Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey
Waxay ahayd goor aan innaga fogayn markii shabakadaha wararka ee Soomaaliyeed lagu faafiyay qoraal ay soo saareen Ururka Qoraaga Somaliland (Somaliland Writers). Waxayna u qornayd sidatan;
“Ururka Qoraaga Somaliland, wuxuu ogaysiinayaa bulshada Soomaaliyeed, meelkastay joogaanba, in uu ururku qiimayn ku samayn-doono buugaagta sannadkan soo baxday. Sidii uu u sameeyey sannadkii hore oo ahaa markii ugu horraysay ee uu ururku sameeyo, qiimaynta buugaagta afka Soomaaliga ku qoran”.
Hadana iyaga oo ka hadlaya waxaa laga rabo qofka ka qayb galaya waxay yidhaheen, “Waa in uu u diraa dhammaan xubnaha guddida, midkiiba hal nuqul oo buugga uu ku tartamayo ah. Waa inuu buuxiyaa shuruudda tartamaha, oo ah in uu buuggu ku qoran yahay Af Soomaali, soona baxay sannadkan 2007”.
Haddana mudo ka sakow waxaynu ku war helnay maqaal uu ciwaankiisu ahaa Abaal-marintii Buugga sannadka 2007 oo uu ku guulaystay Jaamac Muuse Jaamac.
Shanta buugg ee tartanka sannadka 2007 waxay kala ahaayeen sidatan.
Aaanadii Nageeye oo uu qoray qoraaga Ibaraahim Hawd
Socdaalkii dheeraa oo uu qoray qoraaga Sayid Ahmed (Dhegey)
Gobannimo bilaasha maaha oo uu qoray qoraaga Jaamac Muuse Jaamac
Is daahirinta oo uu qoray qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed
Goobjooge oo uu qoray qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed
Haddaba sida ay dhibcaha u kala heleena waa sidan soo socota.
Gobanimo bilaasha maaha Jaamac Muuse Jaamac 45,5 Dhibcood
Aaanadii Nageeye Ibaraahim Hawd 42,5 Dhibcood
Is Daahirinta Maxamed Xirsi 39,4 Dhibcood
Runtii, waxay ahayd inay yidhaahdaan shantii buug ee aannu tartansiinay waxay guushi raacday buugga la yidhaa ‘gobonnimo bilaash maaha’ ee may ahayn inay yidhaahdaan waa buuggii sannadka 2007ka. Waayo buugaagta sannadkii hore soo baxday intaa way ka badnaayeen cid tartansiiseyna ma ogi. Waxanan ka xasuustaa kuwan hoos ku qoran:
1. Geedi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan By Foosiya Yusuf
2. Isdaahirinta Muslimka by Maxamed Xirsi Guuleed
3. Qisadii Cabdilaahi Yuusuf Iyo Al-itaxaad by Maxamed Xirsi
4. Xog iyo Xusuus by Maxamed Ibraahim Xujaale
5. Asaaska Suugaanta af Soomaaliga by Cabdulfatah Cabdillahi Gacmadheere
6. Barashada Asaasiga ee Cudurka HIV/AIDS by Dr. Abdinasir M. Abukar.
7. Buugga Layliska Afka Soomaaliga by Mohammed Ali Hassan.
8. Mahadhada iyo Waxqabadka Gaarriye by Cabdirahmaan Farax Barwaaqo
9. Magac Bilaash Uma Baxo by Cabdirahmaan Farax Barwaaqo
10. Erey bixinta Computerka by Cabdirahmaan Farax Barwaaqo
11. Caafimaadka Aasaasiga ah by Mustafe Xariir
12. Faya-dhawr by Mustafe Xariir
13. Hagarlaawe By Maxamed Xashi Gaarriye
14. Aanadii Nageeye by Ibraahim Hawd
15. Socdaalkii Dheeraa by Sayid Axmed
16. Dhaxalreeb Horaad by Boobe Yuusuf Ducaale
17. Gobannimo bilaasha maaha by Jaamac Muuse Jaamac
18. Gobaad by Anwar Maxamed Diiriye
19. Qayb Libaax by Siciid Saalax
20- Iyo qaar badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Waxa kale oo aniga iyo mujtamaca Soomaaliyeedba yaab ku noqotay, Jaamac oo shabakad uu leeyahay oo la yidhaa www.jamamusse.com ku qoray in uu buugga Gobannimo Bilaasha Maaha yahay buuggii helay biladda 2007 ee buugaagta af Soomaaliga ku qoran. Gobannimo bilaash maaha” winner of the prize “best book in Somali 2007″ iyada oo talyaaniyana waxa uu yidhi, Gobannimo bilaash maaha” vincitore del premio “miglior libro in lingua somala 2007? Arinkaasina waa mid meelka dhac ku ah milgaha qorayaasha Soomaaliyeed haddii aanu kaga helin tartan. Jaamacna waxa looga fadhiyaa xaal goob joog ah.
Ururka Qoraaga Somaliland wuxu isna meel kaga dhacay mihnadii qoraalka iyo xaqsoorkii ay lahaayeen qorayaasha Soomaaliyeed. Maxaa yeelay haddii ayna awoodi karin in buugta af Soomaaliga ku qoran oo dhan qiimeeyaan waxay ahayd in ay faraha kala baxaan. Shan buug ayaanu qiimaynayna wax umad lasoo hordhigi karo ma aha.
Kama danbaystii waxan soo jeedinayaa in la sameeyo guddi madax bannaan oo qiimeeyn ku samaysa buugtii sanadka soo baxday. Inta ka horaysa umma malayn karo in cidi sheegan karto abalmarinta buuggii sanadka inay ku guulaysatay.
Jamac Dhalaax
Jamacdhalaax@yahoo.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday