Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..
Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi Karayay In aad Ku Tumato Qiime Ay Kuugu Fadhidayba
Bulaalle, Bulaalow , ma waxaad naga dhaadhicinaysaa adiga oo ah Bullaale inaad KULMIYE duco, nasteexo iyo masaxlad ula socotay inaad ku kala dhexgasho ? Dee taasi waxay ka digantahay Bulaalow waxaan ahay dhurwaa ama waraabe hadana waxba ma cuno labadaasina isma raacaan, waana wax aan galayn caqliga dadka miyirka qaba. arintaasna kolay lagagu garay hadaad is lahayd waa kuwa is haystee adna isha ka sii rid reer KULMIYE. Bulaalaalow maxay ahayd KULMIYE maslaxada kuugu kaliftay amaba kuugu jirtay inaad heshiisiisaa ilayn khayr umaad haynne? Aan u soo noqdo jawaabtaadii warsaxaafadeedka KULMIYE aad u jawaabtay ee aad iska dhex dabaalatay iyadana.
Cabdiraxmaan Aw Cali ayaad u tagay sidaad naga dhaadhicisay in Cabdiraxman Aw cali Faarax kaa aqbalay inaad noqoto duco qabe xisbiga kulmiye kala daadiya oo burburiya , waxaad kale ood sheegtay in Axmed Siilaanyana uu kugu diiday oo tab iyo xeeladaadii gaas iyo kabriidkaagii aad isku soo hagaajisay uu ka hoos qaadi waayay.
Bulaalow Horta Cabdiraxman Aw Calina sidaad sheeganayso marnaba kaamuu aqbalin wax dhexdhexaadin la yidha haba yaraatee adiga oo Bulaale ah inaad daacad ka ahayd, maslaxada Cabdiraxman iyo ta KULMIYE midnaba. Ka rog oo hadana saar, hadal aad is leedahay cay ka dhig ama aflagaado ka dhig ayaa laga yaaba inuu amaanba u noqdo qofkaad is lahayd waxyeel oo suldaanimadii aad ku xeegaysatay eed ku galgalatayna aan iyadana u sii dhaadhaco waxna ka idhaahdo.
Saldaanadu horta micnay wanaagsan bay leedahay, maamuus iyo haybad bay leedahay, sharaf, ixtiraam iyo qadarin la qadariyo ayay leedahay suldaanimaduna sharaf iyo burhaan u gaar ah ayay huwantahay, ninka noqdaana waa nin umad oo dhan lagaga soo xulay sifo u dadka kale dheeryahay darteed. Waa nin wanaag u ku sifoobay ku hantay kuna mutaystay suldaanimada. Horta suldaanimadu ceeb sidaad adigu ula jeeday ma aha waa se mansab la gaadho kolay se adiga kaa dheer kaana fog intaad nooshahay.
Axmed SIilaanyana hadaad suldaan ku sheegtay iyo hadii kale inkasta oo aanu suldaanba ahayn hadana ceeb kuma aha hadaad suldaan ugu yeedhay waa u sharaf isaga iyo geesiyaashii dalkan u soo halgamayba, waana rag taariikh dalkan ka samaystay oo aan guulwadenimo ku gaboobin. Bal hada se Bulaalow guulwadanimadana iyadana aynu wax ka taataabano waxay tahay, dabeecada lagu yaqaan iyo guulwadanimada waxa loogu siifoobaba.
Guulwadahu mansab ma aha, micne uu leeyahayna ma jiro, wax kale sii gal galimaayo bal se guulwade waa iska guulwade nool uun. Sifaha guulwadaynta ama guulwadahaba waxaa ka mid ah inuu yahay shakhsi maalin ku nool ah oo shalay wuxuu yidhi, maanta wuxuu yidhaahdo iyo bari wuxuu odhan doonaaba ay ku xidhan tahay xoogaga yar ee hadba loo daadiyo. Bulaalow ,mansabkaa aad maanta ku fadhido , xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Aar baa ka kacay aan waligii guulwade lagu xaman balse isagu ahaa siyaasi isku kalsoon ragna wax la qaybsan jiray si sharci ahna u cadaystay inuu xisbigaa aad ku jirto dhexdiisa madaxnimada ku tartamo, Dr Cabdi aw Daahir wuxuu ahaa siyaasiga kaliya ee xisbiga UDUB tusay taariikhda in la iska barbar sharixi karo Daahir Rayaale Kaahin. Dr Cabdi Aw Daahir sharafta iyo mansabka uu ku fadhiyana siyaasi aad u yaqaanay buu ahaa oo kalmad adag mudadii uu xoghayaha ka xisbigaUDUB. Nasiib daro adiguu noqday kii DR Cabdi Aw Daahir lagu badalay ee loogu tala galay inuu Rayaale u noqdo (attack dog ) shakhsiga loo adeegsado inuu tuur tuuro eryada rakhiiska ah ee aan qaban mansabka aad ku fadhido.
Hadal iyo gabgabo, Bulaalow horta waad hadashay intii mooyahaaga kuu qadi karayay in aad ku tumato qiime ay kuugu fadhidayba balse Bulaalow waxaad ogaata in xisbiga KULMIYE aanu adiga kaa sugayn kaagana fadhiyin nasteexo maanta aad u qabato adiga,UDUBTAADA kale iyo wixii ku soo raacayaba. Xisbiga KULMIYE waa xisbi ay ku jiraan halyay iyo geesi soo bislaaday oo waxani aanay ku cusbayn waa rag xaqiiqda isu sheega oo is dhagaysta isna qadariya isuna garaaba isu tanaasula gacmahana is qabsada qabsada aakhirka. UDUB iyo caqliyadeedu waa taa aad maanta is tidhi KULMIYE kala qaybi oo hadana kala daadi. Bulaalow saaxib miiskiin ya dalas yaa saaxiba doolaar !
Khadar Aw Axmed Camir
Springfield, ILLINOS




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday