxaaunu u bislaadey hogaaminta umada u jeelan maamul toosan oo ka dulqaada heeryada dib u dhaca, musuqa iyo gaajada ku baahdey. Muranka, qeylada, is qabsiga, hugunka iyo hirdanka ka baxaaya badhtamaha xisibiga KULMIYE waxaa lagu tilaami karaa ufo ka soo horeysaa roob mahiigana oo ka dul onkadi doona dacalada dal weynaha Somaliland. Waa xaqiiq in wixii si adag kugu soo gala aanad si hawl yar ugu lacaabin, waxaaynenu ku jiraa School aynu ku baraneyno sida aynu ku heli laheyn maamul maruun inaga saara rafaadka iyo dhibta ay cidina sheegi karin sababta aynu ugu jiro.
Hadii aynu suaal kale oo gola ka fuula is weydiino, ma jiraa Farqi u dhexeeya Xisbga KULMIYE iyo Xisbiyada kale ee ka jira Somaliland?. Jawaabta oo fudud waa haa. Lada xisbi ee kale midana lagama hayo shirweyne ay shaarubo xiglayaashu fooda is dirteen oo inta loo gooleyey ay rag guusha la caaraabeen. Hadii danbiga la iska dhowro Xisbiga UCID ayaa shirweyne aan sidaa qeylo badani uga yeedhin dib ugu doortey Faysal Cali Waraabe inuu sii ahaado gudoomiyaha xisbigaa. Iyada waaba habeenkii xaley ahaa oo tagey in xisbiga UDUB uu meela kaga soo abtirsado waxa loogu yeedho dimiquraadiyada iyo in si xalaala loo tartamo, sababtuna wax kale ama aha ee Xisbiga iyo siduu ku sameysmay ayaa iska aheyd macmal, musuqmaasuq iyo dikataarooriyad. Waxaana xisbiga UDUB lagu sifeyn karaa geed is maris u hadhey guul rag leeyahey.
Gebagabdii xisbigii KULMIYE muu burburin ee wuu bislaadey balse waxa aynu sugi doonaa in dadweynaha laftoodu bislaadaan oo kala gartaan nin iyo geed.
Alla mahad leh.
Waa qalinkii
Osman Omar Dool
Oslo Norway




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday