Musharaxa M/Xigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Fagaare Magaalada Boorama Ah Tan Iyo Intii La Doortay

“Aniga Eng. Saylici Ahaan Hadii Eebe Talada Tayda Ka dhigo Waxa Agtayda Loogu Sharaf Badan Yahay Hadba Sida Loo Kala Shaqo Badan Yahay ama Loo Kala Daacadsan Yahay”
“Eng. Saylici Midnimo ayuu Astaan U Yahay, Musharax nimadiisuna Waa Guul Aan Soo Hoynay………….Prof. Aar

midnimo-saylici-iyo-aar.JPGBoorama-(Lug)- Banaanbax Soo dhawyn ah oo aad u balaadhay oo ka dhacay maanta xaerunta Mana Guest House ayaa waxa dadwayaha halkaasi kula hadlay Musharaxa jagada Madaxwayne Kuxigeenka ee xisbiga Kulmiye iyo siyaasiyiin kale oo safarkaasi ku wehelinayay,

Musharax Eng. Saylici ayaa waxa uu ka waramay in uu maanta taagan yahay meeshii uu markii ugu horaysay ka shaaciyay damiciisa musharaxnimo, isla markaana uu Eebe uga mahadnaqayo sida wayn ee uu uga aqbalay ducadiisii, waxana uu u mahad naqay dadwaynihii soo dhaweeyay, sidoo kale waxa uu tilmaanay in ay maanta u tahay maalin aanan inaba loo iloobi karin.

Musharax Eng. Saylici oo hadalkii sii wadana waxa uu yidhi ” waxa ii farxada aniga oo ay dalcadii iga saareen walaalahayga reer Awdal ee xisbigu inta kale ee reer kulmiye ahna i wada taageereen in aan ku soo laabto meeshii la igu caleemo saaray aniga oo ah mushuraxa jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye ee Qaranka”.

Mar uu ka waramayay sidii loo doortay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan uga mahadnaqayaa sidii ay reer Awdal ha noqodaan Galbeed ama Bariye ii caleemo saareen ay u yidhaahdeen Eng. Saylici waa musharxayaga ee ay waliba ugu dareen ficilkii codaynta ahaa, wixii ay qabteena waa fal aanan la iloobi doonin.

saylici.JPG

Mar uu Eng.Saylici ka waramayay khilaafka kooban ee jira ayaa waxa uu yidhi ” waa wax ka dhashay tartankii waana aadama dabcigiisa in aanay go’aamadu cidwalba wada raali galin, waaanse wadnaa dadaaladii aan ku soo afjari lahayn sababta oo ah waxa aan isku nahay dad reer Kulmiye ah.

xilibaan-good-iyo-xilibaan-dacar.JPG

Mar uu Musharax Eng. Saylici ka waramayay Qorshahisa siyaasadeed ayaa waxa uu yidhi ” Eebe agtiisa waxa loogu kala sharaf badan yahay hadba sida loo kala cabsi badan yahay si doo kale ” Aniga Eng. Saylici Ahaan Hadii Eebe Talada Tayda Ka dhigo Waxa Agtayda Loogu Sharaf Badan Yahay Hadba Sida Loo Kala Shaqo Badan Yahay ama Loo Kala Daacadsan Yahay”. Musharax Eng. Saylici Isaga oo hadalkiisda sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waan ogahay dadka hantiyi madeeqo ee cadaalad ayaa deeqda, hurmar ayaa deeqa, waxaanan ku dadaalayaa in cadaalada iyo wixii hormar ah ee idinka maqnaa hadii uu soomaaliland ku maqan yahay aan idiin doono, Somaaliland-na waxa ka maqan ee uu Ictiraafku ugu horeeyo aan caalamka ugu doono.

madashii-kulmiye-ee-maanta.JPG

Musharax Eng. Saylici waxa uu ku so gaba gabeeyay hadfalkiisa isaga oo tilmaamay waxa ugu haboon ee lagaga tala galayo waxana uu yidhi ” qabyaalad iyo nin jeclaysi la iigu soo hagaagi maayo, waxa aan u soconaana waa midnimo ee walaalalyaal codkiina maalinta doorashada nagu gargaara si aan wax badan oo maqan u doono hawshuna noogu fududaato.

ismaaciil-aar.JPG

Sidoo kale waxa madashan ka hadlay Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo xusay in ay guul maanta ku soo hooyeen gobolkii waxana uu yidhi waxa hubaal ah ay maanta tahay maalin wayn waxana aan idiin keenay laba arimood oo kala ah “Guusha koowaad ah Musharaxii madaxwayne ku xigeenka Madaxwaynaha oo ah walaalkay Cabdiramaan Saylici, ta labaadna waxa aan idiin keenay Midnimadii dhaqanka ahayd ee umada lagu yaqaanay, waxanan leenahay ha la adkeeyo waanan la soo dhaafay waqti labadii oday ee walba mel lagu kala xidhay oo la kala go’doomiyay oo musuqmaasuq iyo qabyaalad la dhex dhigay.Eng. Saylicina waxa uu astaan u yahay Midnimada ee ha moogaanina in an goolka wada jir ku dhalin karno, anaguna keenaye naga gudooma.

midnimo-saylici-iyo-aar.JPG

Suldaan ka tirsan Salaadiinta Gobolka oo halkaas ka hadlay ayaa umahadnaqay umada isu soo baxday waxana uu xusay in ay madashani tahay tii laga caleemo saaray Eng. Saylici oo ah mid mudnaantiisa loo bandhigay soolaalinad oo dhan, waxana uu aad ugu mahad naqay Prof. Aar oo uu tilmaamay in tanaasulaad ka muujiyay madashii Burco.

suldaan.JPG

Sarkaal sare oo ka tirsan golaha Dhexe ee kulmiye ee gobolka Maroodijeex oo isaguna ka hadlay madasha ayaa carabka u dhuftay in waxyaabihii nurco ka dhacay ay ahaayeen guul u soo hoyatay gabi ahaanba umada reer Somaliland waxana uu si gaar ah carabka ugu adkeeyay in uu Prof. Aar yahay midisagu baal dfahab ah ka galay shirkaas oo ku kasbaday taasi siidii uu doora uga ciyaaray isku soo dhawayntii umada reer kulmiye ee Burco ku shirsanayd, waxana uu tilmaamay in uu aad ugu riyaaqsan yahay sida ay u dhacday soo dhawayntan oo uu xusay in ay ku soo beegantay waqti ramadaan ah.

mudane-kulmiye-ah.JPG

ugu dambayntii xildhibaan kale oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa carabka ku adkeeyay in uu Musharax Eng. Saylici yahay astaantii Midnimada waxana isaga oo hadalkiia sii wata uu yidhi ” Shalay Burco markii aan joognay waan garawsanay in uu Eng. Saylici yahay mideeye, maanta halkan ayaan keenay mid nimadii barina aniga oo ah nin Ciise ah waxa aan balan qaadayaa inaad dadkayga uga hawl galo sidii ay ugu codayn lahaayeen Saylici oo astaan u ah midnimo iyo hormar. Isaga oo hadalka siii wata ayaa waxa uu xilibaanku yidhi “ogaada in aad is diiwaan galisaan si aad noogu hiilisaana ha ka tagina diiwaan galinta.

kulmiye-mudane.JPG

Munaasabadan soo dhawaynta ahayd ee maanta ayaa waxa ay dadwaynuhu kaga bogteen iftiin muuqdana ay ka heleen sida uu yahay barbaamijka iyo xidhiidhka mudanayaasha golaha dhexe ee xibiga kulmiye oo tilmaamay in ay u midaysan yihhiin taageerida Musharaxa jagada madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

ciyaaro-dhaqameed-soodhawayntii-saylici.JPG

Wariye:-
Cabdale cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra