OPINION

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid
 Wariye: Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
 
 Burco(HWN)-Suxufiyiinta Gobolka Togdheer ayaa Hada u Muuqda Kuwo u Kal Qaybsan Hab Qabali ah ka dib markii ay Qaar  ka Mid ah Suxufiyiinta Da,ahaan Ugu Weyn ee Wariyayaasha Gobolka Ka Hawlgalaa Dadaal dheeraad ah in mud ahba ugu jireen Sidii Ay u Kala Qaybin lahaayen Guud ahaanba Warbaahinda Gobolka Joogta.
 
Talaabadani ayaa Ka danbaysay ka dib markii ay Xubnaha urur Goboleedka SOLJA ee Togdheer Xilkii Gudoomiyenimo ka Qaadeen Gudoomiyihii Hore ee Xafiiska Solja ee Magaalada Burco Kayse Digaale, Isla markaana ay halkaasi ku Doorteen Gudoomiyaha Cusub Yuusuf Ibraahin Warsame(Ilkacase)
 
                 Xilka Qaadista Gudoomiyi Hore
 
Sida ay ku Doodeen Xubnaha Solka Togdheer: Xilkaqaadista Gudoomiyaha Hore ayaa ahayd Mid loo maray Nidaamka Iyo Shuruucda Ururuka SOLJA, Iyad oo xil ka qaadistiisana Lagu Sababeeyay in uu ku Guul daraystay ka Midho dhalinta Himilooyinkii Ururuka Iyo Aqoon La,aan Baahsan,
 
Taas badalkeedana ay Xubnaha ururku isla Qaateen in Xilka Laga Xayuubiyo Gudoomiyihii Hore ee Xafiiska Joogay,
 
              Gudoomiyihii Hore,
 
Gudoomiyihii Hore ee Solja Togdheer ayaa Xilka qaadistiisa ku Tilmaamay Mid Sharci Daro ah isla Markaana Olole Xoogleh u Galay in uu is Hortaago Talaabadi Xilka Lagaga Qaaday, waxna uu Canbaarayn Xoog leh la Miciin saday Xafiiska SOLJA ee Togdheer isaga oo ku eedeeyay in uu Gacanta u Galay Wasaarada War-faafinta
 
Sidoo kale waxa uu Gudoomiyihii Hore ee Xilka Laga Qaaday Gacanta ku Dhigay Qaar ka Mid ah Wariyayaashii Markii Hore Xilka Ka Qaaday oo uu Siyaabo kale Duwan u Hantiyay ,
 
             Hogaanka Sare  SOLJA
 
Hogaanka Sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Ayaa iyagu go,aan kama danbaysa ah ka Qaatay Muranka Xafiiska Solja ee Gobolka Togdheer, waxana Bayaan ay ku Saxeexan yihin Gudoomiyaha SOLJA Mustafe Cabdi Ciise Shiine,  Iyo Xoghaye Muuse Max,ud Ingi Lagu Sheegay in ay SOLJA Taagersan Tahay Xilka Qaadista Gudoomiyihi Hore Isla markaana, ay la Shaqayn doonto Hogaanka Cusub ee Solja Togdheer Iyo Gudidiii ay iska dhex doorteen,
 
            Fadeexada Weyn
 
Intaasi ka Dib ayaa Guud ahaanba Wariyayaasha Gobolka Togdheer waxa ay u Muuqdaan kuwo u Kala Qaybsan, Nidaam beeleed Iyo Qabiilo, iyada oo Suxufiyiintii waaweynaa ee Gobolka Joogay Mid walabaa dhinaca u Goostya Intii ay isku Hayb ahaayeen,
 
Inkasta oo ay Jiraan Dhar Wariye oo Fadeexadan ka Fayo-qaba Iyagu oo aan Qolona la Safan walow ay Xubno ka Yihiin Ururka Solja
 
Dhinaca Kale Labadan Garan ee Beelaysan ayaa waxa ay Isu Adeegsadeen Warbaahinta Somaliland Qaarkood oo Iyaga Laf ahaantoodu Nidaam Beelaysan u Kala Taageersan, Sida Qaar ka Mid ah Wargeysyada Iyo Qaar ka Mid ah Website Yada Internetka Qaarkood
 
        Saamaynta Anshixii Mihnada,
 
Kala Qaybsanaanta Qabaliga ah ee Suxufiyiintii Gobolka ayaa ah Mid meelkadhac Ku ah Xeerka Saxaafada Somaliland  Iyo Guud ahaanba Mihnadii Wariyanimo, waxana ay si Cad uga Hor imanayasaa Xeerka Saxaafada Iyo Guud ahaanba Sharaftii Warbaahinta, ” Suxufigu waa Ab-laawe” Ablaawe Waa Ilmo aan Abo Lahayn” Taas Macneheedu waxa weeyan” Suxufigu Qolo Maaha”
 
Sidaasi waxa Si Cad u Qeexaaya Qodobka “1″Aad Xaashida ugu Horeysa ee Xeerka Saxaafad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, oo si weyn u Qaadaa dhigaaya Sharafta Iyo Qadarinta ay Saxaafadu Mudantay
 
Sidoo kale Talaabadani Cunsuriga ahi waxa ay ka Hor imanaysaa Xeerarka Saxaafada kuwooda Caalamiga ah oo si dhab ah u kafaala Qaadaaya Nidaamyada “Qabaliga”Qoomiyadaha”Diimaha”Midabada”Iyo Kuwa Laga Tiro Badan Yahayba,
 
Isku Soo wada Duuboo Talaabadani ayaa Qaran jab ku ah Guud ahaanba Milgihii, Karaamadii, Anshixii, Ay lahayd Saxaafada Gobolka Togdheer Iyo Guud ahaanba Himilooyinkii Warbaahinta Somaliland
 
       Baaqa Qalinka
 
Waxa uu Khadka Qalinku ugu Baaqayaa dhamaanba Wariyayaasha Ficilada Noocaas ah ku Kacay In ay Raali Galin ka Bixiyaan Talaabadni, Sidoo kalena ay Khilaafkooda Ku Dhameeyaan Si ay Walaal Tinimo ku Dheehantahay,isla Markaana ay ka Digtoonaadaan in ay Bulshada u Horseedaan Kala Qaybsanaan Noocoodan oo kale ah,
 
Qalainku waxa kale oo uu ugu Baaqayaa Ururada Saxaafada ee Dalka ka Jira in ay ilaaliyaan Milgaha Iyo Karaamada War-baahinta ay NGO yada u yihiin isla Markaan aany Is Xag-xagashadoo ka Dhawraan In ay ku dhex milaan Wariyayaasha Curdinka ah,
 
Ugu Danbeyntii Hadii aan Talaabani lgu Dhamayn waayo wada Hadal waxa lumaaya Xaqii ” Udoodida’ Daryeelida ” Wax-barida ” ee Wariyayaasha oo Dhan,
 
Foosi Saleban Aw-Bindhe
Freelence Jounalizem
Foosi36@hotmail.com


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra