Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”
Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”
Md Faysalow Cali Waraabow , siduu md Axmed Siilaanyana uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay Adna aad siduu ahaa u Qirtay in reer Kulmiye kugu Yidhaahdeen Anagaa hadaanu nahay reer Kulmiye hawshayada turxaansaarka ah Dhamaysanayana maxaa ku jabnaa, ma intaa wax ka duwan baa jawaabtaadan deg dega ahayd kaliftay mise wax kalaa jiray? intaa se aan ku dhaafo Faysal Cali Waraabe iyo caadadii dheh !
Waxaa dhowaan warsaxaafadeed uu ku seexanyahay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Siilaanyo soo saaray xisbiga Kulmiye, warsaxaafadeedkaasi waxaa uun buu runta ka sheegay in md Faysal Cali Waraabe iyo nin ka socday xibiga Udub ay u yimaadeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisa si ay u heshiisiiyaan xubnaha xisbiga Kulimye ee wax ka tabanaya doorashadii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo musharaxiin ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye ay ka dudeen subaxdi intaan doorashadba lagu qaban holkii Burco City Plaza. Jawaabta gudoomiyuhuna sidaan hore u xusay anagaa dhanmaysanayna ayay ahayd.
Gudoomiye Axmed Siilaanyo, md Faysalow kuma caayin kumana aflagaadayn, beenna kama sheegin intaa aad adiguba tidhi in ka duwanna muu u odhan balse wuxuu saxay wararka been abuurka ahaa ee saxaafada madaxa bannaan ku dhuumatay baryahan dambe, idiinkana waxa u idiin sheegay uun in xisbiga Kulmiye ay isku ku filanyihiin hawlahooda iyo turxaansaarkoodabana ay xisbi ahaan dhamaysan karaan, Masu’ uul kasta oo siyaasi ah xisbina madax ka ah, waajibaa ka saaran wararka qaldan ee khuseeya xisbigiisa inuu toosiyo isla markaasna la saxo runta iyo xaqiiqadana lagaga jawaabo.
Mud Faysal Cali Waraabe, xisbi ayaad gudoomiye ka tahay maalin kastana toban goor oo aflagaado ah ayaa kaa soo baxa, toban goor oo qalad ahna saxaafadaad u sheegtaa,toban goor oo aanad ka fiirsanna xisbiga Kulmiye waxaad doontaad ku sheegtaa reer kulmiye marnaba kaamaba cawdaan waxaad tidhaahda waxay yihiinba oo way ku yaqaannaan.
Md Faysal Cali Waraabe, Xisbiga Kulmiye, waa xisbi mucaarad ah oo dantiisa iyo maslaxadiisaba ay ku jirto in uu wax la qabsado xisbigaaga UCID , madaxda kale ee xisbigaagu intooda badani waa siyaasiyiin miisaan leh oo lala shaqaysan karo waxna lala qabsan karo sidii laba xisbi oo mucaarad ahna loo wada socon karo, nasiib darro se adigu waxaad tahay siyaasi is bad badel badan oo wax loogu soo hagaago aan lahayn , Faysalow waxaad tahay siyaasi caban oo hadana cartama waxaad tahay siyaasi subixiina mucaaridnimo Kulmiye kula xaajooda habeenkiina Dahir Riyale muxaafidnimo kula soo cashaysaa ee bal markaas is waydii sidaad xisbiga Kulmiye ula jaan qaadi lahayd waxna u wada qabsan lahaydeen idinka oo laba xisbi mucaarid ah ?
Ugu dambayn xisbiga Kulmiye waa xisbi og ilaaliyana danta dalka, waa xisbi mar walba kaalintiisii mucaaridnimo ku adag horena aan gorgortan galin imikana aan gorgortan xaqdaro ah kula galayn xukuumada Dahir Riyale. Md Faysalow , xisbiga Kulmiye waa xisbi isna u baahan in uu danta dalka kala shaqeeyo xisbigiina UCID, xisbigaaga UCIDNA waa xisbi aad ugu baahan in uu ka helo xisbiga Kulmiye wada shaqayn iyo danta dalka oo isku aragti ka wada noqotaan waxaa se lagama maaraan ah md Faysalow inaad samaysato cid kuu qorta khudbadaha kaana ilaalisa hadlada dhacdhaca ah ee waxyeelooyinka gaadhsiinaya xisbigaaga iyo kaalinta mucaaridnimadaba. Intaasi waxay iga ahayd talo bixin guud, aniga oon sida reer Udub aan dhuuso geel kuugu maahmaahaynin.
Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad
Atlanta , Ga




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday