OPINION

Lib Murkucatay!

Kulmiyow libtaadii kol hadii mar iyo laba
muudaa ku gaadiyo maalooti qaxayaa muska kaaga soo dhacay 
kol  hadii mar iyo laba makri iyo xaqaagii khasab lagu maroorsaday
kol hadii mar iyo laba kula tegey mahiigaan
kol hadii mar iyo laba moqoraysi lagu baday
kol hadii mar iyo laba mooyi mooyi lagu yidhi
kol hadii mar iyo laba mashqac lagula daydeyey
kol hadii mar iyo laba haanraawe kugu mamay
lib baa kaa murkucatee noloshaan milgo lahayn
Waxayse manta joogtaa yaa maali jiriyeey.
————Kalamaan,Hadraawi

Adhiga marka habeenkii weer xerada ugalo ama reer qolqolka mas u galo, farganaxa iyo baydadka inta malmal iyo murre loo shido la baadi goobayo, ayaa runi run geydaa oo talo faro ka haadaa. Kulmiye labadaa arrimoodba way haysataa. Kulmiye waxaa ku kacay hadh ka yaac, guri cas in lagu furo ayaa lala maaganyahay. Gujo, tontoomo iyo tartar ka mud mugeed dhaaftay ayaa xisbiga lagu wadaa. Gaadmooyin is daba jooga ayaa ku socda oo kaga imanayey meelo badan. Waxaa xisbiga miscirirta ugalay qorismaris huwan haraga dawoco, oo had iyo gooraale iskusoo lifaaqa gaadmooyinka Udub. Xagal daacada, dagnaanta ama gol daloolo kastana doonaya inay ka faa’iidaysataan. Manjaxaabada iyo haydaarada kulmiye loo maleegayo fariidna waa garanayaa nacasna loo sheegi mayo?

Cadowga hoose markalaan udhiganayaa, waxanse doonayaa inaan taabto arrinta haatan taagan ee ka timi duqeyda xisbiga ee Cabdiraxmaan Aw-Cali (laba tolle) iyo Gudoomiye Cadami. Odaayaal, adeerayaal, “Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma koco”. Maanta waxay joogtaa biya culustii ragiinii laga filayey inay maanta dhisaan xisbiga, ragii Somaliland ku niyadda samayd inay mar labaad ka furdaamin doonaan nidaamkan cadowga ah ee sidii geedsaarkii ama jebisadii ummada qoorta iskaga maray ayaad tihiin. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cadamiba waa laba nin oo miisaan ku leh xisbiga, maanta labadiinuba barbarka khaldan ayaad iska taageen masiirka xisbiga iyo danta guud ee ummada.

Amman ayaad ka soo hoyseen Kulmiye taageerayaashiisa iyo ummaduba idiinku hayso shaqadii aad waafiga ahayd ee aad ka soo gudateen madal kasta oo xisbigu taagnaa. Waxaad wacdaro aan hore loo arag ka muujiseen shirkiisii Guud ee xisbiga ee ka dhacay Hargeysa. Intaan shirkaasi dhicin, waxa laga filayey in kuraasta la isla dhici doono. Waxa dhacday in Kulmiye qabasaday shirkii ugu dimoqraadisanaa, ugu hufnaa, uguna horeeyey ee xisbi Somaliland ku abtirsadaa dhigto. Siduu u dhacay iyo wixii ka soo baxay Udub baa is ilowdey oo mashxarad ay oo alalas fidyaysey. Yididiiladii ummada ayaa dib u soo noqtay. Maanta oo ay tahay maalintii aad guusha gunti lahaydeen maaha inaad noqotaan raggii boqolka soomay ee baqtiga ku afuray.  Odayaal idinka socon mayso!

Miyaad ilowdeen wadada qodaxda leh ee inaga horaysa, mise riyo iyo yididiilo been ah iyo bal aan eegno guul ku timaada ayaad filaysaan? Miyaad ilowdeen in hebelada manta majaraha inoo hayaa hoog iyo haydaaro ayay inala maaganyihiin. Miyaad ilowdeen inaan Ucid weli taaba qaadin? Yaad ka dudeen yaadse u dudeen?  Odayaal si kastaba arrinku ha u dhacee, dudmo la idiinkama fadhiyo. Waxay joogtaa Yaa maali jirey!

Waxaad ogaataan in la idinka faaiidaysano oo hadhkayaac iyo qorismaris isku lifaaqayo dudmadiina. Udub iyo helbelo miyaad ilowdeen? Maanta waa maalintii dusha laga wadi lahaa. Waa maalintii la qarin lahaa gol daloolada xisbiga lana muujin lahaa isku duubni iyo isu tanaasul. Halkii maanta laga hadli lahaa in Udub qabsan karto shirkeedii guud, halkii laga hadli lahaa aafada waddanka haysata, waxad platform siinaysaan Udub iyo waxay cago ku xaadhato. Waxaad niyad jebinaysaan hankii shacabka iyo yididiiladii Somaliland. Fadlan si deg-dega u soo afjara is afgaranwaaga maanta xisbiga dhex yaal.
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
London.
 


TOP

219 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra