Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis: Nairobi: Shirka Baarlamaanada Afrika iyo Xog-waranka Shirgudoonka Wakiillada
“Waxaanu rajo fiican ka qabnaa in Kenya noqon doonto dalka ugu horeeya ee na aqoonsada”
Gudoomiyaha Wakiillada Somaliland
Nairobi (Ogaal/Kenya Times) – “Maanta oo beesha Caalamku, ay la daalaa dhacayso mashaakilaadka Shidaalka, Is bedalka Cimilada, Faqiirnimada iyo Sicirbararka Maciishada ayaa mid ka mid ah dalalka Geeska Afrika ku yaala oo loo yaqaan Somaliland, wuxuu baadi-goobayaa Aqoonsi Caalamiya, ka dib 17 –sanadood oo ay iskood isu xukumayeen, Iyaga oo ka go’ay dalka uu Dagaalku halakeeyay ee Soomaaliya.” Sidaa waxa lagu sheegay Waraysi uu wargeyska Kenya Times la yeeshay Shirgudoonka Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) iyo Ku xigeenkiisa Cabdi-casiis Maxamed Samaale oo booqasho howleed ku jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Wargeyka Kenya Times oo si mugleh uga hadlay xaalada Somaliland iyo qadiyada Madaxbanaanideeda, soona xiganaya waraysigaas waxa uu ku bilaabay: “Intii lagu gudda-jiray Shirkii Kulanka Baarlamaanada ee joogtaynta horumarinta iyo ka midha-dhalinta dhaqaalaha taageerada ah oo ka dhacay Nairobi Kenya, waxa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyada Somaliland uu kaga hadlay, sida uu ugu rajo weyn-yahay in dalkiisu helli doono Aqoonsiga caalamiga ah ee madaxbanaanidooda. Iyada oo uu u eegayay aqoonsiga dhawaan ay Caalamka ka heshay Jamhuuriyada Kosovo, ayaa Gudoomiyuhu uu aad u filayaa in Somaliland ay si dhakhso ah u gaadhi doonto maalinta ay ka mid-qonayso qarammada Dunida.
Waraysi uu la yeeshay wargeyska Kenya Times, ayaa Gudoomiye Cabdiramaan Maxamed Cabdilaahi oo uu wehelinayay ku xigeenkiisa Cabdi-casiis Maxamed Samaale waxa uu ku sheegay inay Dibadaha u wareegayeen Barnaamij ay ku riixayaan Aqoonsiga dalkooda iyo sidii uu uga mid noqon lahaa Beesha Caalamka.
Waxay sheegeen, in talaabadoodan si dhakhso ah guul looga gaadhi doono, ka dib marka ay booqashooyin ku tagaan dalal kala duwan oo Afica iyo Yurub ah, kuwaasoo ay ka mid-yihiin Gobolka Wales, Finland, Denmark iyo kuwo kale. Balse Gudoomiyaha wax si rasmi ah loogu casuumay Booqasho uu Jarmalka ku tago.
Dhamaadka shirkii kulanka Baarlamaanada oo sadex maalmood ka socday Nayrobi ka dib waxa ay wadda hadalo la yeesheen shirgudoonka Wakiillada Somaliland madaxa Hayada UN Habitat Dr Anna Tibaijuka iyo Ambaasadoorrada u fadhiya Nayrobi dalalka Maraykanka, Jarmalka, Ruushka iyo Swedan, waxa uu sidoo kale la kulmay xoghayaha guud ee Ururka Midawga Ganacsiga Kenya (COTU) Francis Atwoli iyo masuuliyiinta Ururka xulufadda Ganacsiga xorta ah (KEPSA) si ay uga wadda hadlaan arrimo la xidhiidha Ganacsiga iyo xidhiidhada shaqaalaha.
Labadan Masuul-ba (Cabdiraxmaan iyo Cabdicasiis) waxay cadeeyeen in marka laga yimaado xasiloonida iyo dimuquraadiyada Somaliland ka jirta uu dalkani la jahawareersan-yahay sida Beesha Caalamku ulla dhaqantay, kuwaasoo ka caga-jiidaya inay aqoonsi siiyaan Madaxbanaanidooda. Mudane Cabdiraxmaan waxa uu intaa ku daray in arrintani tahay ta ugu weyn ee carqalada ku ah Somaliland tan iyo intii laga hirgeliyay Siyaasada, Dhaqaalaha iyo xasiloonida Bulshanimo. “shaki nagagama jiro. In beesha Caalamku ay u eegayso. Laba arrimood, marka ay soo qaadaan Arrinta Somaliland. Aqoon ahaan waxa loo fahamsan-yahay in dalkani yahay mid Afrikaan ah, markaa annagu ma nihin kuwo la macaamilaya laanta lacagta dunida (IMF) iyo Ururo kale toona, hadana ma heli karro wax dhaqaale ah” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro waxaanu intaa ku daray in aqoonsi la’aanta dalkiisa haysataa ay horseeday inaanay Somaliland lahayn hayaddo wax soo saar, Islamarkaana ay ku tiirsantahay Xawilaadaha lacagta qurba jooga. Tanina waxay markaa adkaysay inay Somaliland ka qayb-qaadato ganacsi uga gudba dalalka kale iyo inay taageeraan isu dheeli-tirka mushaharooyinka.
Gudoomiye Cabdiraxmaan wuxu ku eedeeyay dalalka Afrikaanka ahi inay diideen inay is garabtaagaan Somaliland. Hase ahaatee, wuxuu ku rajo wanaagsan-yahay in arrintaas si dhakhso ah loo xalin doono iyadoo loo marayo wada hadallo door ah iyo kulamo wax ku ool ah.
Sida uu sheegay Gudoomiyuhu Kenya waxay Somaliland u tahay Xulufo muhiim ah oo dublamaasiyadeed, dhaqaale iyo Istaraajiyadeed. Waxaanu kalsooni ka muujiyay in Kenya noqon doonto dalka ugu horeeya ee Aqoonsada Madaxbanaanida Somaliland, ka dib xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw oo labada waddan ay wadaageen.
“Kenya waxa lagu yaqaanaa inay tahay wadan Caalamiyan dhex-dhexaadiye nabadeed ah iyo iftiinka rajada. Waxaanu saaxiibo ku leenahay xubnaha Baarlamaanka Kenya. Waxaananu xaqiiqdii ognahay inaanu meel uun ku socono.” Ayuu yidhi Md, Ciro. Waxaanu intaa ku daray in dalkiisu uu mar hore u magacaabay Wakiilooda Dalka Kenya mr Cismaan.”
Wargeyska Kenya Times waxa uu intaa ku daray oo uu ka waramay xidhiidhada Somaliland iyo Maraykanka iyo Booqashooyinkii Madaxweyne Rayaale iyo Jendayi Frazer isku waydaarteen. “Sidaa daraadeed, Gudoomiye Ciro waxa uu sheegay in labadaa Booqashaba Guul laga gaadhay Maadaama uu Madaxmweyne Rayaale uu ka hadlay arrimo la xidhiidha Socdaalka, Amaanka iyo hurumarinta dimuquraadiyada Somaliland. Booqashooyinkaasina waxay ka danbeeyeen Baarlamaanada Somaliland, Itobiya, Uganda, Washinton DC, Jarmalka iyo wadamo kale, kuwaasoo dhamaantood lagaga hadlay arrinta aqbalaada aqoonsiga Somaliland.”
Wargeysku waxa uu taariikh ahaan u soo qaatay sooyaalkii Somaliland ee taariikheed iyo Siyaasadeed, dagaaladii faraha lagaga gubtay ee SNM oo horseeday in Somaliland mar labaad la soo noqoto Xoriyadeeda. Sidoo kale, waxa uu ka waramay xidhiidhada Somaliland la leedahay Beesha Caalamka, Sida wadamada Ingiriiska, Itoobiya, Biljamka, Gaana, Koonfur Africa, Swedan iyo Jabuuti.
Guddoomiye-kuxigeenkii hore
ee Komishanka doorashooyinka oo lasii daayey
Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiye-ku xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka Xirsi Cali Xasan ayaa in ka badan soddon maalmood oo xadhig ah kadib shalay xorriyaddiisii loo soo celiyey oo lasii daayey.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Xukuumaddu ku eedaysay inuu xidhiidh la leeyahay urur Diimeedka Al-Shabaab, waxa xabsiga loo taxaabay labadii bishii August ee aynu kasoo gudubnay, waqtigaas oo laga qabtay dulleedka beri ee magaalada Burco. Hase yeeshee, muddadaas uu xabsiga ku jirey waxa socday dedaal odayaal beeshiisa ah iyo dhinacyo kaleba ku doonayeen sii dayntiisa, isla markaana ay kulamo arrintaa la xidhiidha kula yeesheen Madaxweyne Rayaale, taasoo sababtay in iyada oo aan wax Maxkamad ah la horgeyn lasii daayo.
Xadhiga Xirsi Cali Xasan waxa si weyn u cambaareeyey xisbiyada Mucaaradka ah iyo qaybaha bulshada qaarkood oo ku tilmaamay in xadhigiisu la xidhiidho aargoosi siyaasaddeed oo Xukuumaddu kaga jawaabayso eedaymo uu u jeediyey, ka hor intii aanu iska casilin xubinimadii Komishanka doorashooyinka.
Dayaankii Madaxtooyada Muqdisho iyo Sheegashooyinka Dawlada Iyo AL-Shabaab
Muqdisho(Ogaal/W.Wararka) – Dagaal ay ku dhinteen Ugu yaraan 15-ruux dad badan oo kalena ku dhaacmay ayaa shalay gelinkii hore ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee magaalada Muqdisho.
Madaxtooyada ayaa lagu garaacay madaafiic hoobiyeyaal ah, ka hor intii aanu qarxin dagaal fool-ka-fool ah oo Madaxtooyada ku dhex-maray ciidamada DF iyo xoogaga Al-shabaab. Islamarkaana labada dhinac ee dawlada ku meel-gaadhka ah iyo Dagaalyahanka Al-Shabaab mid kastaaba gaarkiisa waxa uu u sheegtay inuu guulo ka gaadhay.
Sarkaal u hadlay Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in Villa Somaliya ay ka weerareen sadex jaho, isagoo qiray in qorshahoodu ahaa inay la wareegaan gacan ku haynta Madaxtooyada, wuxuuna intaas ku daray inay dileen 14-askari, iyagana ay ka dhaawacmeen 4-qof.
Afhayeenka ciidamada DF Col. Daahir Maxamed Xirsi oo dhankiisa saxaafada uga waramay dagaalkaas ayaa sheegay inay weerar kusoo qaadeen Ururka Al-shabaab ayna iska difaaceen, wuxuuna xusay inay ka dileen ku dhawaad 8-qof ayna tiro kale ka dhaawaceen.
Ma jiraan xogo madaxbanaan oo kala caddaynaya sheegashooyinka labada dhinac.
Dhinaca kale waxa jira xoga muujinaya in Gantaalaha dagaalkan la isu addeegsaday qaar ka mid ahi ay waydaarteen goobaha labada ciidan, Islamarkaana ay waxyeelooyin gaadhsiiyo dad rayid ah oo aan illaa hadda tiradooda la cayimin.
“Waa in aan xanaaneeyo Uurka Inantayda iyo Wiilka Guursan doona”
Ku-xigeeenka John McCain Mrs. Sara Baleen.
Johannesburg (Ogaal) – Haweenayda Xisbiga Jamhuuriga ah uga sharaxan Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka dalka Maraykanka Mrs. Sara Balen oo dhawaan uu jogadan u doortay John McCain in ay noqoto kuxigayn ayaa shalay si rasmi ah shaaca uga qaaday in Gabadh ay dhashay oo 17 -jir ah oo lagu magacaabo Bristol ay xaamilo tahay.
Sare Balen oo ahayd Badhasaabka Gobolka Alaska, Islamaarkana ka mid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda dumarka Carruurta iska soo rida ayaa sheegtay in Gabadheeda iyo Carruurta ay dhasaba ay xanaanayn doonto, isla markaana ay u guurin doonto Willka ay Inanteedu sheekaysteen ee ay Uurka u leedahay.
Mas’uuliyiinta ololaha doorashooyinka John McCain ayaa ku baaqay in la ixtiraamo nolosha shakhsiyadeed Ee gaarka u ah Sara Balen.
Si Kastaba ha ahaatee, Sara Baleen waxa ay sheegtay in ay jeceshahay in Gabadha ay dhashay ee Bristol iyo Wiilka guursan doona ay daaha ka qaadaan sida ay u adag tahay in la tarbiyadeeyo carruurta, wallow ay hadda haystaan taageerada qoyska oo dhan. “Waxaan jecelahay in aan haysto oo aan xanaaneeyo Inantayda Bristol, Carruurta ay dhasho iyo Wiilka Guursan doona-ba.” Sidaa ayay tidhi Sara Baleen.
Lataliyaasha Ololaha McCain ayaa sheegay in ay ogaayeen in Bristol ay Uur leedahayd ka hor intii aanu John McCain ku dhawaaqin doorashada hooyadeed Sara Balen.
Laakin Su’aasha ay isweydinayaan dad badan oo u dhashay wadanka Maraykanka ayaa waxay tahay ma qaadi kartaa masuuliyad haweenay daryeeli-waydey qoyskeeda, islamrkaana aan waxba ka ogeyn Ubadkeeda?
Saxaafada Maraykanka ayaa arinkan aad u buunbuuninaysa, oo qaarkood ay sheegeen in aan si cad loo garanayn Wiilka ay gabadhani Uurka u leedahay.
Qodobo ka soo baxay Kulan ay yeesheen Midowga Afrika iyo Sh. Shariif Sh. Axmed
Nairobi (Ogaal/HOL)- Kulan qaatay laba maalmood oo ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen Komishanka Midowga Afrika iyo Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Somalia, ayaa laga soo saaray go’aan ka kooban qoddobo kala duwan. Isla markaana waxay Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqeen inay kaalmo la gaadhaan dadka ku waxyeeloobay qalalaasaha ka taagan Somalia.
Kulankan oo socday 2-3-dii bishan, isla markaana ay labada dhinac u kala metelayeen Guddoomiye-xigeenka Komishanka Midowga Afrika Mr. E. Mwencha oo metelayay Midowga Afrika iyo Guddoomiyaha Isbahaysiga dib-u-xoraynta garabkooda ka qayb galay Heshiiskii Jabuuti Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa lagaga wada-hadlay geeddi-socodka wada-xaajoodyada u dhaxeeya Maamulka TFG iyo Mucaaradka ay hormoodka ka yihiin Isbahaysiga Dib-u-xorayntu ee Jabuuti iyo sidoo kale marxaladaha Siyaasadeed, Nabadgelyo iyo bani’aadamnimo ee Somalia waqti-xaadirkan ku sugan tahay. Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ay labada dhinac ka soo saareen kulankoodaa ka dib, waxay labada dhinac walaac ka muujiyeen xaaladaha hadda ka taagan Somalia, gaar ahaan marxaladda ay ku sugan yihiin dadka Qaxootiga ah ee ka baro-kacay Dagaallada ka socda Magaalooyinka Muqdisho u horrayso.
Kulankaa ka dib waxay labada dhinac ka soo saareen go’aamo dhawr qodob ka koobnaa. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen,
-In Dawladda Ku-meel-gaadhka ah lagala shaqeeyo Heshiiska Jabuuti, si shaaca looga qaado qaddarka ay le’eg yihiin qalalaasaha Siyaasadeed, Nabadgelyo iyo bani’aadamnimo.
-In la sii wado wada-hadallada lagu xalliyo qaska ka taagan Somalia, si loo hirgeliyo qorshaha Wada-xaajoodyada.
-In si wada-jir ah looga shaqeeyo wax-ka-qabashada dhibta soo gaadhay Dadka Soomaalida ah.
-In Midowga Afrika uu ka qayb qaato daad-guraynta Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha Somalia.
-In kor loo qaado Xidhiidhka Somalia la leedahay waddamada la jaarka ah iyo qoddobo kale.
Nin 5 Sanno u xidhnaa inuu yahay Soomaali Argagixisa ah
Dar-es-Salam (Ogaal/W.Wararka)- Saleebaan Cabdalla Saalim oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Tanzania, isla markaana muddo 5 sanadood ah u xidhnaa dalka Afghanistan ka dib markii laga qabtay Xeebta Somalia waqti uu Kalluumaysi u joogay sanadkii 2003-dii.
Mr. Suleiman Cabdalla ayaa muddo haatan 4 maalmood laga joogo ay Hay’adda Laanqayrta Cas ay dib ugu celisay dalkiisa. Waxaanu Suleiman oo ka waramayay xadhigiisa iyo halka la geeyay uu sheegay in markii u horraysay laga qabtay Xeebta Somalia oo uu sheegay inuu Kalluumaysi u joogay, ka dibna Gacanta loo geliyay Ciidamada FBI-da ee Maraykanka, isaga oo loo malaynayay inuu dhalasho ahaan Somali yahay. Kuwaas oo markii u horraysay u qaaday dalka Kenya oo uu sheegay in Su’aalo lagu waydiiyay, ka dibna dib loogu celiyay Somalia, ka hor intii aan loo xidhin arrimo Argagixiso oo looga shakiyay. Iyada oo loo xidhay ka dib markii looga shakiyay inuu tababaro ku soo qaatay dalka Afghanistan.
Suleiman Cabdalla oo markii dalkiisa la geeyay Faraha Gacmahu burbursanayeen, ayaa sheegay in ka hor intii aan Tanzania la gaynin la waydiiyay halka uu jecel yahay inuu ku noolaado, haddii uu jecel yahay UK iyo haddii uu doonayo inuu ku noolaado Maraykanka-ba. Hase ahaatee, wuxuu sheegay inuu diiday, sababtoo ah muddo muu arag Waalidkii.
Maaha ninkii u horreeyay ee ka soo jeeda dalka Tanzania oo loo xidho arrimo Argagixiso, hase ahaatee waxa ka horreeyay nin hadda ku jira Xabsiga Guantanamo Bay, ka dib markii lagu eedeeyay inuu Lug ku lahaa Qaraxyadii Safaaradda Maraykanka ee Dar-es-Salaam sanadkii 1998-kii.
Ma sharci baa heshiisyada Wasaaradda Macdanta iyo shirkadaha shisheeye?
Hargeysa (Ogaal) – Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland ayaa jawaab ka bixisay, isla markaana beenisay warar sheegayay in heshiisyada ay Wasaaraddu la gasho Shirkadaha Ajanabka ah ay yihiin qaar aan sharciga waafaqsanayn. Iyada oo Wasaaraddu ku dooday in heshiisyada ay Shirkadaha shisheeye la gashaa yihiin kuwo ay ansixiyaan Golaha Xukuumaddu, waafaqsana qodobo ka mid ah Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaala.
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo lagaga jawaabayay warkan oo uu dhawaan warbaahinta siiyay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada, gaar ahaan Somaliland times. Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, waxa uu u dhignaa sidan:
“Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu waxa ay halkan si cad ugu beeninaysaa war ku soo baxay Somaliland times cadadkeedii 334 kuna taariikhaysnaa 23 Augost 2008 oo uu qoray Mr. Siciid Maxamed Cilmi oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, kaasoo uu ku sheegay in heshiisyada Wasaaradda Macdantu la gashay shirkadaha TGS/NOPEC iyo ASANTE OIL (Norwey) aanay sharci ku fadhiyin.
Wasaaradda iyo Shirkadaha kor ku xusani waxay wada galeen heshiisyo ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, sida uu qorayo qodobka 12-aad ee Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Maalgelinta shisheeye ee No. 23-29/2004, labada heshiisba waa sharci
Waajibinta iyo Fadliga Soonka
Ilaahay (SWT) wuxuu Bilaha ka faddilay Bisha Ramadaan oo uu ku jiro Habeen ka khayr badan 83 Sannadood, kaas oo ah Habeenka Leylatul-Qadarka loo yaqaano oo uu Ilaahay Quraankiisa ku sheegay. Bisha Ramadan waa Bil uu Ilaahay ku waajibiyay Addoomihiisa Rumeeyay jiritaankiisa iyo Rasaaladda uu Rasuulkeenii Muxaxmed (NNKHA) u soo dhiibay ee rumaysa. Waajibinta Soonka Bisha barakaysan ee Ramadan wuxuu Ilaahay ka soo amray Toddobada Samo korkood, waxaanu Quraankiisa ku yidhi, “Kuwa xaqa ruyeeyoow waxaa laydinku waajibiyay Soonka, sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan (aad xumaha ka joogtaan)..Waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u ficiin, inaad Soontaan yaana idiin khayrbadan hadaad tihiin kuwo wax og.”
” Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Qur;aanka isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin xaqa iyo baadilka, ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Alle fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhamaystirtaan tirada waynaysaanna Allaah wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, ood mudan tihiin inaad mahadisaan Allaah.” Ayuu ILaahay ku yidhi Quraankiisa Kariimka ah.
Sidoo kale Axaadiista laga weriyay Rasuulka (CSW) ee ku soo arooray Soonka, waxa ka mid ah, Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yidhir: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: Allaah, kor ahaaye wuxuu yirdh: Aadamuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkia maahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta. Sidaa awgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaadaa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Hadii uu qof la diriro ama caayana ha yidhaahdo, ‘Anigu waan soomanahay’. Waxaan ku dhaartay Allaha nafta Muxammad ay Gacantiisa ku jirto’e, Neefta afka qofka soomman Alle agtii waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa. Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). (Bukhaari iyo Muslim).
Werinkta Imaam Muslim waxay leedahay: Qofka camalladiisa wanaagsan waa loo laalaaba wax badan, oo halkii samaan ahi waa toban laab ilaa toddoba boqol laab. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: “Laakiinse kuma jiro Soonka, maxaa yeelay waa cibaado ii badhax tiran oo loo falaa dartey (macnaha waa malaha xagga abaal-gudka iyo ajarka Soonka) Aniga, keliya baa ka abaal gudi doona. (Qofka soomman) wuxuu uga tagaa cunid, cabid iyo hawood dartey Aniga (Allaah).
Waxa kale oo uu Abuu Hureyra (A.K.R.) ka soo weriyay in Nebigu uu yidhi, “Qofkii u bixiya laba joogoo ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeedhi doonaa Iridaha Jannada: Addonkii Alloow, albaab kan baa kuu roon. Qofkii Saaxiibu-Salaad ahaa waxaa looga yeedhi doonaa irridka Salaadda, qolooyinkaa ugu heeganaa Jihaadka dar Alle, waxaa looga yeedhi doonaa Irridka Jihaadka, qofkii reera Soon ahaana waxaa looga yeedhi doonaa irridka Rayaan (Harraad baxa), qofkii reero Sadaqo ahaana waxaa looga yeedhi doonaa (inuu ka galo Jannada) Irridka Sadaqada.”
Sahal bin Sacad (A.K.R) wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: “Waxaa jira Jannada gudaheeda Irrid la yidhaahdo Ar-Rayaan oo ehlu-Soonka oo keliya geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uunu ka gelin; waxaa la odhan doonaa: Meeye ehlu-Soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga mooyaane. Markii ay galaan, Irridkaa waa la xidhi doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood.” (Bukhaari iyo Muslim)
Sidoo kale Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: “Qofka Muslimka ahi markii uu u soomo hal maalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo.” (Bukhaari iyo Muslim).
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday