G/Xigeenka Wakiiladda Oo Magaaladda Oslo Shir Xogwaraysi Ah Kula Yeeshay Xubnaha Xisbiga Kulmiye
GUDDOOMIYE-XIGEENKA 1AAD EE GOLAHA WAKIILADDA OO OSLO KULA YEESHAY SHIR XOG WARAN AH XUBNAHA XISBIGA KULMIYE EE DALKA NORWAY
Oslo(Ramaas) Sept22. 2008 - Guddoomiye-xigeenka 1aad ee golaha wakiiladda Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shalay galab kulan si heer sare ah loo agaasimay kula yeeshay Magaalada Oslo xubnaha Xisbiga Kulmiye ee Dalka Norway. Mudane Cabdicasiis waxa hadaladiisii ka mid ahaa kulmiye hawlahaa hadda ka soo kordhay gudihiisa anigu waxan u arkaa hawo caafimaad oo loo baahnaa. Waa in la loolamo, oo la tar-tamo, in qofkii wax doonaya is muujiyo dabadeedna aakhirka meel uun la isugu yimaado. Micnaheeduna maaha sida la leeyahay kulmiyaa kala jabay, hase yeeshee waa bislaansho iyo talo wadaag uu dheer yahay xisbiyadda kale.
Mar uu la hadlayey xubnihii shirka fadhiyey wuxu yidhi: Dadweynihiina ku nool Norway qeyb weyn baad ka soo qaadateen halgankii dalka lagu xoreynayey. Dhanka kalena waxa jira in rag badan oo cul-culus oo Kulmiye ah inaad ku joogtaan halkan. Dalka waxa ku soo fool leh doorashooyin. Kolkaa waxa la doonayaa in loo diyaar garoobo oo sida ugu wanaagsan ee aan tar-tarkaa ugu guuleysan laheyn runtii loogu diyaar garoobo. Waxa la doonayaa xilliga doorashada in aad soo dirtaan dad badan oo muraaqibiin ah, dad ad-adag oo goobaha sanaadiiqda ilaaliya iyo dad kormeerka ka qeyb qaata inaad soo dirtaan baa la idiinka baahan yahay.
Ugu dambeyntii Guddoomiye-Xigaanka 1aad waxa goobtaa lagu weydiiyey su´aalo. Waxaana su´aalihii ka mid aheyd: Waa maxay siyaasadda Kulmiye uu doonayo inu dalka ku hago?
Wuxu ku jawaabay Mudane Cabdicasiis: Waxa ka mid ah siyaasadda Kulmiye ”Transparency”. Waa idinkaa arkaya xisbiga dhexdiisa loolan baa ka jira, yacnii dimuqraadiyad aad odhan karto Yuruba kama jirto. Wuxu xisbigu balan qaadaya in uu ummaddiisa si caddaalad ah ku hogaamin doono. Waxa aanu arkeynaa waxa ummaddan dhaqi karaa inay caddaalad tahay. In aan xoolo la gaadhsiin karin, manaasiib loo qeybiyo oo wasiiro ahna la deeqsiin karin. Laakiin waxa ummadda deeqi karaa inu caddaalad yahay. Waxa aanu aaminsannahay siyaasadda Kulmiye in ay tahay siyaasadda Ictiraaf deg-deg ah keeni karta.
Shirkaa ka dib waxa aan weydiiyey Cabdicasiis dhawr suaalood waxaanay u dhaceen sidan:
S/: Mudane Cabdicasiis waxa aad nooga warantaa socdaalkiinan Magaalada Stavanger waa idinkii tagey ee Siminaarka kaga qeyb galay. Muxuu ku saabsanaa siminaarkaasi?
J/: Safarkayagu sidad ka war-haysay wuxu ahaa safar xidhiidh ahaa. Waxaanu runtii ka soo bilownay wadanka Kiiniya Nairobi oo aanu kaga qeyb galay shir baarlamanada Afrika iyo Yurub loo sameeyey oo muddo kooban socday. Shirkaa oo runtii qiimo weyn inoogu lahaa guul weyna aanu kala soo hoyanay. Intaa dabadeedna casuumado door ah oo meelo kala duwana ayaanu helnay, oo ay ka mid aheyd xubno Barlamanka Wadanka Jarmalka ah oo aanu halkaa ku kulanay oo na casuumay. Xisbiyadda Dalka Sweden oo na casuumay iyo halkan Norway oo aanu u nimi Siminaar ku saabsan Batroolka. Kaas oo si aad iyo aad u qiimo badnaa. Runtiina aan odhan karno aqoon wanaagsan ayaanu ka helnay oo dadkayaga iyo dalkayaga iyo golahayaguba u baahan yahay. Safarkayagu sidaasuu ahaa, guulna waanu ka joognaa.
S/: Marka aynu Siminaarkan eegno Batrool buu ku saabsanaa, dalka Norwayna waa kan doonaya in uu batrool dalkii ka qodo ee heshiiska la galay Xukuumadda. Kolkaa saameyn ma isku yeelayaan heshiiskaa iyo siminaarkani?
J/: Horta Siminaarka aanu galay muu aheyn siminaar khuseeyey ama qabashadiisa cidda ku lug lihi may ahayn Shirkadaha daneynaya Shidaalka Somaliland. Laakiin annaga dawladda Norway Hay´ad ka socota ayaa casuumadda noo fidisay. Siminaarkaana na siisay ee may ahayn shirkadaha hawsha batroolka Somaliland inay ka galaan doonaya. Taasi horta waa qodob sixid u baahan. Siminaarkuna wuxu ku saabsanaa shidaalka iyo hawlihiisa iyo intaan shidaalba la qodin shuruucda loo baahan yahay. Sida wadamada shidaalka leh ee shidaalka soo saarayaa ay uga digtoonaan lahaayeen dhibaatooyinka uu keeni karo shidaalka laftiisu. Sida dadkoo ku hirdama ha noqoto ama qabiilo isku laaya ha noqoto ama musuq-maasuq ha noqoto. Cidda bixineysayna shirkadahaa may ahayne dawladda Norway ayey ahayd oo waliba talo wanaagsan naga siineysay. Taladaas oo aahayd sida shirkadaha la isaga ilaaliyo iyo sida loola xisaabtamo. S/: Waxad safar ku tagteen Dalka Kiiniya idinkoo kaga qeyb galey halkaa shir. Maxaa idiinka soo qabsoomay shirkaa ama aad ka sideen? J/: Horta shirkaasi wuxu ku saabsanaa isbedelka cimilada aduunka iyo raad ay ku yeelatay aduunyadda. Wuxu kaloo ku saabsan mucaawinaad Afrika la siiyaa sidii ay wax muuqda u noqon lahaayeen oo baarlamanada Afrika wax uga ogaan lahaayeen ama ay u hubin lahaayeen in la gaadhsiiyey dadkii u baahnaa. Shirka waxa isugu yimi oo u ahaa bud-dhig barlamanada 24-wadan oo Afrika ah iyo wadamo galbeedka Yurub ah. Annaga si rasmi ah ayaa naloogu marti qaaday oo aanu kaga qeyb galnay. Waxa aanu ku kulanay xubnihii ka socday baarlamanadaa iyo safiiro badan oo wadanka Kiiniya jooggay. Waxa aanu ku kulanay ragg badan oo matalayey baarlamanada yurub sida: jarmalka, Norway, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykan. Runtiina khibrad badan waanu kala kororsaney. Waxa xusid mudan in kolkii shirkaasi uu dhamaaday ”Europian Parlamenterian for Africa” aanu kala saxeexanay heshiis dhisme cusub oo Galaha Wakiilada loo dhiso oo lagu qiimeeyey Afar Boqol oo Kun oo Doolar. Kaas oo bilaabmi doona bisha Oktoobar haddii Alle yidhaah. Guud ahaan shirkaasi wuxuu ahaa shir midho weyn noo dhalay, casuumado badanina ka dhasheen ayuu ahaa.
Ramaasnews
——————————————————————————————————————————–

KULMIYE PARTY, Norway Branch
Chairman of Kulmiye Norway Branch : Sulub WARSAME.
Member of K. Norway Committee: Ali JAMA, Maryan ALI, Husen HASSAN and Hassan ALI.
Member of Kulmiye Central Committee, from Norway Branch: Professor Husen Hassan.
Adress-office of Kumiye Norway: Nordkappgata 19, 0479 Oslo, Telefon: + 47 41075670. Acoun-ka Norway Branch: 15030507670, Dnb NOR BANK.
E-mail of Kulmiye Norway: kulmiyenorway@hotmail.com.
————————————————————————————————————————————
