Wararka Wargeyska OGAAL, Arbaca: Dib u bilaabista Garnaqsiga Kulmiye iyo Odayaynta Saleebaan Gaal
“Addeer waxba ka sheegi mayno shirarkayaga”
Guddoomiye Axmed-siilaanyo
Hargeysa (Ogaal) - Shir turxaan-bixin ah oo dhinacyada Xisbiga KULMIYE ee khilaafku u dhexeeyaa ku yeelan lahaayeen xalay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa dib u dhacay.
Shirkan oo qayb ka ahaa kulamo xidhiidh ah oo todobaadyadii u dambeeyey u socday labada garab ee ku kala fogaaday Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye loogu soo gebogabeeyey magaalada Burco, waxa la sheegay in dib loogu riixay Habeenimada Jimcuhu soo gelayo.
Inkasta oo aanay jirin war rasmi ahaan uga soo baxay labada dhinac oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiye Axmed Siilaayo iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, haddana sida ay tibaaxeen ilo lagu kalsoon yahay, kulanka garnaqsiga ah waxa dib u riixay Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo la sheegay inuu labada dhinac-ba xidhiidh la sameeyay, Islamarkaana ku wargeliyay inuu ka Odayaynayo khilaafkooda. Hase ahaatee, Gudoomiye Saleebaan Ilaa hadda si toos ah ugama hadlin arrintan.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanu xalay khadka Telefoonka wax kaga waydiinay sababaha dib u dhigay kulanka loo balansanaa, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo. “Wadda tashiyadayadu way noo socdaan,” koobnaan ayuu Axmed-siilaanyo sidaa u yidhi. Isla markaa su’aal laga sii waydiiyey inuu iftiimiyo waqtiga dib loogu riixay kulankooda, waxa uu mar kale si kooban u yidhi; “Addeer waxba ka sheegi mayno shirarkayaga.”
Dhinaca Cabdiraxmaan Aw Cali oo aanu sidoo kale isku daynay inaanu wax ka waydiino waxyaabaha baajiyey kulanka la filayay inay xalay yeeshaan iyo meesha ay marayaan wadahadalada xalka loogu raadinayo xurgufta ka dhex oogan Kulmiye, ayaanay suurtogalin inaanu khadka telefoonka ku helo.
Saraakiisha sar sare ee xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye waxa uu khilaafkoodu dibeda u soo baxay, kadib markii ay isku maandhaafeen qaabka loo dooranayo Musharaxiinta xisbiga Kulmiye uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay Somaliland ka dhacdo horaanta sannadka 2009, kaasoo ay soo jeediyeen Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo u ordayay Murashaxiinta Madaxweyne-ku xigeenka ee xisbigu, in hanaanka codbixinta Shirka Golaha Dhexe noqoto laba wareeg, halka Guddoomiye Siilaanyo oo ahaa Musharaxa kelida ku ahaa jagada Madaxweynenimo iyo Cabdiraxmaan Saylici ay ku adkaysteen in codbixintu noqoto wareeg keli ah, kaasoo keentay in Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cadami ka baxaan Shirka, isla markaana lagu doorto Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici.
Kadib kulamo ay labada dhinac ku yeesheen Burco oo lagu dejinayay khilaafkooda, waxa kasoo baxay heshiis hordhac ah oo qodobadiisa uu ka mid ahaa kulanka xalay baaqday iyo in wadahadaladu u sii socdaan, si ay wadaxaajood ugu dhammeeyaan xurgufta dhextaal.
Hargeysa: Baabuur siday Rakaab ka badan 30 Qof oo Daad Wal-waalay
“Waxaanu soo badbaadinay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 16-18 qof. Laakiin..”
Hargeysa (Ogaal)- “Markaanu Dooxa dhexdiisa marayno ayuu Gaadhigu dhinacnaba u dhaqaaqi waayay oo uu istaagay. Daadkiibaa bilaabay inuu Baskii dhaq-dhaqaajiyo, dabadeed dhinacii ay Biyaha Dooxu ka imanayeen ayaanu Miisaankayaga u badinay oo haddii aananu Miisaami lahayn, wakhtiganba muu taagnaadeen Basku meel dhaw ee Daadku wuu la tegi lahaa. Inyar ka bacdi Daadkii baa soo batay oo bilaabay inuu Baskii rogo. Kursiga u dambeeya ayaanu fadhinay, dabadeed aniga iyo Wiil kale ayaa ka soo baxay Daaqadda dambe. Dad baa noo soo gurmaday oo Xadhig ayaa naloo soo tuuray, dabadeed Gabadh kale ayaa Gacanta I soo qabsatay, Inantii ayaan Gacanta soo qabtay oo aan xejiyay, hase ahaatee Daadkii ayaa dib noo tuuray oo meel durugsan na geeyay, balse Xadhiggii ayaanu xejisanay oo dib naloogu soo qabtay, sidaas ayaanu kaga soo baxnay.” Sidaa waxa yidhi Wiil dhalinyaro ah oo ka ka mid ah dad ka badbaaday Bas nooca Rakaabka qaada ah oo uu Xalay fiidkii Daad xoog lihi kula tegay Dooxa wayn ee Hargeysa, kaas oo lagu magacaabo Mukhtaar Cabdilaahi Muuse.
Baskan Daadku qaaday oo ah nooca Coaster-ka loo yaqaano ee 30-ka qof qaada, kana mid ah Basaska u baxa Xaafadda Biibsiga ee Magaalada Hargeysa, isla markaana Lambarkiisu yahay 18592, ayaa Daadku ku qabsaday mar uu ka tallaabayay Dooxa waynee Hargeysa, halkaas oo hadda ay Gaadiidku maraan inta uu socdo dhismaha Biriijka labaad oo ay hore u mari jireen. Inkasta oo aan si dhab ah loo hubin khasaaraha ka dhashay, haddana sida uu Wargeysyada Ogaal iyo Saxansaxo oo Weriyayaal ka socdaa goobta Shilku ka dhacay u sheegay Mukhtaar Cabdilaahi Muuse oo ka mid ah dadka ka badbaaday Shilkan oo ay la kulmeen, waxa aaminsanaa in ugu yaraan uu jiray hal qof oo Daadku la tegay, balse aan la ogayn nolol iyo Geeri halka uu ku sugan yahay. Isaga oo ka waramay sidii ay wax u dhaceenna waxa uu yidhi, “Basku wuu buuxay marka laga reebo Gabadh naga degtay intii aanu Dooxa gelin, hase ahaatee waxa jiray dad badan oo Daaqaddaha Baska haystay. Oday markii hore nagu yidhi iska fadhiya Daadku ma badna’e, waxa iigu war dambaysay isaga oo Gaadhiga ku dhex jira. Waxa kale oo jiray oo aan arkayay Wiil Rakaabka ka mid ahaa oo is-yidhi Xadhigii naloo soo tuuray qabso, hase yeeshee Gacanta la waayay, dabadeedna Daadku la tegay.” Ayuu yidhi Mukhtaar, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa jiray dad dhinicii uu Gaadhigu u dhacay haystay oo laga yaabo inay Gaadhiga hoos galeen. Balse tiro sugan oo laga soo saaray ma garan karo, waayo waan dawakhsanaa markii aan meesha ka soo baxay, imikase wax dhib ah ma qabo.”
Dadkii goob-joogga ahaa markii uu Shilku dhacayay ayaa sheegay inaanay jirin taakulo dhinaca Dawladda ka timi oo ku wajahan samata-bixinta dadka Daadku la tegay, marka laga reebo D/Hoose ee Hargeysa oo Cagaf aan hawlgelin oo markii dambe la xareeyay u diray goobta Shilku ka dhacay iyo Ciidamada Booliska oo iyana qayb ka ahaa daad-guraynta dadka. “Waxaanu soo gaadhnay Gaadhiga oo Daadku qaaday oo dadkuna ay dusha ka saaran yihiin. Markii aanu is-nidhi u gurmada ee aanu tagnay Wershadda Laydhka Dawladda oo aan naga fogayn, si aanu uga soo kaxaysano Wiishka Laydhka oo goobta yaalay oo aanu doonaynaynay inaanu Baska ku soo qabano, ayaa Shaqaalihii iyo Masuuliyiintii aanu Meesha ugu tagnay ay na yidhaahdeen Darawalkii Gaadhiga ayaa maqan, markii aanu la hadalnay Darawalkii Wiishka oo ay Telefoonkiisii na siiyeen, wuxuu na yidhi wuu xun yahay Gaadhigu. Taliska Booliska markii aanu nimi ee aanu ku nidhi, Xadhko na siiya aanu Baska ku soo qabano, waxay nagu yidhaahdeen dibedda nooga baxa. Sidaa darteed, markii aan ka soo noqonay waxaanu u nimi Baskii oo Daadkii qaaday, dadka badhkiina laga saaray, qaar ka mid ahina ay ku jiraan Baska.” Sidaa waxa noo sheegay Mawliid Aadan Beegsi oo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Guddida Basaska Istaanka Biibsiga. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Cagaftii D/Hoose oo naloo soo diray si aanu Gaadhiga uga saarno, ayaa waxa shiiday Reer ka mid ah kuwa Dooxa ka ag dhaw, dabadeed Taliyihii heeganka ku jiray waxa uu amray in Cagafta lagu xareeyo Xarunta Taliska Guud ee Booliska.”
Mawliid Aadan wuxuu sheegay in dadka ay ogyihiin ee laga saaray Daadka uu ilaa hadda yahay 13 qof oo ay ku jiraan Darawalkii Baska iyo Wiilkii Kirishboyga ka ahaa. “Inta aanu ilaa hadda hubno ee laga soo saaray waa ilaa 13 Qof. Darawalkii gaadhiga Baska ah oo Biyaha ka soo dhex baxay oo guur-guuranaya ayaanu helnay, balse waxba ma kala garanaynin oo wuu dawkhsanaa. Dad baa jiray labada Jembi Gaadhiga ka saarnaa markii uu ciiray, markaa way jiraan dad Gaadhiga ku hoos jira.” Ayuu yidhi.
Inkasta oo dadkii goob-joogayaasha ahaa ay sheegeen inay jiraan dad dhinacyada Baska haystay ka hor intii aanu ciirin oo aan ilaa hadda la hubin nolol iyo Geeri ta ay ku sugan yihiin, isla markaana mid ka mid ah ay arkayeen isaga oo Daadku la tegay, haddana Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay dhammaan dadkii Gaadhiga Baska ah saarnaa ay badbaadeen. “Sida naloo sheegay dadkii Baska saarna oo dhami wuu ka wada samata-baxay. Basku wuu buuxay oo 30-qof qaade ayuu ahaa, dhammaantoodna way ka samato-baxeen.” Sidaa waxa yidhi Taliye Baashe Cabdilaahi oo ah Taliyaha Ciidamada Heeganka xalay ee Qaybta Galbeedka oo ah halka Shilku ka dhacay. Sida ka muuqata hadalka Taliyaha, ma jirto xog rasmi ah oo ay hayeen Boolisku, hase ahaatee waxa uu taliyuhu sheegay in dadka Baska saarnaa oo ka badnaa 30 qof ay iyagu Boolis ahaan badbaadiyeen inta u dhaxaysa 16 ilaa 18 qof, balse mar aanu waydiinay halka ay ka keeneen Warka sheegay in dadku ka wada baxeen, maadaama aanay iyagu dhammaan dadka wada badbaadin, waxa uu ku jawaabay, “Waxaanu waraysanay Wiilkii yaraa ee Lacagta ururinayay iyo Darawalkii Baska, waxaanay noo sheegeen in dadkii oo dhami ka samata-baxeen.” Waxa kale oo aanu Taliyaha Waydiinay maadaama sida la sheegay Darawalka Gaadhigu uu ka mid ahaa dadkii la badbaadiyay, isla markaana sida la sheegay isaga laf ahaantiisu asqoobay, waxa ay ku caddayn karaan in dadku wada badbaadeen, waxa uu ku jawaabay, “Dadkii waxay noqdeen mid isagu is-badbaadiyay iyo mid dadkii kale ee meesha yimi ay badbaadiyeen. Laakiin, anagu Boolis ahaan waxaanu soo badbaadinay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 16-18 qof. Dadkii kalese waxay noqdeen qaar daata, qaar soo dabbaasha.”
Iyada oo aan la hubin in dad ku hoos jiro Baska Daadku la tegay iyo in kale, hase ahaatee ay dadka qaarkii ku doodayaan inay jiraan dad uu Basku ku dul dhacay oo hoostiisa ku jira, ayaa haddana aan taa la hubinin. Isla markaana aan Baska laga qaadin Daadka dhexdiisa, isaga oo ay Biyuhu dul mareen. Sababta Baska loo qaadi ayaanu wax ka waydiinay Taliye Baashe Cabdilaahi, waxaanu ku jawaabay, “Taliyihii Heeganka Galbeedka anigaa ah caawa (Xalay), markaa markii aanu is-nidhi ka soo saara, ayaa aniga iyo Cagaftiiba nala shiiday, dabadeed waanu isaga cararnay oo Cagaftiina halkaas (Taliska Guud ee Booliska) ayaanu ku xeraynay inta dadka na shiidayaa uu meesha ka kala tegayo.” Marka laga yimaado hadalka Taliyaha, mar aanu xalay saacadihii dambe la xidhiidhnay Cabdiraxmaan Xaashi Cabdilaahi oo noo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska waawayn, isla markaana ku sugnaa goobta Shilku ka dhacay, Baska ayaa ilaa wakhtigaa yaalay. “Waxaanu go’aansanay inaan Baska laga qaadin Biyaha dhexdiisa inta Waagu beryayo, si haddii cidi ku hoos jirto loogu tago, isla markaana aanu u kala daadan inta ka hadhay Biraha Basku” ayuu yidhi Cabdilaahi Xaashi.
Maaha markii ugu horraysay ee Bas Rakaab sida uu Daad ku qaado isla goobta uu xalay Daadku ku qaaday Baska, hase ahaatee waa kii labaad ee noociisa ah. “Sidii uu Biriijkani u go’ay ee dhismaha Biriijka loo bilaabayba waa Baskii labaad ee uu Daadku qaado isaga iyo dadkiisiiba. Inkasta oo ay jireen Basas hore u galay oo aanu ka saarnay Dooxa, haddana kani waa kii ugu xumaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska Waawayn. Waxaanu Cabdilaahi Xaashi sheegay in kaalmo ay ka filayeen Dawladdu ay la raagtay, isaga oo tirada dadka Gaadhiga saarnaa ku sheegay 32 qof. “Sababta ugu wayn ee loo aanaynayo Shilka Baskan ayaa ah Daadka oo ku soo batay Baska iyo Gurmadka oo ka soo raagay, oo markii hore Basku wuu dhawaa, hase ahaatee markii dambe ayuu Daadku durkiyay. Gurmadkana waxaanu ka filaynay Dawladda iyo Taliska guud ee Booliska oo Shilku ka dhacay Albaabkiisa. Basku wuxuu siday 32-Qof oo ay Darawalka iyo Kirishboygu ku jiraan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi.
Dhinaca kale, toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Maayarka Caasimadda Hargeysa uu dhaawac ka soo gaadhay Daad ku qaaday isla goobta uu Shilkani ka dhacay, ka dib markii sida la sheegay uu galay Dooxa oo socda.
Somaliya: Budhcad Badeed Cirka ku shareertay sicirka Madaxfurashada Maraakiib ay haystaan
Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) - Budhcad Badeed Soomaali ah oo Maraakiib ku heysta Deegaanka Eyl ee Xeebta Maamul-goboleedka Puntland ayaa dalbadey in madaxfurasho loo siiyo lacag ka badan Sideed Milyan oo doollar si ay u sii daayaan seddex Markab oo ay heystaan.
Madaxa Hay’adda Bad-mareennada Bariga Africa Andrew Mwangura ayaa sheegay in Kooxaha Budhcad Badeedka ahi ay dalbadeen in Maraakiibta Bunga Melati 5 iyo Bunga Melati Dua oo Malaysia laga leeyahay laga siiyo lacag madax-furasho ah oo dhan 4.7 Milyan Dollar, sidoo kalena 3.5 Milyan Dollar laga siiyo Markabka MV Stella Maris oo ay isna Budhcad Badeedku qafaasheen 20-kii Bishii July ee aynu ka soo gudubnay.
Andrew Mwangura waxaa uu sheegay in ay rumeysan yihiin in Maraakiibtaas lagu hayo Deegaanka Eyl oo sida uu sheegay Kooxaha Burcad Badeedka ahi ay ku leeyihiin taageero xooggan oo Deegaanka ah. “Deegaanka Eyl ayaa waxaa sanadkii 1973-kii laga dhigay meel laga kalluumeysto balse waqti ka dib kalluumeysigii waa uu ka istaagay, waana laga guuray, wuxuuna deegaankaasi noqday meel ay ku nabad-galaan Kooxaha Budhcad Badeedka ah oo ogsoon in aaney halkaas ugu imaan karin Dad aan iyaga ahayn iyo kuwa wax basaasaa toona” ayuu yidhi Andrew Mwangura.
Kooxaha Budhcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay sanadkan oo qudha af-duubteen 30 Gaadiidka Badda ah oo isugu jira Maraakiib iyo Doonyo, waxayna Af-duubyadaasi ka dhigeen Xeebaha Soomaaliya kuwo in lagu safraa ay adagtahay.
Iyadoo Kooxahan Budhcad Badeedka ahi ay dalbanayaan Lacagta Madax-furashada ah ayaa hadana wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka Malaysia Mr. Najib Razak in ay Xeebaha Soomaaliya u direen Maraakiib Dagaal, kuwaasi oo la socon doona dhaqdhaqaaqa afar Markab oo lagaga haysto Xeebaha Soomaaliya.
“Muhiimaddayadu waa badbaadada dadka saaran Maraakiibta Af-duubka lagu heysto, waxaanan sameyn doonnaa wax walba oo suurta-gal ah, Annaga oo tixraaceyna shuruucda Caalamiga ah”ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka Malaysia Mr. Najib Razak.
Komishanka Doorashooyinka oo soo af-jaray xulashada Hawl-wadeenada hawsha Diiwaan-gelinta Togdheer
Burco(Ogaal) – Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mr.Cali Maxamed Xasan (Biikalo) oo maalmahanba ku sugnaa Magaaladda Burco, ayaa shaaca ka qaaday shalay inay soo gunaanadeen qorshe ay Ardayda Jaamacadda Burco kaga dhex xulanayeen 120 xubnood oo ka qaybqaadan doona hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee lagu wado in ay dhowaan dalka ka dhacdo bisha October ee sannadkan 2008-da..
Sida lagu faafiyay Idaacada Radio Hormuud Mr. Biiko oo shalay Saxaafadda u warramayey ayaa sheegay inay soo geba-gabeeyeen hawlihii ay u joogeen Burco oo ahayd xulidda 120 xubnood oo Komishanka uga qaybgeli doona diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, kuwaas oo uu xusay in laga soo dhex xulay 217 arday oo wax ka waxbarta Jaamacadda Burco, isla markaana laga qaaday imtixaan lagu kala saarayay, iyada oo imtixaankaa ay ku guulaysteen 52 Gabdhood iyo 68 Wiil.
Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in aqoonta ardayda lagu xulanayay ay ahayd Aqoonta Computerka Iyo Xawaaraha Wax-qorista, si ay u dadajiyaan hawlaha Diwaangelinta oo aan wakhti badani kaga lumin gacan culays.
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida doorashooyinka oo ay weheliyeen xubno ka kala socda Guddida Diiwaangalinta Qaranka iyo Hay,adda InterPeace, ayaa u mahd si gaar ah ugu mahadceliyey maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Burco iyo weliba hawlwadeennada xafiiska diiwaangelinta Gobolka Togdheer oo uu sheegay in ay gacan weyn ka siiyeen kala-xulista ardayda.
Qayla-dhaan Abaareed oo ka soo yeedhay meelo kala duwan
Saylac (Ogaal) - Duqa Magalada Saylac ee Xarunta Gobolka dhwaan la magacaabay ee Salal Maxamed Cumar Cawad ayaa sheegay in abaaro ba’ani ay ku habsadeen meelo ka mid ah deegaanka Saylac, isla markaana waxa uu ku baaqay in gurmad deg-deg ah lala gaadho dadka iyo duunyada ay abaartu haleeshay.
Mayarka Degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad ayaa shaaca ka qaday inay degmada Saylac iyo deegaanada Ku xeeran ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyay dad iyo duunyaba. Waxaanu xusay in abaarahaasi u badan yihiin dhinaca Galbeedka Deeganka degmada Saylac ee Magaalo madaxda Gobolka Salal oo qoysas badani ay ka bara-kaceen, isla markaana ay u hayaameen deeganada kala duwan ee Gobolka.
Duqa Degmada Saylac waxa ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Barigii hore hadii ay dadka Miyiga ay Abaari iyo biyo la’aani ku dhacaan waxa ay ku baxsan jireen dadka ehelkooda ah ee Magaaladda oo lacag iyo Raashin siin jiray, haddii ay dadka Magaaladda dhibaato ku dhacdana waxa ay ku ciirsan jireen dadka ehelkooda ah ee Miyiga degan oo Xoolo u guri jiray, balse imika labadii dhinac dhibaatooyin ayaa saameeyay in dhinac-na dhinaca kale ku baxsan kari maayo.” Ayuu yidhi Maxamed Cumar Cawad, waxaanu u soo jeediyay dadweynaha reer Somaliland dawlad iyo shicib iyo Hay’adaha Samafalku in ay u gurmadaan dadka iyo duunyada abaaru ku habsadeen.
Hore waxa sidoo kale, qaylo dhaan Abaareed uga soo yeedhay deegaano ka tirsan Gobollada Hargeysa, Oodweyne iyo Togdheer.
“Sheekh Shariif waa amiirkayaga, laakiin heshiiska Jabuuti ma ogolin”
Yuusuf Indha-cadde
Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Xoghayaha Garabka hubaysan ee Is-bahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) la sheegay inuu shir jaraaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay eedaymo looga soo jeediyay xidhiidh uu la leeyahay Budhcad-badeeda iyo aragtiyihiisa ku wajahan khilaafka madaxda is-bahaysigooda.
Mr Indha-cadde waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin eedaynta uu u jeediyay Andrew Mwangura oo ah madaxa Hay’adda Bad-mareennada Bariga Afrika, kaas oo sheegay inuu Yuusuf Indha-cadde xidhiidh la leeyahay budhcad-badeeda, isla markaana uu maandooriyaha ka ganacsado, waxaanu sheegay in hadalka ninkaasi yahay mid uu caalamka ku marin-habaabinayo. “Aniga Budhcad-badeeda xidhiidh nagama dhexeeyo, hadalkaasina waa mid aan sal lahayn. Budhcad-badeeda waxaan ognahay inuu xidhiidh ka dhexeeyo Puntland, waayo Cadde Muuse ayaa sheegay inay Kooxaha Budhcad-badeedu degan yihiin oo ay guryo ku leeyihiin Boosaaso iyo Garowe,” ayuu yidhi Sheekh Yuusuf Indha-cadde oo intaa raaciyay in maandooriyaha lagu eedeeyay inuu ka ganacsado ay xataa gubi jireen intii uu maamulka Shabeelaha Hoose hayay. Mar la sheegay inuu ka hadlayay Indha-cadde khilaafka u dhexeeya madaxda is-bahaysigooda, waxa uu sheegay inuu amiiroodu yahay Sheekh Shariif, balse ay kaga soo horjeedaan heshiiska uu Jabuuti kula galay Dawladda Federaalka, waxaanu intaa ku daray inuu Sheekh Shariif tegi karo Soomaaliya, gaar ahaana Gobolka Shabeelaha Dhexe. “Sheekh Shariif waa Amiirkayaga, waanu iman karaa Shabeelaha Dhexe, laakiin dhinacyada kale oo ay ka mid yihiin Cabdi Qaybdiid, Morgan iyo Darwiish ma aqbali karno inay yimaadaan, umana haysano inay imanayaan,” ayuu yidhi Sheekh Yuusuf Indha-cadde oo sheegay in heshiiskii Jabuuti uu ahaa mid aan xalaal ahayn.
Shirkan Jaraa’id ee uu qabtay shalay Indha-cadde ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu warbaahinta ku hortago magaalada Muqdisho tan iyo intii ka dambaysay xilligii uu meesha ka baxay maamulkii Maxkamadaha Islaamku dabayaaqadii sanadkii 2006.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday