Wadahadaladii xallinta khilaafka xisbiga KULMIYE oo soo gebageboobey iyo go’aamada laga sugayo guddida dhexdhexaadinta
Hargeysa (Somaliland.org) – Wadahadaladii turxaanbixinta xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay in la soo gebagebeeyey, waxaana la filayaa in guddida dhexdhexaadintu ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan qodobada go’aamo ay doonayaan in lagu soo afjaro khilaafka labada maalmood ee soo socda.
Guddida dhexdhexaadinta oo ka kooban 8 xubnood oo uu hoggaaminayo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxay dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga KULMIYE gudihiisa ku jireen tan iyo toddobaadkii hore, waxaana la sheegay inay go’aamo gaadheen kadib markii kulamo gaar gaar ay u la yeesheen iyo kuwo ay isku soo horfadhiisiyeen ku dhegeysteen doodda labada dhinac – hoggaanka xisbiga iyo kooxda labadii musharrax, Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Cadami ee ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga ee lagu qabtay Burco.
Guddida dhexdhexaadinta waxa la sheegay in labada dhinacba ay u gudbiyeen go’aamada ay soo gaadheen, isla markaana ay isku deyayaan inay dhinac walba ku qanciyaan waxa ay soo gooyeen. Waxaana la sheegay in guddidu ay xalay la kulmeen kooxda Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cadami oo la sheegay inay waxoogaa ka biya-diidsan yihiin go’aamada.
Guddoomiyaha Guddida Dhexdhexaadinta, Abwaan Gaarriye oo aan isku deyey caawa inaan wax ka weydiiyo halka ay marayso hawsha dhexdhexaadinta ayay suurageli weydey inaan la hadlo.
Hase yeeshee, Go’aamada guddida dhexdhexaadinta ayaa la sheegay in nuxurkoodu yahay in kooxda Cabdiraxmaan iyo Cadami ay ka tanaasulaan dalabkooda ah in dib loogu noqdo Shirkii Golaha Dhexe iyo natiijadiisii, halka hoggaanka xisbigana lagu waajibiyey inay qaadaan tallaabooyin ay ku qancinayaan kooxdaas oo ay ka mid tahay in dib loo dhiso guddida Fulinta ee xisbiga iyo in wax laga beddelo xeerka xisbiga.
Dhinaca kale, shirar doceedyo ku saabsan sidii arrimahan loo soo afjari lahaa ayaa la sheegay inay socdaan.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday