Jaamacadda Hargeysa: Baadhista Hantidhawrka iyo Agaasimihii Maamulka & Lacagta oo si Kedis ah Dalka uga Baxay

Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ah Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Jaamacadda Mr. Maxamed Maxamuud Faarax (Madoobe), ayaa shalay si kedis ah dalka uga ambabaxay, iyada oo uu jaamacadda ku jiro odhat baadhaya qaabka loo maamulo hantida jaamacadda.Sida ay warar xogogaal oo u dhuun daloola arrimaha jaamacaddu xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa uu agaasimaha maamulka iyo lacagta u ambabaxay shalay dalka Canada, iyada oo arrintana ku soo began tahay odhankii oo wali jaamacadda ku jira, isla markaana aan ilaa hadda wax natiijo ah ka soo saarin baadhistooda la xidhiidha habka maamulka hantida jaamacaddu u socdo, iyadoo shaki weyn laga qabo in waaxda maamulka iyo lacagta ee Jaamacadda Hargeysa hanti badan lunsaday.

Arrintaas oo soo baxday kadib markii sannadkii 2005-tii uu jaamacadda galay odhat, kaas oo lagu ogaaday in musuq-maasuq badani ka dhacay, isla markaana la lunsaday lacago badan oo jaamacaddu leedahay.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Jaamacadda Hargeysa Maxamed Maxamuud Faarax (Madoobe) ayaa sida ay wararka xogogaal ahi tibaaxayaan waxa lagu tuhunsan yahay in muddadii uu xilka hayey musuq-maasuq xooggani ka socday jaamacadda, taas oo sababtay in marar badan macallimiinta iyo shaqaalaha jaamacaddu mushahar la’aan iyo maamul-xumo ka cawdaan, iyada oo lacag la’aan iyo dhaqaale-xumo aanay jaamacadda haysan, waxaanna jirta in hadda shaqaalaha iyo macallimiinta Jaamacadda Hargeysa ay laba ilaa siddeed bilood inta u dhexeysa aanay wax mushahar ah qaadan, iyada oo arrintaasna aanay dhaqaale xumo keenin ee maamul-xumada jirtaa sababtay. Taas oo masuuliyadeedana loo aanaynayo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta.

Jaamacadda Hargeysa oo tan iyo waqtigii la aasaasay maraysa halkii ugu fiicnady ayaa waxa haatan wax ka barta laba kun ilaa laba kun iyo laba boqol oo arday, halkaas oo bishiiba ay jaamacada ka soo gasho lacag ku dhow boqol kun oo dollar [$100,000], iyada oo dhinaca kalena jaamacada taageero dhaqaale ka hesha dawladda, hay’adaha, shirkadaha dalka, qurbo-jooga reer Somaliland iyo dadweynahaba.

Beryahan u dambeeyey waxa jiray khilaaf baaxad leh oo ka taagnaa maamulka jaamacadda, taas oo sababtay in xukuumaddu guddiyo u saarto, lamana oga ilaa hadda halka khilaafyadaasi ku dambeeyeen, laakiin waxa la ogyahay nidaam-xumo dhinaca dhaqaalaha ah oo jaamacadda hadheeyey.

Jamhuuriya


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra