Wadahadalada Xisbiga KULMIYE iyo natiijada kulankii caawa

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddiyada xisbiga KULMIYE ee xallinta khilaafkii ka dhashay Shirkii 2aad ee Golaha Dhexe ayaa caawa mar kale kulan isugu yimi si ay u sii ambaqaadaan wejiga 2aad ee wadahadalka oo habeenkii Jimcuhu soo gelayey ka bilaabmay Hotel Ambassador.

Kulankan caawa oo ka dhacay xarunta Akadeemiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, waxa isku soo horfadhiistay laba guddi oo min 7 xubnood ah oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo labadii musharrax ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay Burco, Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X. Cali Cadami.

Wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin kulankaas oo soo gebageboobey goor dambe oo caawa ah. Hase yeeshee, warar ku dhowdhow dhinacyada kulankaas ka qaybgalay ayaa sheegaya in wadahadalku uu u dhacay jawi aad u deggan, isla markaana lagu heshiiyey guddi dhexdhexaad ah oo kulankii kan ka horreeyey ee Ambassador la isla soo qaaday inay goobjoog ka noqdaan wadahadalka, isuna dhegeystaan garnaqsiga labada dhinac.

Guddidaas ayaa la sheegay in la isla qaatay inay noqdaan Lix xubnood oo labada dhinac – dhinaca hoggaanka iyo labada musharrax – midba uu soo magacaabo Saddex xubnood, isla markaana xubnaha guddidaasi ay noqdaan odayaal dhexdhexaad ah oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga. Waxaana loo ballamay in kulan kale ay isugu yimaaddaan Arbacada soo socota.

Khilaafkan ayaa waxa uu ka dambeeyey markii laba musharrax Madaxweynekuxigeen ay ka cadhoodeen qaabkii loo doortay musharraxiinta shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay Burco.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra