OPINION

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Marka hore akhristayaal waan idin salaamay waxaana idin leeyahay Ramadaan Kariim Raxmaankana waxaan idiin waydiinayaa danbi dhaaf iyo inaad bisha Ramadan ku dhmmaysataan caafimaad qa, rayrayn iyo citqun mina naar.

Maanta waxaan jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo waayaha dunida iyo Xisbiga Kulmiye oo ay ka hoortay iyo nabsigii madaxdiisu ay ka gashay dawladdii ugu horreysay ee halgankii adkaa loo soo maray ee 1991-kii Burco looga dhawaaqay ee lagula soo noqday xorriyadii luntay1960-gii. 

Aakhirkii bishii ina dhaaftay ee Agosto waxaa magaalada Burco lagu qabtay shirkii golaha dhexe ee xisbiga mucaaradkaa ee Kulmiye kaasoo loogu talo galay in lagu soo doorto musharraxiintii xisbiga ee jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Xisbiga UDUB kula looltami lahaa doorashada la saadaalinayo inay dalka Somaliland ka dhicidoonto bartamaha sannadka 2009-ka hase ahaatee Kulmiye wuu ku kala qaybsamay qaabkii loo soo dooran lahaa jagada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waana lagu kala carooday magacaabistii ku-xigeenka madaxweynaha sababo badan owgood oon anigu qof ahaan u arko in khilaafka soo kala dhexgalay xubnihii xisbiga Kulmiye inuu ahaa mid laga soo shaqeeyay oo gacan dawladeed iyo mid qabyaaladeed aysan ka marnayn waana wax iska caadaa in Somaliland aysan lahayn YOOL siyaasadeed laakiin ay leedahay mid qabyaaladeed oon meelna u wadayn nasiib darrna way ka xoroobi la’dahay cudur qabiileedkan curyaamiyey aayihii jiilal dhan oo mustaqbalkii ka la lumay. 

Khilaafka u dhaxeeya madaxda xisbiga Kulmiye ma ahan mid dhawaan bilowday ee waa mid salka ku haya ilaa xilligii SNM-ta la isla ahaa oo waxaa xubnaha intooda badan ka dhaxaysay xurguf iyo isnacayb waxayna ahaayeen kuwo aan dabka kala qaadan iskuna soo gurman haddii ciidamadii faqashtu qaarkood meel cidlaa ay foodda isdaraan oo waaba gurmade markay maqlaan sarkaal hebel maantuu geeriyooday qaarkood waxay qali jireen Awr korana iyagoo ku faraxsan inuu u banneeyey gidaar aysan awdeen inay agyimaadaan laakiin waa xaal adduunoo maanta nin waliba wuxuu shoo xirtay shaadhkii libaaxa wuxuuna maatida ugu sheekeeyaa anaa dalkan kaadidayda usoo cabbay iyo anaa dalkan xoreeystay haddaadse tidhaahdo caalamka lama arag jabhad markay dalkeeda xoreyso ku wareejisa kii ay ka xoreysay ee adinka maxaa idinka si’ ahaa oo dalkii marlabaad gacantii laga xoreeyey aad ugu celisaan oo idin baday inaad mucaarad ahaataan ogowna jawaab kastooy ku siiyaan ma noqondoonto mid ku qancisa!!! 

Haddaan u soo noqdo maqaal dulucdisa oo ahaa god walaal ha qodin haddaad qoddana haku dheeraan adigu ku dhicidoontaana Rabbaa oge! Waxaa jirtay aakhirkii sannadkii 1990-gii inuu halgankii hubaysnaa ee SNM-tu kula jirtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya uu hakad ku yimid sababo badan awgood. Waa mare dagaalkii wuu sii daba dheeraaday oo yara niyad jab ayaa ku yimid taageerayaashii SNM ee gudaha iyo dibaddaba. Waa ta labaade saraakiishii safka hore ee dagaalka waday iyo siyaasiyiintii oo khilaaf soo kala dhaxgalay. Waa ta seddexaade tiyoo siyaasaddii dagaalka loo jiheeyey xagga koofurta Soomaaliya oo la abuuray jabhaddii USP oo uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee General Caydiid. 

Haddaba hakadkii ku yimid dagaalkii qadhaadhaa ee lagu kicinayay ciidamadii Soomaaliya oo sida qaldan loo adeegsay waxaa ka dhashay inay SNM talo isugu noqoto intaan xaalku ku noqon CIYOW waa ka baryay. Waxaa hoggaanka SNM-ta hayay Mj Axmed Siilaanyo waxaana shirkii golaha dhexe ee Balligubadle lagu qabtay lagu qanciyey inuu Siilaanyo wareejiyo hoggaanka SNM wuuna qaatay waxaana lagu doortay Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (A/Raxmaan Tuur). Md Cabdiraxmaan Tuur wuxuu dardar galiyey halgankii hubaysnaa wuxuuna noqday midaan xagga dambe dagaal ka hoggaamin ee faroonti laynka ayuu waagu ugu baryi jiray gabbalkuna ugu dhici jiray lagamana ilaalin jirin xaq u dirirkii SNM ee dhufays qudha ayay xabbadda cadawga kaga wada gabban jireen taasoo kalsooni buuxda siisay saraakiishii iyo dadwaynihii beesha dhexe ee iyadu dagaalka dabada ka riixaysay una babac dhigtay wixii la isku odhan jiray Soomaali weyn. 

Cabdiraxmaan-Tuur wuxuu judhiiba taagero milatari la barbar istaagay Generaal Caydiid oo dagaalkii wuxuu si lama filaana ugu fiday koofurta Soomaaliya deetana culays badan baa ka dhacay awoodii milatari ee ku kaliga ahayd gobolladii loo aqoon jiray WAQOOYIGA Soomaaliya. Muddo aan dheeraynna dabkii wuxuu wada gaaray Soomaaliya oo dhan waxaana dumay oo meeshii ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya isku haysay. Nasiib-darro koox la magac baxday MAANAFEESTO ayaa ka soo ifbaxday Muqdisha waxayna isku magaaceen inay yihiin dawladdii Soomaaliya iyagoon wax tixgalina siinin jabhadihii hubaysnaa ee dalka ka saaray dawladdii Maxamed Siyaad Barre, go’aankaa siyaasadeed ee qaldan waxaa ka carooday shacab weynaha Somaliland taasina waxay Soomaaliya u horseeday burbur baaxad weynleh oo aakhirkii dalkii Amxaaro la wareegtay!!! 

Haddaba maxaa dhacay! Waxaa dhacday in SNM ay isugu yeertay beelaha wada daga dhulkii loo aqoon jiray Somaliland waqtigii isticmaarka, waxaana lagu heshiiyay in dib loola soo noqdo calankii 1960-gii lagu tuuray Xamar waxaana la dhisay dawlad uu madaxweyne ka yahay Cabdiraxmaan Axmed Cali oo labo sano dalka sii maamusha. 

Maxaa dhexmaray Tuur iyo Siilaanyo! Akhristow aan kuu bayaamiyo khilaafkii Cabdiraxmaan Tuur iyo Siilaanyo halkuu salka ku hayay iyo dhibtii ka timid khilaafkaa. Markii la isku raacay in lagu dhawaaqo la soo noqodkii qaranimadii Somaliland ayuu Md Siilaanyo wuxuu doonayay in la qaato nidaamka dawlad leh madaxweyne iyo Prime Minister wuxuuna isla rabay inuu noqdo Wasiirka koowaad laakiin Tuur wuxuu doorbiday in la qaato nidaamka kale ee madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen taasina waxay keentay inay colaad horlihi ka dhex abuuranto labadii mujaahid ee reer Burco. Nasiib-darro colaadii waxay ku sinbiririxatay si aan la mahadin oo qabyaalad qayaxan iyo dhiiqay lugaha la gashay!!! 

Siilaanyo wuxuu adeegsay saraakiishii ay isaga markii hore colka ahaayeen oo shiirka qabyaaladdu dhiigooda ku milmay waxaana ka mid ahaa  Ibraahim dhagaweyne, Muuse Biixi, Axmed Kaahin iyo qaar kaloo suuqmadaw ah. Dagaal ku salaysan qabiil iyo beel beel baa lagu soo qaaday dawladdii Cabdiraxnaan-Tuur wayna shaqayn wayday oo xaalkeedii wuxuu noqday ruqayo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo halkaana waxaa ku baaba’ay golihii dhexe ee jabhaddii SNM waxaana baddalay waxa maanta loo yaqaan golaha Guurtida oo xilligaa door wax ku oola ka soo qaatay dajintii iyo walaalayntii beelihii ay siyaasiyiintu faashashka isugu dhiibtay waana lagu soo caano maalay. Siilaanyow waxaad ahayd ninkii diidanaa inuu golihii dhexe ee SNM u fariisto kal-fadhigiisii caadiga adaa markii dalka la soo galay waxaadna  u ulaleeysay in looga guuro guurtida aad maanta ka qaylinayso ee Xaaji adkayso haddii sidaad doonaysay ay wax kuugu socon waayeen OGOWNA waxa maanta ku dabray waa nabsigii Cabdiraxmaan-Tuur aad ka gashay isagoo ahaa ruuxa ugu daacadsanaa siyaasi ina soo mara.  

Ka dheeho colaadii siyaasadeed ee Tuur iyo Siilaanyo u dhaxaysay doorashadii madaxweynaha Somaliland ee sannadkii 2003-ga. Waxaad la socotaan inuu Cabdiraxmaan isaga tagay Somaliland oo uu ku biiray dawladdii sal-ballaar ee General Caydiid ka sameeyey koofurta Soomaaliya wuxuuna ka noqday madaxweyne ku-xigeen wuxuuna ka noqday jiritaankii Somaliland. Taa wuxuu ku mutaystay in shacabka Somaliland kala noqdo kalsoonidii ay u hayeen C/Tuur oo laga mamnuucay inuu ku soo noqdo dalkii hooyo. Waa iska xaal adduunoo C/Tuur markuu maqlay Axmed Siilaanyaa isku soo sharraxay jagada madaxweynaha Somaliland wuxuu hoos kala heshiiyey Daahir Riyaale si uu codka beesha Habar Yoonis ugu soo xadhayn lahaa gacanta dawladda loona wiiqi lahaa Siilaanyo iyo intii raacsanayd.  

Waxaa la yidhi rag ciil iyo cadaab! Cadaabtuu doortay ee saw Cabdiraxmaan-Tuur ciilkii ku gaamuray kula kufay ina adeerki Axmed Siilaanyo oo codkii reer Hawda ku tuuray meel xun oon u qalmin sababtoo ah godkii Siilaanyo u qoday C/Tuur ninba mar ku dhac oo maanta godkii waxaa ku siisiqaya waa Jaallaheenna Siilaanyo ee armay habboontahay Isaaqow inaad is-daba qabataan intuusan waa xumi idiin baryin oon xalkeenu ku danbayn sidii reer Mbigaati!!! Riix halkan adaa yaabine (shocking video.)….  

Gunaanadkii iyo waxa la gudboon ummadda Somaliland oon wali kala baran siyaasi hadba shaadh nooca soo xidhanaya iyo qabiil casrigiisii dhammaaday. Waxaan idin leeyahay iska hubsada ciddaad xilka dalkiina ku aaminaysaan oo joojiya minjinta qaadkaa oo sumaysan ood  ku iibsanaysaan karaamadiina kuna burburinaysaan doorkii wacnaa ee haldoorka dalkani ka qaadan lahaa hoggaanka dalka. Use malayn mayo in dhago wax maqla iyo damiir damqada aynnu leenahay!!!! Ee Allow sidii roon adaa RAXMAANEE!!!  

Wa Billaahi Tawfiiq 

Qalinkii: Shueib A.Yousuf

Toronto/Canada

gabose55@hotmail.com

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra