OPINION

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Heestan waxay ka turjumaysaa wacyiga ka taagan Somaliland, oo nidaamkii curdanka ahaa iyo hankii bulshadu hiigsanaysay oo maanta sii gudhaya, cidii maamaulka iyo talada gacanta ugu haysayna aad ka dareemaysid inaan talaba layska waydiinin meesha wax loo wado iyo meeshay u socdaan. Waxay maanta marayaan habkii iyo siyaasadii keli taliskii.Heestan oo magaceeda layidhaahdo (Baraarug), waxaa bulshada somaliland lagu dareensiinayaa, inay toosaan sikela ayaa wax u socdaane. Heestan oo curatay 06 August 07, Anigoo ah Curiyaha Heestan Abdullahi Mohamed Dabey.

Baraarug 06/08/2007

 

Dirkood maanso iyo gabay

Deeqaay waa ii balwadoo.

Dabeecadna ii ahaaye.

Wadaadaddu iiga dige.

Inuu denbi leeyahoo.

Diintana ku wanaagsnayn.

Dalliilkaa waan hayaayee

Afkaygaan dayninoo.

Dibnihii baa iga bartoo

Wuxuun baa igu dirqiya.

Duruufaha taaganee.

Agtayda ku dayran iyo

Dadkaygaan weedhu gelin.

Dhegtoodu daloolin baan.

Dabuub gaadh siinayaa.

 

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiine.

Dad yahaw maad baraarugtaan .

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

 

Waxay dullucdaydu tahay.

Doon doonkii gobanimada.

Xornimo u dagaalankii

Adoo isku duuban iyo.

Dhiig baa lagu daadiyoo.

Duullaan baa lagu helee.

Dalkii aad goosateen.

Dib ula soo noqoshadiisii

Soomaalida kala dudeen.

Dalluun baa lagu ridoo.

Candhuuftaan dib u liqee.

Ninkaad ugu deeqdayee.

Duraaxad hagoojisiyo

Ragii aad doorateen.

Doraato ugu rideen.

Hashaadii dawlad iyo.

Habkii dimoqraadigiyo.

Dastuurka u dhiibateen.

Dikteytar kugu noqdoo.

Karaamaday kaa dilleen.

Duunkaaga intay fahmeen

Mashqaca kugu daydayaan.

Haddeer way durugsadeen.

 

Dallabkii la hordhigiyo.

Wixii laga doodayee.

Dantaadu ku oofaysaba.

Diidmay ka hor keenayaan.

Dib baa loo celinayaa.

Duqaydii la igmadiyo.

Hal doorkii wakiiladii.

Midkoodna derejo maleh.

 

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiin

Dad yahaw maad baraarugtaan

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

 

Diihaalkiyo baahidiyo.

Markaad diillalyaysan tihiin.

Daaduunka busaaradeed

Waayaha la darbaysan tihiin.

Dakhlina meel kaaga iman.

Dekeduhuna kaa xidhmaan.

Darruurigu gaabis yahay.

Korkiinu dulleysan yahay.

Diraac aad riiqanteen.

Cirkii di’iwaayayoo.

Darruuruhu ay gudheen.

Dhulkii dullin yeeshayoo.

Darreemada cawska iyo.

Dixiddu ay xaaluf tahay.

Waxaad ku daraan dartiyo.

Il doogsiba aanu jirin.

Dooxooyinku kaa madheen

Haraad darayeysan tihiin.

 

Miyaanay daw ahayn.

Inay darka kuu galaanoo.

Intay idiin doojiyaan.

Galaanka idiin daraan

Halkaaga u daran u deexdaan.

Dalaallimo kuu noqdaan .

Cadceeddana kaa dedaan.

 

Daafkiyo duumadu markay

Dushiina ka muuqatee.

Daacuunaddu soo kordhaan

Tac baankiyo daal qabtaan.

Duunyadu dhugataysan tahay.

Daryeelka u baahan tihiin.

Miyaanay daw ahayn.

Inay daymadda bogtaanoo.

Intay degel degel tagaan.

Degaan kasta soo arkaan.

Wixii jira daallacdaan.

Diciifka halkaad katahay

Xanuunada kaa duraan.

Halkaaga dayacan dayaan.

Gargaar la dul joogsadaan.

 

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiin.

Dad yahaw maad baraarugtaan.

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

 

Dantooda markay wataan.

Durduro way fudud yihiin

Wasiiray kala diraan.

Degmiyo gobol bay tagaan.

Dul meerkoodaa batoo

Docdaaday aaminaan.

Dillaal dibitaatiyaa

Habaynkii soo dusoo.

Dabkaagay belleliyaan.

Durbaanaay kuu tumaan.

Ceebtooday denbebesaan.

Waxay ku dardaarmayaan.

Dadkiina xanuunsanee

Doogtiyo nabarada qabaanu.

Dabiib gaadhsiinaynaa.

Kuwiina dayaysanee.

Maankoodu dawakhay baanu.

Dawayn toodii wadnaa.

Diktooro u geynaynaa.

Danyartiyo maatadaan.

Inaanu daadahayno

Damaanad kuqaadaynaa.

Diiwaan gelin baan wadnaa.

Agoomaha diiftu haysee.

Gidaarada daadsan baanu.

Dayaxa gaadhsiinaynaa.

Dib jirka magaaladaanu.

Daraasado siinaynaa.

Kuwii duunyada lahaayee.

Waxoodu ka duulay baanu.

Dayn qaata ku leenahoo.

Diboosit ku siinaynaa.

Inay doonyaha rartaanoo.

Badeecado soo dejaan.

Iskuuladii kaa dumiyo.

Wershadihii daalayee.

Duugoo baan kicinaynaa.

Inaanu dayac tirayno.

Dushaanu ku qaadanee.

Dar xumo meeshii qabtaba.

Dux baan kuu marinaynaaye.

Waxaad naga doonaysaanba.

Saxeexaan ku duugaynaaye.

Markay tahay doorashada.

Codkiinaan doonaynaaye.

Miyaydaan diyaar ahayn.

Inaydun na doorataan.

 

Markay doobi buuxsadaan.

Waxay kaa doonayaan.

Dad weynoow kaa helaan.

Duurkaaba lagaa xullaa.

Debaaq bay kugu noqdaan.

Wax dooray noqon lahayd.

Dallool irbadeed haddii.

Dun ay kuu gelinayaan.

 

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiin.

Dad yahaw maad baraarugtaan.

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

Markay dawladi dhacayso.

Dadkeeday u daran tahoo.

Xumaantay dabaalataa.

Dulmigu waa caadadeed.

Dar’ aan sheexaynin iyo.

Damiin kay urursataa.

Dacaayado beena bay.

Wargayska ku daabacdaa.

Idaacad ku duubataa.

Ninkaan la durduuranayn.

Dareen la xishoonayee.

Kal daacada lagu arkee.

Dadkiisa u hiilayaba.

Iyadu way dayrisaa.

Dermada qaaday tidhaahdaa.

 

Waxay ku dannaanidaa.

Dar baa naga daba shaqeeya.

Illaahay nagu diroo.

Dadaalkii aan wadnaba.

Iyagu deedafaynayoo.

Dhexdiina ka doobyayee.

Dulqaadkaan dheernahee.

Jidkeena haday duwaan.

Anaba dacar baanu nahay.

Damiirkiinaa hurdoo.

Meel baad ka dullaysan tihiine

Dad yahaw maad baraarugtaan

Intaad damaq muujisaan.

Digiigixo yeelataan.

 

Waxay dibirootidaa.

Xabsiga u duduucataa.

Dabaysha siyaasadeed

Ninkay damac uga baqdoo.

Dacwada lagu oogayiyo

Waxay daba qaadayaan.

Dubbaha ku garaacayaan.

Ammaankuu duminayaa.

Danteenuu halis ku yahay.

Bulshooy waad dagan tihiin

Duufaanada guuxayiyo

Dabaylaha soo socdana.

Dugsi baad uga baahan tahay.

Dareenba miyaanad qabin

Nin kuu daran baa jiroo.

Dulleedkaagana fadhiya.

Isagu dibindaabyo jecel.

Tiisuna kala daadsan tahay.

Daad xoor buu saaran yahay.

Durraan baa haysatoo

Dushuu heehaabayaaye.

Hadii uu degi lahaa.

Inaanuu ku daynahayn.

Miyay kaa daahan tahay.

Dagaal waa lama filaane.

Ragana damac lagama waayo

Miyaanay daw ahayn.

Inay duubi muujisoo.

Dayr aan laga soo gudbayn iyo.

Difaac adag kuu noqdaan.

Dushooda ku seexataan.

Ducana aad ugu dartaan.

 

Abdullahi Mohamed Dabey

 

Waxaan aad hantiyo maal dhaqdaan wallacsi mooyaane.

Wed inaanay kaa baajinayn cudurna kaa waabin.

Waad wada ogsoon tihiin inaydaan wallax ka qaadayne.

Waxna idinka raacaynin aad weheshataan iilka.

Wixii sadaqo aad ula baxdiyo waqaf illaahayba

Waxay kuugu iman maalintii weyne la hor joogo.

Waar hooy aduun waa hungee xumo ka waantooba.

abdubei@hotmail.com


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra