Xirsi Cali X.Xasan, G/xigeenkii hore ee Komishanka oo sheegay inuu Dacwad ku soo oogi doono Wasiirka Arrimaha Gudaha

Xirsi Cali X. Xasan
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan oo laga siidaayey xabsi maxkamad la’aan ah oo uu ku jirey muddo bil ah ayaa sheegay inuu dacwad ku oogayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), isaga oo ka daba joogga eeddii hore wasiirku ugu eedeeyey Xirsi inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay “Shirqool shakhsi ah” oo wasiirku u sameeyey.
Xirsi Cali X. Xasan oo boolisku ka soo qabtay tuulada Magaala-yar oo bariga ka xigta magaalada Burco 03 August, waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu saxaafadda caalamka u sheegay in ay hayaan caddaymo in Xirsi xidhiidh la leeyahay ururka Al-Shabaab oo ah urur Islaami ah oo ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya, Maraykankuna ku daray Liiska Argagixisada caalamiga ah, maxkamadna ay ku soo taagi doonaan. Waxa kale oo xadhigiisa lagu xidhiidhiyey baabuur xukuumaddu sheegtay in kurka la jaray, si qoryo tikniko ah loo saaro oo lagu soo qabqabtay deegaamo ka tirsan bariga Burco. Hase yeeshee, waxa la siidaayey muddo bil ah markii uu ku xidhnaa Xarunta CID-da Hargeysa, iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn.
Xirsi Cali X. Xasan oo xalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa kaga warramay xadhiggiisii, eedaymihii loo jeediyey iyo sidii loo siidaayey, waxa uu sheegay inuu dacwadda uu ka qabo xadhiggiisii iyo eedaymihii loo jeediyey uu u bandhigi doono xukuumadda, taas oo uu sheegay in haddii ay si caddaalad ah u qaaddo uu ku qanci doono, haddii kalena uu la sugayo wakhtiga ay ku haboonaato.
“Qofna argagixiso iskii looguma sheegayo, qofkii ku sheegaana waa dembiile haddii lagu waayo qofkaa,” ayuu yidhi Xirsi.
Waxana uu sheegay inuu la xidhiidhay hay’ado badan, kuwaas oo aanu magacaabin, balse, uu sheegay inuu arrintiisa u gudbiyey.
Xirsi isaga oo ka warramaya sidii loo siidaayey iyo sidii loola dhaqmay waxa uu yidhi, “Ilaa maalintii la i xidhay ilaa maalintii aan soo baxay wax hay’ad sharci ah oo la i horgeeyey ma jirto, wax dhib ah oo jidh ahaan iyo maskax ahaan la ii geysteyna ma jirto muddadii aan xidhnaa oo si fiican baa la iila macaamilay.”
“Runtii xadhigayga waxaan ku fasiri karaa inuu ahaa aargoosi siyaasadeed oo la xidhiidhey hadalo’aanu is dhaafsanay xukuumadda muddadii aan Guddoomiyekuxigeenka Komishanka ahaa,” ayuu yidhi Xirsi, isaga oo sharraxaya sababta xadhigiisa.
Balse, waxa uu sheegay in Daahir Riyaale uu ku dafiray Wasiirka Arrimaha Gudaha inuu kula socdey ama la ogaa eedaynta ah in Xirsi xidhiidh la leeyahay Al Shabaab, isla markaana uu xaal ka siiyey odayaal ka tirsan beesha Xirsi oo u tegey mudane Riyaale oo kala hadlayey siideynta Xirsi.
“Xukuumaddu way ku dafirtay inay Wasiirka la qabaan eedaynta, Madaxweynuhuna arrintaa reerka waxa uu ka siiyey xaal. Siday ii sheegeen odayaal la kulmay, wuxuu ku yidhi ‘Isagay (Wasiirka) ayay ku kooban tahay’” ayuu yidhi Xirsi.
“Arrintaa Cabdillaahi Cirro ee uu Al Shabaab igu xidhiidhiyey waa kiis, dacwad baanan ka furanayaa. Reerka haddii uu Madaxweynuhu ka raalligeliyeyna anigu shakhsi ahaan Cabdillaahi Cirro wuxuu iigu talagalay Shirqool shakhsi ah, kamana hadhi doono,” ayuu raaciyey Xirsi.
Xirsi Cali X. Xasan, waxa uu sheegay in aanu wax xidhiidh ah la lahayn, weligiina la yeelan Al- Shabaab. Waxana uu ku dooday in xisbiga KULMIYE u soo xulay Komishanka Doorashooyinka, Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada, Golaha Wakiilladuna ansixiyey, isla markaana wakhtigaa ay soo bixi lahayd inuu Al Shabaab yahay haddii ay jirto.
Waxa kale oo uu iska duwey inuu ku lug lahaa baabuur xukuumaddu sheegtay in kurka la jaray si qori loo saaro, waxana uu sheegay in aanu arag baabuur kurka la jaray iyo cid sheegaysa midna, isaga oo ku tilmaamay eedaymo raqiis ah oo Wasiirka Arrimaha Guduhu dusha ka saaray.
Xirsi Cali X. Xasan waxa uu sheegay in weli uu xidhan yahay gaadhigiisii, Baastoolad iyo Qori u sharciyaysan oo lagu qabtay iyo weliba mobile-kiisii gacanta, kuwaas oo uu sheegay in Daahir Riyaale laga sugayo inuu fasaxo.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
