Wararka Wargeyska OGAAL, Sabti: “Soo dhaweyntayda Boorama carqalad ku keeni mayso wada-hadalka Kulmiye” Cabdiraxmaan Saylici
Boorama (Ogaal) – Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan-Saylici) oo ah Musharaxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee khilaafku ka taaganyahay ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixiyay dareemada ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigu ku soo xulay iyo socdaalka uu ugu baxay Boorama saamaynta ay ku keeni karto wada-hadallo uga socda dhinacyada Xisbiga Kulmiye mad-madow soo kala dhexgalay.
Cabdiraxmaan-saylici oo xalay Ogaal khadka Teleefanka xogwaraysi kooban ku siiyay isaga oo jooga Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal oo khamiistii aynu soo dhaafnay isaga iyo Wefti uu hogaaminayo oo Kulmiye ka tirsani ku tagay, waxa uu sheegay in si diiran loo soo dhaweeyay, isla markaana uu rajaynayo in aan soo dhawayntiisaasi wax carqalad ah gelin doonin wadahadalada Xisbigiisa u socda.
S: Cabdiraxmaan ka waran dareenka aad kala kulanteen Magaalada Boorama iyo culusyka la sheegay in ciidamada Boliska Gobolka ay kala kulmeen taageerayaashaadu.?
J: Nasiib-wanaag wax dhibaato ahi ma dhicin, waxaana la ii sheegay in ay Odayaashu subaxnimadii aanu ku soo beegnayn Boorama ay dhinaca Maamulka oo shaki kaga jiray in ay rabashado dhici doonaan, ay u sheegeen in ay tahay waxa ay dadku u diyaar-garoobayaan soo dhawayntayda, balse aanay dhibaato kale iyo isu soo bax midna dhacahaynin. Intaa ka dib dadkii iyo gaadiidkii baxayay badhkood ayaa loo ogolaaday in ay dhinaca Goraya-cawl uga gudbaan Kaantaroolka Boorama, laakiin markii dambe ayay hadana Boolisku diideen in ay dadka iyo baabuurta ay wateen ka baxaan Magaaladda, iyaga oo ku amray in ay cidda ay soo dhawaynayaan ku sugaan gudaha magaaladda Boorama. Inkasta oo aanay dhaqanka dimuquraadiyada ku wanaagsanayn in sidaasi laysu cabudhiyo, hadana anagu wax sidaa u wayn uma aragno, taageerayaashuna waajibkoodii soo dhawaynta ahayd way guteen, wax dhiba ahna may samayn.
S: Cabdiraxmaan, waxa jira khilaaf Kulmiye dhexdiisa ah oo aan weli xal loo helin oo qayb Xisbiga ka mid ahi ku diidan tahay natiijada doorashadii aad ku soo baxday iyo qaabkii ay u dhacday, iyada oo taasi jirto marka aad dabaal deg ka samayso Boorama, miyaanay saamayn idinku keenayn?
J: Waxa meesha la isku hayaa waa laba arrimood oo midi waa tabasho, midna waa natiijadii ka soo baxday dhamaadkii shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye ee nalagu doortay Aniga iyo Siilaanyo, tabashaduna way furan tahay, natiijadii doorashaduna wax sharci-darro ah may ahayn ee sharci ayay ahayd, majoorati ayay ku meel martay, waxbana maanta kama noola.
S: Maadaama, aanu Xisbigu isku raacsanayn in ay sharci ahayd oo cid diidani ay jirto, wadahadalana ay socdaan, maxaad dabaal-degaaga ula sugi wayday inta wax la isla meel dhigayo?
J: Wakti badan ayaanu siinay in aanu sugno inta wax dhamaanayaan, oo Jimcihii hore ayay ahayd maalintaan Burco ka imi, dadka Gobolkuna illaa maalintaa ayay I sugayeen oo ay heegan ii ahaayeen, debaal-degna may ahayn ee nin gurigiiisii yimi oo la soo dhaweeyay ayaan ahaa.
S: Laakiin, waxa jira, dad saluugsan qaabkii doorashada Golaha dhexe ee Kulmiye u dhacday, isla markaana imika u arka in debaal-degaagu sii kala fogayn karo dhinacyada is-haya, adiga miyaanay sidaa kuula muuqan?
J: Bina aadamku way iska tuhun badan yihiin. Doorashadii hore ee Xisbiga Kulmiye tartankii hore Cabdiraxmaan Aw Cali waakii jagadan helay isaga oo weliba aan Xisbiga ka tirsanayn ee ay Asad ka dhacday, xumaan umaanaan qaadan ee waanu ku hambalyaynay, isagana waxaan leeyahay wallaal kol haddii aan maanta guulaystay waxa mudan in aad I hambalyayso. Khilaafka jiraana wuu iska dhamaanayaa, arrintiina waa lagu jiraa xalkeediina waa dhaw yahay, oo xalayba waatii la wada shiray, habeen dambe ayaana loo balansan yahay in la isugu soo noqdo, markaa wax carqalad ah oo ay wada-hadalka ku keenayso soo dhawayntaydu ma jirto.
S: Marna Adigu sidan aad imika leedahay Cabdiraxmaan Aw Cali ma hortagtay oo ma ku tidhi, kol hadaan guulaystay maanta ii hambalyee?
J: Maya anigu ma hortegin oo ma odhan ii hambalyee, laakiin Odayaal badan iyo Xisbiguba way ku yidhaahdeen, kol haddii aad hore u soo guulaysatay, maantana Saylici guulaystay u hambalyee, welina waan uga fadhiyaa in uu ii hambalyeeyo.
S: Khilaafka Kulmiye waxa la sheegayaa in ay dhinacyada is haya badhkood taagan yihiin in arrinta Maxkamad loo gudbiyo, arrintaasi ma jirtaa, haddii-se ay dhacdo maxaad ka filanaysaa in ay ka soo baxaan?
J: Anigu Maxkamadaa ma ogi, shaqsi ahaan ma qabo Ragga Kulmiye ku jiraa dhinac kasta oo ay yihiin in arrintaasi ay tahay arrin ka suura-geli karta oo ma filayo in ay halkaa gaadhaan. Waxaan ka rajaynayaa dareenka iyo cadhadu way iman karaan, waana laysku soo dhici karaa, dad, wax kasta oo aanu Kulmiye ahaan iskaga hornimaadnana, anaga ayaa dhamaysanayna midnimada iyo Xisbiga ayaa ka weyn. Waxa jira inaanu gudahayaha ku dhamaysano ayaanu rajaynaynaa ee in dibada wax nooga baxaan ma rajaynayno.
Eyl: Xerada Afduubka shalay la geeyay maraakiib cusub
Afduubka Maraakiibta xad-dhaafka ah iyo Tilmaanta Qaramada Midoobay ee saameynta Ganacsiga Gobolka
Nairobi (Ogaal/W.Wararka) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabislan Soomaaliya ayaa sheegey inay aad uga wel-welsan yahiin korodhka afduubka budhcad badeedka Soomaalida ahi u gaysaneyso Maraakiibta maraya biyaha caalimiga ah gaar ahaan Gacanka Cadmeed.
Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu tilmaamay in Isu-socodka iyo ganacsiga dunida wax yeelayn karro afduubku.” Budhcad badeedkani waxa ay khatar ku yihiin isu socodka badaha iyo ganacsiga xorta ah, kaas oo iminka ku sugan xaalad aan daganeyn” Sidaas ayuu yidhi wakiilka Somaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay waxaana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi.”Malayiinta dollar ee budhcad badeedka loo siiyo madax furashada iyo dadka gacansarka la lehi waxa uu noqdey ganacsi faa’ido badan laga helo kaas khatar galiyey amaanka Somaliya guud ahaan.”
Waqtigan Maraakiib gaadheysa 10-neeyo ayaa budhcad badeedku gacanta ku haysataan, taasoo mugdi gelisay dhamaan ganacsigii gobolka.
Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa wadamada ku jira golaha amaanka ka codsadey in la xoojiyo qaraarka sheegaya in laga hortago budhcad badeedka faraha kulul ku haysa xeebaha Somaliya iyo gacanka Cadmeed.
Dhinaca kale, Markab laga leeyahay wadanka Masar ayaa shalay gacanta u galay kooxaha budhcad badeeda ah,
Budhcad badeeda oo aad u hubeysneyd ayaa la sheegay in ay markabkan iyo Markab kale oo laga leeyahay dalka Faransiiska ula dhaqaaqeen degmada Eyl ee dhulka maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo la geeyay inta badan maraakiib laga afduubtay xeebaha dalka Soomaaliya. Haatana tirade Maraakiibta Madaxfurashada loo haystaa waxay noqonaysaa tii ugu badnayd.
Maalmihii ugu dambeeyay oo kaliya ayaana budhcad badeedu waxaa ay sameeyeen ilaa 30 weerar oo ay ku Afdubteen maraakiib laga leeyahay waddamo kala duwan.
USA: Soomaali Mudaharaad ka samaysay Xarunta Musharax McCain shirku uga socdo
Washington (Ogaal/HOL)- Soomaali tiradoodu gaadhayso 300 Qof ayaa la sheegay inay Mudaharaad ka hor sameeyeen Xarunta uu ka socdo Shir-weynaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ee loogu ololaynayo Musharaxa Madaxtinimada Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Mr. John McCain ee Magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota.
Dadkan Soomaalida ah oo qayb ka ahaa ilaa 1,500 oo qof oo ka qaybgalayay Mudaharaad halkaa ka dhacay, ayaa ujeedada Mudaharaadkooda lagu sheegay inay ku muujinayeen dareenkooda ku wajahan siday uga soo horjeedaan ogolaansho la sheegay inuu Maraykanku ogolaaday gelitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee gudaha Somalia. Waxaanay qaaddaceen sdia la sheegay Ololaha Xisbiga Jamhuuriga ee tartanka Madaxtinimada, iyaga oo sita Calamada Somalia iyo Maraykanka iyo sidoo kale Qoraallo ay ku xardhanaayeen in Ciidamada Itoobiyaanka laga saaro Somalia. “Ha la soo gebogebeeyo taageerada Maraykanka ee sii-joogista Ciidamada Itoobiyaanka ee gudaha Somalia iyo dilalka halkaa ka socda” ayaa ka mid ahaa hal-ku-dhegyada ku qornaa Boodhadhka ay siteen Mudaharaadayaashu. “Dadka Soomaalida ahi waxay u baahan yihiin nabad ee uma baahna dagaal” ayaa iyana ka mid ahaa Ereyadaas.
Ka qaybgalayaasha Mudaharaadkan ee Soomaalida ah ayaa la sheegay inay gaadheen Xarunta Xcel Center oo ah goobta uu Shirweynuhu uga socdo Xisbiga Jamhuuriga ah. “Dawladdii u horraysay ee Maraykan ah weeye ee heshiisyo la saxeexatay Dagaal-Oogayaasha, si ay u dilaan shakhsiyaad ay u yaqaanaan cadowga Maraykanka. Markii ay Soomaalidu ka adkaadeen dagaal-oogayaashii ee ay ka saareen Somalia, waxa uu Maraykanku Itoobiyaanka keenay gudaha Somalia, si ay xoog ugu soo celiyaan Dagaal-Oogayaashii.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dadkii soo qaban-qaabiyey Mudaharaadkan.
Siday Wararku sheegayaan waxa Mudaharaadyadani ku soo beegmeen wakhti ay qaar ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Jamhuurigu oo ay ka mid yihiin, Sen. Norm Coleman iyo Sen. Keith Ellison, ay wadaan olole ay ku doonayaan inay Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ay codkooda siiyaan Xisbiga Jamhuuriga ah.
Ra’iisal-Wasaaraha Britain oo ka hadlay Bisha Ramadaan
“Fariinta Rasuul Muxammed aniga ayay ila hadlaysay”
Goldon Brown
London (Ogaal)- “Bisha Ramadaan waxay dadka bartaa dulqaadka iyo firfircoonida. Waxaanay na xusuusisaa Xidhiidhka wacan ee Caalamiga ah iyo masuuliyadda naga saran dadka kale.” Sidaa waxa yidhi Ra’iisal-Wasaaraha dalka Britain Goldon Brown, oo fariin u diray dhammaan Shacabka Muslimka ah ee dalka Britain.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisal-Wasaaraha, Ra’iisal-Wasaare Brown oo ka hadlayay Xafiiskiisa Downing Street ee Magaalada London, ayaa sheegay Axaadiista Rasuulkeenii Muxamed (N.N.K.A.H) ay yihiin kuwo dadka faraya daryeelka midba-midka kale ka saran. “Waxaan jecelahay inaan idiin hibeeyo idinka, Qoyskiina iyo dhammaan Bulshada Muslimiinta Salaantayda ugu qiimaha sarraysa Bisha Barakaysan ee Ramadaan darteed. Farriinta Bisha Ramadaan ee Naxariista iyo Cadaaladda Bulshada dhexdeedu waa mid ku faaftay Bulshada Muslimiinta ah. Waxay tilmaantaa qiimaha dhexdeena, waanay ina midaysaa dhammaanteen.” Ayuu yidhi Ra’iisal-Wasaare Brown. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xadiiska Rasuul Muxammed wuxuu hoosta ka xariiqaa xilka daryeel ee midkeenba-ka-kale ka saran. Sidaa darteed, Bishan gaarka ah ee inta lagu gudo jiro, aynu u dabaal-degno kala duwanaanshaha (Dhinaca dadka) keentay xoogaysiga Britain.” Waxaanu Bisha Ramadaan ku tilmaamay inay tahay in la xusuusto Axaadiistii Nebiga oo uu sheegay inuu isagu ka mid yahay dadka Rasuulku (N.N.K.H.) kula hadlayay. “Bisha Ramadaan sidoo kale waa wakhtigii dib loo xusuusan lahaa Fariintii Rasuulka ee ahayd, ‘Taajirnimada ugu wanaagsani, waa ta Damiirka’. Fariintani aniga ayay ila hadlaysaa, siday ula hadlayso kuwo kale oo badan.” Ayuu yidhi Mr. Brown.
Waxa kale oo uu Ra’iisal-Wasaaraha Britain ku tilmaamay Muslimiintu inay kaalin mug leh kaga jiraan guulaha ay Britain gaadhay. Isla markaana loo baahan yahay in la tixgeliyo Muslimiinta Caalamka Bisha Ramadaan. “Muslimmiintu tabaruc ballaadhan ayay ka gaysteen guusha Britain, sida Hantidayada, Bulshadayada iyo Dhaqankayaga. Dabcan, Ramadaan waa fursad ay tahay in la tixgeliyo tabaruca Islaamka, maaha kaliya dalka Britain. Balse, Caalamka guud ahaan. Farshaxanka Islaamiga ah, Sayniska iyo afkaarta ay ku horumariyeen Noloshayada qarniyaal badan.” Ayuu yidhi.
Ugu dambayn waxa uu Ra’iisal-Wasaaruhu sheegay inuu soo dhawaynayo Shirarka Bulshada Muslimiinta ah ee dalka Britain. “Waxaan soo dhawaynayaa in la sii wado Shirarka Golayaasha Muslimiinta Britain ee guud ahaan dalka UK.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay.
Sanaag: Roobab laxaad leh oo waxyeelo geystay
Ceerigaabo (Ogaal)- Roobab mahiigaan ah oo ka da’ayey gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inay khasaare gaadhsiiyeen degaanaddaas.
Sida ay sheegeen wararka naga soo gaadhay gobolka Sanaag, Roobabkan oo da’ay habeen hore ilaa shalay waxa uu khasaare gaadhsiiyey qaar ka mid ah beeraha ku teedsan dhulkaa buuralayda Gobolka Sanaag. Ilaa hada lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo roobabkaasi sababeen, mana jiraan warar rasmi ahaan xaqiijinaya turada beeraha ay roobabkaasi waxyeeleeyeen.
Dhanka kale, dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag, gaar ahaan xaruntiisa Ceerigaabo ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen hoos u dhac ku yimi sicirka maciishada, iyadoo waqtigan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta.
Ka sokow, roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay Sanaag, waxa toddobaadkan u dambeeyay ay roobab sidan oo kale ahi uga da’een inta badan gobollada Somaliland, inkasta oo degaano badan ay weli ka jiraan abaaro baaxad leh.
Magacyada arday reer Somaliland ah
oo Pakistan xabsiga ka sii daysay
Islamabad (W. Wararka/Ogaal)- Shan ka mid ah ardaydii reer Somaliland ee horaantii bishii August ay ciidamada sirdoonka Pakistan xabsiga u taxaabeen, ayaa sida la sheegay shalay la sii daayay.
Ardaydan oo ahaa tobaneeyo ka mid ah ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha dalka Pakistan, waxa shantoodan la siidaayay, ka dib markii wax dembi ah lagu waayay, iyadoo horena saddex ka mid ahaa loo sii daayay. Ardaydan la siidaayay magacyadooda, jaamacaddaha ay wax ka baranayeen, kulliyadaha maadooyinka ay bartaan iyo mudooyinka waxbarasho waxay kala yihiin: Maxamed Aadan Nuur, International Islamic University, Economy, sannadkii ugu dambeeyay; Maxamed Jawhar Aw-Cali, International Islamic University, Economy, sannadkii ugu horeeyay; Axmed Ibraahim Sh Jaamac, International Islamic University, Physcology, sannadkii ugu horeeyay; Xamse Muuse Cabdilaahi, Sarhad University, Telecommunication Engineering, sannadkii ugu horeeyay; Iyo Ayaanle Cabdiraxmaan Cismaan, International Islamic University, Physcology, sanadkii ugu horeeyay.
Inkastoo aanay jirin warar rasmiya oo kala xaqiijinaya sababta ka dambaysay xadhiga ardayddaas, hadana waxa la aaminsan yahay in xadhigoodu ku salaysnaa tuhun la xidhiidha arrimaha loogu yeedho argagixisada. Hase ahaatee, mudo bil ah oo sirdoonka Pakistan ay gacanta ugu jireen ka dib, waxa loo soo celiyay xorriyadoodii, ka dib markii waxba lagu waayay. Balse, waxa jira laba arday oo weli iyaga aan la sii dayn, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin Cabdiraxmaan Xasan Nuur iyo Maxamuud Aadan Cilmi.
Siidaynta ardaydan waxa la sheegay inay dedaal u gashay safaaradda Soomaalida ee fadhigeedu yahay magaalada Islamabad ee caasimada Pakistan.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday