Dooxa Hargeysa oo qaaday Bas siday ilaa 25 qof oo Rakaab ah

Hargeysa (Somaliland.org) – Dooxa magaalada Hargeysa ayaa caawa fiidkii qaaday Gaadhi Bas ah iyo rakaabkii saarnaa oo tiradooda lagu qiyaasay 25 qof, waxaana socda hawlgal lagu samatabixinayo dadkii saarnaa Baska oo uu qaaday daadku.

Gaadhiga Baska ah oo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Hargeysa waxa uu ku sii jeedey xaafadda Biibsiga ee Koonfurta magaalada Hargeysa, waxana uu ka tallaabayey dooxa kala qaybiya magaalada, halkaas oo uu si lama filaan ah ugula kulmay daad xawli ku soconaya oo ka yimi roob galabta makhribkii ka da’ay deegaamada Galbeedka iyo Koonfurta Hargeysa.

Gaadhiga ayaa la sheegay in daadku uu ridey, isla markaana la maqlay qaylada qaar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa oo daadku qaaday. Waxaana la sheegay inay u soo gurmadeen ciidanka Booliska oo ka yimi taliska Guud ee Booliska oo ku yaalla dooxa dhinaciisa Koonfureed, kuna beegan wadada dooxa dhexmarta ee ay baabuurtu ka tallawdo intii ka dambeysey markii uu daad ka yimi roobab laxaad lihi ay burburiyeen biriijkii labaad ee Caasimadda Hargeysa, May 2005, kaas oo hadda dhismihiisu socdo.

Dhawr iyo Toban qof oo ay ku jiraan darawalkii baska iyo wiil Geerashboy u ahaa ayaa la badbaadiyey. Waxaana la sheegay in ilaa 7 qof oo kale ay maqan yihiin, kuwaas oo la raadinayo raq iyo ruux.

Wararku ilaa iyo hadda ma sheegin cid ku dhimatay shilkaas.

Xukuumadda Riyaale ayaa muddo 4 sannadood ku dhow ku guuldarraysatay inay dhisto Biriijkaas oo halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada. Waxana uu hadda ku socdaa qaadhaan ay dadweynuhu iska ururiyeen.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 

 

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra