OPINION

Dareenkii Shirwaynihii Kulmiye - By: Yousuf Godir

Maalintii labaad ee shirka oo la dooranayey musharaxa madaxwayne ku xigeenka ayaa xubno badan oo golaha dhexe ka mid ahi ka dareertay shirka oo ka socday, City Plaza Hotel oo ku yaal bariga magaaladda Burco, markiiba waxay shir deg-deg ah ku qabsadeen Hoteel Barwaaqo oo ka qotoma magaaladda badhtameheeda.

 

Su’aalaha layska waydiin karo waxaa ka mid ah: Ma hanaankii xisbiga kulmiye ayaa meel lagaga dhacay, oo cid baa difaacaysay? Mise hanaanka xisbiyadda badan ee dimuqraadiga ayeynaan u bislaan?

 

Sida xaqiiqaddu tahay jawaabta sugani waa ta labaad? Markii shirku bilaabmay waxaa soo baxay in gudoomiyaha xisbiga, Ahmed Siilaanyo qabtay shir docaysan oo uu ugu ololaynayey musharaxa uu watay? Sidaa soo kale Abdi raxman Aw-Cali Faarax isaguna oo musharax madaxwayne ku xigeen ahaa  ayaa fagaare isla soo taagay in aan reer Hebel marka hore daadka moosin, marka danbena … isagoo u jeeday ergooyin dhinaca bariga Burco ka socday oo dhexdhexaadin u socday.

 

Aragtida ka qayb galayaasha shirku waxay si mug leh ugu kala qaybsantay habka uu u dhacayo codku, hal dheeri (simple majority) ama cod cudoon (two third). Iyadoo faalooyinka la raaciyey in musharaxyadda oo uu mid watay gudoomiyuhu, ay is raacisay in A/raxmaan iyo Cadami is bahaystaan wareega labaad hadba kii soo baxa.

 

Saddexda arimoodba waxay taageero buuxda siinayaan jawaabta su’aasha labaad. Ugu horayn shirka docaysan iyo eedii oo reer loo xanbaariyeyba waxay muujinaysaa in dhibaatada xisbiga Kulmiye soo gaadhay oo kale loo yaqaan –labayn ama (duality), halkan macneheedu wuxuu noqonayaa is dhex gelinta xisbi hanaan dimoqraadiyadeed lagu wado in uu ku hawl galo iyo hanaan kale oo qabiil ah. In aanu jirin hanaan xisbi oo meel lagaga dhacay waxaa markhaati ka ah dooda mucaaradka shirkaa oo ahayd in gudoomiyuhu ka ololeeyey A/rahman halkii la odhon lahaa gudoomiyuhu wuxuu meel kaga dhacay hanaankii xisbiga.

 

Run ahaantii meesha waxa yaalay qof, laakiin mid xisbiyeed tolmadeedu way yarayd haddii ay jirtayba. Xisbigu wuxuu jiray muddo aan ka yarayn totoba sano waxaa isugu yimi rag aqoon leh, oo weliba shaqo buuxda ka hayey (full time job). Waxaa nasiib darro ah in maanta lagu murmo sida lagu codaynayo! Malaha waxaan kuula muuqdaa nin ka dhacsan xaqiiqadda taal Somaliland, ma khaldanid waayo xisbiyadeena nin hunguri siyaasadeed ku jiro ayaa samaysta, dadka madaxda ah ee ku soo biiraana waxay ku gor-gortamaan maxaa lay ogol yahay halkii ay ka odhon lahaayeen xisbiga maxaa u qoran.

 

Su’aashu waxa weeye xisbiyadeena wax ma u qoran yihiin haddii ay haa tahay ma lagu socdaa? Haddii aanay taasi jirin xisbiyo ma noqon karaan? Xisbi waa urur (organization) sidaa wuxuu ku yahay in waxa u qoran lagu socdo, haddaanay jirin kama duwana berigii aadamigu kooxaha u ugaadhsan jiray. Bal eeg garniqii Faysal Cali Waraabe, wuxuu ku tiraabay in nin xisbi dhawaan soo galay iyo nin in badan ku jiray aanay u sinayn is sharaxaadda! Haddaa maxaa la akhriyi jiray Faysalow, “ in –in –in ninka xisbiga ka tirsani wax dooran karo isna lana dooran karo.” Malaha dhanxiir baa ina khalday.

 

Xili shir uga socday kooxda cadhootay hudheelka Barwaaqo ayaan ku dhaafay dad badan oo hor tuban, dhalin yaro badanina ku jirtay, waxaa lay sheegay in mar danbe dhalin yaradaasi ku soo ururtay Dhegawayne iyo A/raxman oo hudheelka ka soo baxay iyagoo ku salaamaya waa mujaahidiintii isla markaana maslaxaya si ay shirka ugu noqdaan, mid dhalin yaradaa ka mid ah ayaa meel taagan la fuulay hadal uu doonayey in cid waliba maqasho wuxuu yidhi, sida la sheegay, “ anigu waxaan mujaahid u aqaan Cadami shalay ururka xabaal buu ku riday, maantana wuxuu leeyahay maxkamad baan saarayaa.” Dareenkaasi wuxuu ka soo baxay inan aqooni ku dheehan tahay, waxaanu muujinayaa sida xisbiyadeenu u abqaalmeen!

 

Aan reer Kulmiye u noqdee mudanayaal ma aha markii ugu horaysay ee xisbiga xubnihiisa madaxdoonka ahi cawdaan, meeyey Cusmaan Hindi, waxaabaan maalin akhriyey aan filayo in ay ahayd Ramadaantii kal hore bilowgeedii isagoo ku doodaya in xisbigii qabiil lagu celiyey; meeyey Ahmed Ciise sowtii cawda loo jaray, isaguba shirkii Ambaasadoor hanaankiisii oo aan kan ka duwanayn ayuu ka cabanayey.

 

Waxyaabaha shirku debedda soo dhigay waxa ka mid ah in labada mudane ee Gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo A/raxmaan aanay isku sanbanaanayn mudo dheer. Markaa ma suuro galbaa in laba nin oo aan xidhiidh wanaagsan lahayni isu noqdaan madaxwayne iyo ku xigeen! Ma suuro gal baa in laba nin oo soo wada shaqeeyey (SNM), ku guul daraystay in maxkaxdoodu isla falgasho ay lugooyo sii kala korodhsadaan!

 

Halka Sartu ka qudhuntay ma aha shirkii Burco. Waxa loo baahnaa in madaxdu heshiiso ka hor intaan damaca siyaasadeed iman. Haddii aan taa la yeelayn, waxa yaal tixdii ku jirtay gabay uu tiriyey Faarax Laanjeer, “rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaac.” Cadaaladdu marka xisbi laga hadlayo waa waxa qoran ee lagu kala baxo. Haddii hanaan xisbi jiri lahaa marka horeba waxaa loo tar-tami lahaa jagadda madaxwaynaha oo intii is ogoliba way is raaci lahayd. Musharax madaxwaynaba wuxuu dooran lahaa ku xigeenkiisa fekerkoodu is qaban karo codna heli kara.

 

Hadaan Faysal iyo Siilaanyoba sheegay tolow Rayaalena, isaga dawladdiisii baynu aragnay oo shirkii wuxuu ku ilaabay dilaaliintii ay adhiga isku haysteen!

 

Hadal iyo dhamaan xisbi iyo qabiil hala kala doorto; waxna hala kala qorto.

 

 

 

Yuusuf Goodir M.

                                                                             Burco


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra