Tacsi uu dirayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Faadumo Xasan C/laahi, oo maanta 22.09.2008 ku geeriyootay Magaaladda Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa, inuu janadii Fardawsa marxuumada ka waraabiyo, Samir iyo iimaana eheladeeda ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
