Wareeggii 2aad ee Wadahadalada Turxaanbixinta KULMIYE oo caawa ka furmay Hotel Ambassador
Hargeysa (Somaliland.org) – Wareeggii 2aad ee wadahadaladii turxaanbixinta xisbiga KULMIYE ayaa caawa ka furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, halkaas oo guddi labada dhinac ahi ay isku soo horfadhiisteen wadahadal fool-ka-fool ah.
Labada guddi oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo labadii musharrax ee ka soo cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu ku yeeshay Burco, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X. Cali Cadami, waxa uu ka dambeeyey wadahadal ay labadaa guddi ku yeesheen magaalada Burco oo ay ku gaadheen heshiis ah in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafkii iyo tabashooyinkii ka dhashay doorashadii Musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka iyo weliba kulan doceedyo la isugu soo dhoweynayey dhinacyadaas oo ka socdey Hargeysa maalmihii la soo dhaafay.
Kulanka caawa oo dhammaaday abaaro 12:00 habeennimo, wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin, dhinacyada oo dhamina way diideen inay wax war ah bixiyaan.
Hase yeeshee, warar ku dhowdhow kulankaas ayaa sheegaya in aanay jirin wax natiijo ah laga gaadhey kulanka caawa, balse, loo ballamay kulan la isugu soo noqonayo habeen dambe.
Wararkaasi waxay sheegayaan in kulanka habeen dambe lagu heshiiyey inay kala qaybgalaan odayaal labada dhinacba ku kalsoon yihiin oo dhegeysta dooddooda, isla markaana qaban kara dhinaca garqaadan waaya.
Dhinaca kale, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay socdeen waanwaan iyo dedaal ay wadeen odayaal iyo siyaasiyiin miisaan leh oo isku deyayey inay dibadda ku sii dhammeeyaan khilaafaadka, isuna soo dhoweeyaan siyaasiyiinta wax kala tabanaysa ee xisbiga ayaa wararku waxay sheegayaan in kulankan caawa uu hadheeyey cabasho hor leh oo Cabdiraxmaan Aw Cali iyo kooxdiisu ay ka qabaan socdaalka uu musharraxa loo doortay Madaxweynekuxigeenka, Mr. Cabdiraxmaan Saylici ku tegey Boorame maanta, halkaas oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyey, isla markaana uu fagaare kala hadlay taageerayaashiisa. Waxaana la sheegay inay ku cawdeen in Saylici uu qaaday olole, iyada oo uu taagan yahay khilaafka ka dhashay qaabkii doorashada musharraxiinta.
Hase yeeshee, dadka u dhuundaloola wadahadalada xisbigu waxay sheegayaan in xaaladdu hadda aad u deggan tahay, kulanka habeen dambena laga filayo in xal ka soo baxo.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday