Taariikhdu way soo noqnoqotaa, nabsiguna wuu gaatamaa-(Sahan shalay, maantana Kulmiye).

Qofka siyaasiga ah oo doonaya inuu ku guuleyto dorashooyinka, ama doonayaba inuu meel dheer ka gaadho siyaasadda waddanka wuxuu u baahanyahay inuu fahmo hadba xaalka siyaasadeed meesha uu marayo. Waxaana muhiim ah inuu darso taariikhdii hore iyo sida guusha lagu gaadho, ama lagu seego. Waxaa noo muuqata in xisbiga Kulmiye siyaasiyiinta hogaanka u haya ay innaba ha yaraate diyaar u ahayn inay darsaan dariiqii iyo taariikhdii dhaweyd oo keentay in Dahir Rayale kaga guuleystay doorashoonkii madaxtooyada ee nasoo dhaafay.

Khilaafka soo kala dhex-galay madaxda Xisbiga Kulmiye oo u sii siqaya inay u kala jabaan labo garab oo mid waliba sheeganayo inuu yahay hogaanka sharciga ah iyo jileyaasha dibeda ka hurinaya iyo cidhibta dambe ee arrinkan, waxuu na soo hordhigay taarikh-nololeedkii Ururkii Sahan iyo dariiqii ay mareen

 Sanadkii 2002 bilowgiisii ayaa rag door ah oo u badnaa labeenta aqoon-yahanada S/land (dhakhaatir, injineero, garyaqaano, iwm) ayaa waxay aasaaseen ururkii ugu horeeyey ee dalka lagaga dhawaaqo (S/land Islamic Party) oo Dr. Gabose Gudoomiye ka ahaa. 
Wuxuu Ururku si fudud ugu baahay dhamaan gobolada dalka, wuxuuna hantay quluubta dadweynaha maadaama uu iftiiminayay boogta iyo xalka.  Yididiilahaasi wuxuu u soo jiiday ururka inay ku soo qulqulaan dad badan oo doonayay inay ku soo  biiraan.

Si loo ballaariyo madasha Ururka, shirar ka dib wuxuu u dhalan-rogtay Ururkii Sahan. Waxay mas’uuliyiintii ururku isku raaceen in mudo aan ka badnayn seddex bilood la qabto shirweynihii, si rasmi ahna loogu doorto hogaanka ururka.  Waxa ku soo biiray ururkan xubno faro badan oo can ahaa, oo Cigaal ay is qabteen, shaqadiina uu ka eryay, sida Cli Warancade, Muse Biixi, Ismaaciil-yare, Abiib-timacade, Ina Skeerso, iwm.

Waxa xusid mudan inaan waqtigaas dalka aanay ka jirin ururadii Udub, Ucid, Kulmiye, Asad iyo Hormood toona.  Wuxuu ururku ku ahaa keligiis saaxada isbedelka, waxaanu inta u hirgeleyo shirweynaha sii dooranay in Prof. Maxamed Cumar Jiir si ku meel gaar ah u sii wado hawla maamul ee ururka.

Cigaal waxa galay werwer kolkuu arkay quwada ururka iyo raga miisaanka leh ee isku aruursaday, balse dadka qaar baa u bixiyay “cadho aruurtay” oo ay ula jeedeen rag Cigaal ay is-qabteen balse aan wada shaqayn karin.

Mudo ka dib waxa abuurmay Ururada Kulmiye iyo Udub, iwm., Cigalna wuu geeriyooday. Waxa saaxada soo galay Rayale iyo Silanyo, labaduba waxay u gacan haadiyee xubnihii ay isku ficnaayeen ee Sahan ku jirey.

Waxa ka dhex abuurmay gudaha Sahan khilaaf salka ku hayay in aanu qabsoomin shirweynihii Sahan, maadaama ay raga la soo taabtay u arkayeen in aaney ku guuleysaneyn jagooyiinkii ay doonayeen.

Waxuu Rayaale adeegsaday Cali Waran-cade, Ismaacil-yare iyo Abiib timo cade oo loo balan-qaaday xubno wasiiro, hadii ay ku guulaystaan burburinta Sahan. Waxa Rayale laga dhaadhiciyay in  HY, hadii ay waayaan musharaxooda aanay codka siindoonin Silanyo iyo Calancas ee isagu uga dhawyaha.

Wuxuu Silanyana adeegsaday Muse Biixi, Ina Skeerso, iwm,oo ayakana loo balanqaaday mustaqbalka xilal hadii Kulmiye adkaado, ayna soo burburiyaan Sahan. Waxa Silanyo ku kalsoonaa in hadii musharax HY aanu jirin in codka Isaaq meel wada maridoono oo ah isaga. Sidaana wuxuu ururkii Sahan u kala jabay labo garab oo midkood doonayay in laga guuro Sahan oo loo dhigo rogto Kulmiye iyo Udub, Garabka kalena doonayo inuu ururku sii jiro oo ay qaataan cidii ku soo hartaa.

Waxa ururkii Sahan ku dhacay dagaal labo geesood ah oo culus, waxay xubnihii Sahan gudahooda isla gaareen gacan ka hadal. Waxay isu bedeleyn waraabayaal meel lagu wada xidhay oo aan isu tudhayn, dadweynihiina waxay isu bedeleen daawadayaal suga bal wuxuu ku dambeeyo Ururku.

Waxa is-muquunin faraha lagaga gubtay ka dib, soo shaac-baxday inuu garabkii  taageersanaa Dr. Gabose yeeshay gacanta sare ee hanashada ururka. Balse subaxdii dambe la keenay waraaq  (Muse Biixi iyo Cali Waran-cade) oo uu u soo fududeeyay Rayaale oo ka timid Gudoomiyahii Maxkamada Sare, Mr. Saciid-gacanlow ee odhanaysa:-

“Kala jabka ku yimid ururka Sahan iyo khilaafkooda sii xoogaysanayaa wuxuu halis ku yahay nabadda iyo xasiloonida, sidaa awgeedna waxa la hakiyay hawlihii Urur Siyaasadeedka Sahan ilaa inta ay maxkamada horteeda ku kala baxaan ee go’aan laga gaadhoyo”.

Halkaana waxa lagu burburiyay Sahan, xubnihii la soo taabtayna waxay ku kala biireen Udub iyo Kulmiye.  Xubnihii Sahan ku soo hadhay waxay qabsadeen shir looga dan lahaa in la sii wado hawlihii ururka, Dr. Gaboosena  gudoomiye u noqday, balse Komishankii iyo Maxkamadiiba diideen inay aqoonsadaan ama shirweyanaas inuu sharci ku qabsoomay. Sahan waxay noqdeen garab  mintid hadhiwaayay, wuxuu dagaalkaasi ku dhamaaday in la curyaamiyo ololihii.

Wuxuu arinku sidaa u jiitamaba waxay komishankii iyo maxkamadiiba  aqoonsadeen in Ururku sharci yahay, kana qaybqaadan karo ololaha doorashooyinka ayadoo ay ka harsantahay labo usbuuc oo keliya waqtigii loo dareeri lahaa santuukha codbixiyeyaasha, bacdamaa ay ku kalsoonaayeen in aanu joogno waqti    “Ciyow gabal ka dhacay”.

Tartankii iyo dadaalkii Sahan wuxuu noqday mucjiso inay keenssn tiro lama filaan ah oo aan ku soo baxaan Xisbiga sedexaad, balse markaana si cad oo hada Xubno ka mid ah komishankii Hore, waqti ay cadhaysnaayeen, cadeeyeen in si kas ah loo reebay Ururkii Sahan.

Maanta iyo xaaladda Kulmiye

Waxa la yidhi “labadii xaq-darro ku heshiiyaa xaqay ku coloobaan”.
Waxay xukuumaddu ku hawlantahay sidii Kulmiye looga dhigi lahaa labo garab oo is-barbar yaaca oo mid waliba yeesho musharaxiintiisa madaxtooyo oo isku qabqabsaday Komishanka hortiisa, isku dacaayadeeya warbaahinta, kuna dhamaato arinkoodu inay maxkamad isla galaan, taasoo ku noqota caqab lagu carqaladeeyo hawlihii kambayn ee Silanyo, murankaas oo jiitama ilaa iyo inta waqtigu cidhiidhi ku noqdo, hadii la doonaba hadhow ha loo xukumo Silanyo aakhirke, isagoo ah “ciyow waagii ku baryay”.
Waxaan filayaa in hantida lagu burburinayo Kulmiye inteeda badan uu bixindoono Rayale.

Sawirka noocaas ah ayaa soo iftiimaya, khilaafka Kulmiye dhexdiisa ahina wuu qotodheer yahay, ayaan darradu waxa weeye, cadawga ugu weyn ee Kulmiye maanta ma aha Rayale ee waa Kulmiye dhexdiisa.

Caqliga suuban wuxuu keena wanaag iyo dariiq wanaagsan, Kulmiye madaxdiisu waxay u baahan yihiin iney ka laabtaan wadiiqadaan qalloocan oo ay qaateen, haddii kale waxay ku dambeyn doonaan meel ka duwan meeshey filayeen.

East Africa Policy Institute

www.eastafricapi.com


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra