OPINION

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

Xisbiga kulmiye wuxuu dib u habayn ku sameeyay doorka saraakiishii SNM ta ee xisbiga, waxaanu soo qaddimayaa rag leh maskax  wax kale hagta. Halgankii wuu dhammaday, taariikh uun ladaba socon maayo. Taariikhda waa la qoraa, waa la xurmeeyaa, waana loo dabaaldagaa- ee iyadu dadka ma hagto. Waxaa waxa lagu hogaamiyaa maaha wixii tagay ee waa waxa taagan markaa iyo waxa loo maleeyo inay soo socdaan. Isbeddelada cusub ee Kulmiyana arrintan ayay ku salaysan yihiin.  

Muddo shan billood ah gudahood ayay u suuragashay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada xisbiga Kulmiye inay qabtaan shirwaynihii xisbiga iyo shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga. Shirwaynaha waxaa  lagu doortay hoggaanka sare ee xisbiga waxaana lagu ansixiyay xeerka iyo barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga. Shirka Golaha Dhexena waxaa lagu ansaxiyay laguna lafaguray xeer hoosaadka xisbiga, waxaana lagu doortay shirguddoonka Golaha Dhexe iyo Musharxiintii xisbiga uga qaybgali lahayd doorashooyinka madaxwaynanimada ee dalka ee sanadka soo socda. Waxaa kaloo shirka Golaha Dhexe lagu magacaabay laguna ansixiyay xubnaha Golaha Fulinta ee xisbiga oo qaarkoodna loo magaacanay xilal sare.  

Haddaba marka loo fiirsado sida uu xisbiga u xushay musharxiinta tartanka madaxwaynanimada, iyo xubnaha golayaashiisa fulinta iyo golaha dhexe, waxaa ka muuqda isbeddel hor leh oo  dadka badankiisu aanay hore ugu aqoon xisbiga Kulmiye. Waxaa kuu muuqanaaya in kornayladii SNM ta laga fogeenaayo talada siyaasadda xukuumiga ah ee xisbiga. Isbedelkani imika ayuu bilaambay waxaana muuqata inuu durba imika guulo gaadhay. 

Waa marka hore waxaa meesha laga saaray in laba mujaahid wada noqdaan musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaana laga horyimid damacii jagadan ee mujaahidiintii militariga ahaa ee SNM ee ay ka mid yihiin Kornayl Muuse Biixi, Kornayl Ibraahim Dhagawayne Kornayl Cabdiraxman Aw Cali. Waxaa isna kaambaynkiisii  iyo taageradiisi si aad ah ugu guul daraystay Kornayl Maxmed Kaahin.  Kornayladani, inkastoo yihiin geesayadii dalka naftooda u huray, waxay ku guulaysan waayeen inay isu bedelaan siyaasaiin aragti hogaamineed oo caafimaad qabta leh, waxayn ku sifoobeen iska horimaad dhexdooda ah, macangagnimo iyo hogaamin xumo.  

Haseyeeshee, saraakiishani waxay xisbiga iyo dalkaba ka mudan yihiin ixtiraam iyo soo dhawayn. Waxaana muuqata in xisbigu aaanu tuurayn raggan oo ay noqon doonaan qaar meel culus kaga jira talada xisbiga. Waxayna u egtahay in kaalin hogaamineed ay ka gali doonaan xagga xisbiga ama dawladaba. Imika Muuse Biixi waa guddoomiyaha ku xigeenka 1 aad ee xisbiga, waxaana la filaaya inuu bisha April wixii ka danbeeya noqon doono guddoomiyaha xisbiga. Cabdiraxman Aw Cali, Maxamed Kaahin, Ibraahim Dhagawayne iyo Mohamed Xasan Jidhif  waxaa hubaal ah  inay noqon doonaan madaxda gaanshaandhiga sida hogaamiyayaasha ama abaanduulayaasha ciidamada qalabka sida, kuwa nabadgalyada, nabadsugidda iyo asluubta iwm.  

Ugu danbayntii waxaa  muuqata in xisbiga KULMIYE uu dhisi doono dawlada kooban oo u badan mutacaliim leh aqoon sare oo ka saara dalka dib u dhac dhinacayada badan ee ku yimid muddooyinkii danbe, waxana la filaayaa inuu dalku heli doono hoggaan casri ah oo la jaanqaada isbedelada wanaagsan ee bulshada Soomaliland qaaday iyo isebedlada ka socda adduunka.  

Haddii uu Kulmiye ku guulaysto doorashada, waxaa  awoodda siyaasadeed ee dalku ay gacanta u gali doonto rag leh aqoon farsamo, mid siyaasadeed  iyo mid maamulba oo aan askar ahayn si dhakhso ah dalka u horumarin kara. Waxaa si wayn loo saadaalinayaa in dadkaasi ay ugu horeeyaan Prof Ismaaciil Aare, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Cali Guuleed, Dr.Cabdi Aw Daahir, Maxamed Muuse Abees, Prof Hussein Saleebaan, Maxamuud Xaashi, Maxamed Yoonis Cawaale iyo qaar kale. Arrintaasina waxay keeni doontaa in dalka ay u soo baxaan jiil siyaasiin cusub oo ku qalabaysan aqoon, waayo aragnimo, hibo hogaamineed iyo farsamo hawleed casri ah oo dalka horumarisa, adduunkana ku xidha. Kulmiye hadduunbuu cagta saaray dhabbadii horumarka dalka.  
 

C/casiis Xirsi Cumar


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra