Kulankii loo ballansanaa ee Wareegga labaad ee wadahadalada KULMIYE oo dib loo dhigay iyo waanwaan dhinacyo kala duwan ka socota
Hargeysa (Somaliland.org) – Wareeggii 2aad ee wadahadalada xisbiga KULMIYE oo loo ballansanaa maanta oo Salaasa ah inuu ka furmo magaalada Hargeysa ayaa baaqday.
Kulankan oo loo xilsaaray inay xidhiidhiyaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo labadii musharrax ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga ee lagu qabtay Burco, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X. Cali Cadami, waxa la sheegay in loo baajiyey kulan doceedyo iyo wadahadalo dhinacyo kala duwan ka socda oo la isugu soo jiidayo kooxdii labada musharrax hoggaaminayeen iyo hoggaanka xisbiga. Waxaana la sheegay in odayaal iyo waxgarad is xilqaamay oo waanwaan ka dhex wadey labada dhinac, kuwaas oo maalmihii iyo habeenadii u dambeeyey kulamo gaar gaar ah la yeelanayey labada dhinac, isla markaana xoogga saarayey musharraxiintii shirka ka cadhootay iyo ashkhaasta muhiimka ah ee ka midka ah taageerayaashooda.
Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu soo gebagebeeyey hotelka Plaza ee magaalada Burco 26 August, kaas oo gebagebadiisii lagu doortay musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, isla markaana ku guuleysteen Guddoomiyaha Xisbiga Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sababay in laba musharrax oo ka mid ahaa Afar musharrax oo u tartamayey musharraxa Madaxweynekuxigeenka iyo ilaa 50 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe oo taageerayaashooda ahi ay ka maqnaadeen shirka maalintii doorashada Murashaxiinta, kuwaas oo cambaareeyey shirka iyo qaabka doorashada, kuna baaqay in ay qabanayaan shir kale oo Golaha Dhexe ah.
Hase yeeshee, wadahadalo Burco ay ka yeesheen guddiyo ka kala socda kooxda labada musharrax iyo hoggaanka xisbiga ayaa lagu gaadhey heshiis 5 qodob ah oo nuxurkiisu yahay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka, wadahadalkuna sii socdo iyo in la joojiyo dacaayadaha, lana adkeeyo midnimada xisbiga. Waxa kale oo wadahadalkaas la iskula qaatay in kulanka ugu horreeya wareegga labaad ee wadahadalka lagu qabto Hargeysa, Salaasadii Maanta, kaas oo dib loo dhigay.
Lama sheegin wakhtiga dib loogu riixay kulankaas, balse, waxa la xaqiijiyey keliya in odayaasha dhexdhexaadinta wadaa ay dalbadeen in loo baajiyo kulankaas.
Dhinaca kale, xubno door ah oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbig oo wax ka saxeexay mooshin la sheegay in 60 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Dhexe, ayna ku dalbanayaan shir aan caadi ahayn oo la isugu yeedho Golaha Dhexe ee xisbiga ayaa caddeeyey inay ka noqdeen saxeexoodii mooshinka, iyada oo mooshinkaasi uu ahaa mid lagaga soo horjeedo shirkii caadiga ahaa ee golaha Dhexe ku yeeshay magaalada Burco. Waxaana ka soo baxaya dhinaca xisbiga cabashooyin in kooxda labada musharrax ay ka baxeen heshiiskii Burco ee ahaa in la joojiyo dacaayadaha iyo Borobogaadhaha, isla markaana ay sii wadaan dacaayado ku lid ah xisbiga iyo shirkiisii.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday