Xukuumadda oo xabsiga ka siideysey Xirsi Cali X.Xasan iyo Abshir Xasan Xaashi

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Daahir Riyaale ayaa xabsiga ka siideysey Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan iyo Abshir Xasan Xaashi oo labaduba u xidhnaa arrimo siyaasadeed.

Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan waxay ciidamada Boolisku ka soo qabteen tuulada Magaala-yar oo bariga ka xigta magaalada Burco 03 August, 2008, waxaana la siidaayey maanta oo taariikhdu tahay 03 Sept. iyada oo aan maxkamad la horgeyn.

Xirsi markii boolisku qabtay waxay xukuumaddu ku eedaysay in uu ku lug lahaa baabuur xukuumaddu sheegtay in madaxa laga jaray si qoryo loo saaro iyo maleeshiyo ay tilmaantay inay isku urursanayaan deegaamo ka tirsan Bariga Burco, iyada oo Wasiirka Arrimaha Guduhuna uu warbaahinta u sheegay inay hayaan caddaymo in Xirsi uu xidhiidh la leeyahay ururka Al Shabaab ee ka dagaalama magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya oo ku jira liiska Argagixisada Maraykanka.

Waxaana la siidaayey iyada oo aan maxkamad la horgeyn, si loogu caddeeyo dembiga loo xidhay iyo eedaymaha Wasiirka Arrimaha Guduhu sheegay.

Xirsi Cali X. Xasan oo galabta saxaafaddu la xidhiidhay, waxa uu sheegay in la siidaayey, balse, aanu garanayn waxa lagu xidhay iyo sida lagu siidaayey midna.

Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in lagu siidaayey amar Daahir Riyaale bixiyey, kaas oo ka dambeeyey wadahadal uu la yeeshay odayaal ka socdey beesha Xirsi.

Sidoo kale, Abshir Xasan Xaashi, darawalkii hore ee Marwada Daahir Riyaale, marwo Huda Barkhad, isla markaana ahaa madaxa gaadiidka Madaxtooyada intii ka horreysey dabayaaqadii 2006 ayaa isagana saaka laga siidaayey Jeelka Mandheera oo ku xidhnaa muddo 4 bilood ah, iyada oo aan marna wax maxkamad ah la horgeyn.

Abshir Xasan waxa uu boolisku qabtay badhtamihii April 2008, kadib markii muddo dheer ay ku dabajireen iyaga oo ka daba joogey hadal uu siiyey Saxaafadda oo uu ku difaacayey suxufiyiinta Wargeyska Haatuf oo u xidhnaa maqaal ay ku daahfureen musuqmaasuq uu ku lug leeyahay qoyska Daahir Riyaale ee Madaxtooyada Somaliland, isla markaana uu ku soo bandhigay caddaymo ku saabsan musuqmaasuqaas.

Abshir, sidoo kale, maxkamad lama horgeyn, lamana garanayo qaabka loo siidaayey.

“Saaka subaxnimadii ayaa gaadhi boolisku leeyahay la igaga soo qaaday Jeelka Mandheera ee aan ku xidhnaa, waxaana la I geeyey gurigeyga. Mana garanayo amarka la igu siidaayey cidda bixisay,” ayuu yidhi Abshir oo aan weydiiyey sida loo siidaayey.

Sidoo kale, Jaamac Maxamed X. Ducaale (Foos) oo ay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, isla markaana la sheegay in wasiirka iyo xubno kale oo qoyskooda ah oo ka tirsan xisbiga UDUB ay u xidheen aargoosi siyaasadeed oo la xidhiidha Shirkii Gar’adag ayaa isagana la siidaayey maanta, kadib markii sida la sheegay lagu waayey eedayn been-abuur ah oo loo sameeyey.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra