OPINION

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

waxaanu ku soo sheegnay qaybihii hore ee lafa-gurka shirweynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye  habka shirku u dhacay hadaba ..anigoo Diirada Saaraya aragti ahaan qaladaadkii ay galeen labada dhinaca ayaa ahaa sidan,

Qaladaadka Shirgudoonka iyo sida u Haboonan Lahayd in arrinka shirka ka yeelaan.

 

1-waxa marka hore si qaldan loo xulay oo aan u arkayey in ay ka baxsan tahay nidaamka Dimuqiraadiga ah habka Short list-ka loo sameeyay taas oo aad arki karayso in hogaanka sare aanay shaacin cida isku sharaxaysa jagooyinka gudoomiye,ku xigeen ama Xoghaye laakiin ay iyagu  iskood xuleen, aniga waxa ay ila tahay in ay u bandhigaan golaha dhex xubnaha is sharaxaya oo ayna u yeedhin sadexda qof ee ay short list-ka ku soo saareen si meesha ay uga baxdo mugdi ku yimaad hogaaminta  shirka ama loo odhan cid ayuu u afduuban yahay oo shirgudoonku keenay wada tashiga iyo cadayntu waa principal-ka Dimuqiraadiyada, sidaa awgeed waxa u fiicnaan lahaa Hogaanka xisbiga in musharaxiinta araajida Dhiibtay inta la soo xulo iyagoo dhowra waa in golaha la hor-keeno, tusaale ahaan shirkii golaha dhexe ee Kulmiye  23-25 August 2008  dhacay,waxa la soo xulay Sadex qof oo kaliya oo aan tartan coded lala-galin oo duuduub lagu qaatay kuwaas oo  kala ah Gudoomiye , Gudoomiye ku xigeen, Xoghaye ,sidaas ayaa lagu ansixiyay manayna jirin cid kale oo la tartantay,..

waa laga yaabaa in hogaanku ka fikiray meelo-badan sida hababka qabiliga ah ee Somaliland wax ku qaybsato laakiin iyadoo nidaamyadda la dibaaqayo hadana waa in transparent ay noqotaa Doorashadda shirgudoonku,

 

2-Shir-gudoonku waxa uu ku gafay oo qalad uu ka galay awoodoodii  xeer hoosaadku siiyay ,Tusaale kolkii ay ku dhawaaqeen in shirku xidhan yahay oo la shah tago 15 daqiiqo gudahood, waxa buriyay go’aanka Ergooyinka qaar oo miiska Garaacay  oo lahaa ha la dhameeyo doorashada Musharax  Madaxweyne iyo ku xigeen , laakiin waxaan  u arkaayey anigu in ay qaldanayeen Shirgudoonku  kolkii ay maqleen ergooyinka waxaana u haboonayd in ay ku socodaan Go’aanka ay shirka ku hakiyeen.si loo helo waanwaan haddii la waayo xubnaha kale ee Duday shirku waa sii scon lahaa sida ay ila tahay aniga ,.waa run in habeenimadkii 24 august jilbaha la is dhigay si loo ogolaado in shirku furmo 25 august 2008 oo doorashadda lagalo  iyadoo aan la hakin hadana pricipal-ka dimuqiraadioyada  ayaa ah in wada tashiga la badiyo si loo helo Doorasho si cad u shacda oo xalaala,

 

 

3-Shirgudoonku waa ku waa ka soo baxeen waajibkoodii  ay shirka u gudoominayeen  mana haboonayn in ay dhaleecayaan waxa ay abuureen ama ay masuulka ka ahaayeen sidaan ka akhristay Joornalada ama idaacada aan ka dhageystay xubno shirgudoonka ka mida oo eedaynaya shirkay gudoominayeen ,waayo haddii wax qaldan yahiin sameecada ayey haysteen way cadayn kari lahaayeen awoodna waa ay u lahaayeen in ay joojiyaan shirka ama ay ka baxaan waana sifo sharci darro ah oo ka baxsan masuuliyadda qaran ee laguu dhiibay inaad u aragto in lagu handiday,

4- waxaan ku talin lahaa in shir-gudoon kolka la abuuray xisbi waa in marka hore la shaaciyaa ka dibna xubnaha soo doonta intaan la kala saarin qaar-kood la siiyaa Seminar  ku saabsan gudoominta shirka ka dibna loo bandhigaa golaha dhexe in ay kala doortaan  xubnaha noocan ah, waxa kale oo ku haboonan lahaa shir-gudoonka in ay hubiyaan cards-ka Ergooyinka oo ay isku eegaan qofka  iyo sawirkiisa kana eegaan liiska dhabta ah ee ay hayaan,

kolka la codaynayan  ay  cards-ka ka soo ururiyaan Ergooyinka marka ay gacanta taagaan kuwa diidan iyo kuwa ogolba ,si loo xaqiijo cododka la dhiibtay ,laakiin may dhicin taasi waana qalad ay galeen maamulka shirgudoonku in ay gacanta cida taagta uun in ay tiriyaan iyagoon hubsan cards-ka Ergooyinka,

 

Sida aynu la socono Technologyadda Casrigani waa mid daqiiqado ku abuuraysa cards la nooca kuwa aad sidato sidaa awgeed xaqiiji liiska magaca aad hayso iyo card-ka ergayga.

 Qaladka Kooxda Hogaanka Xisbiga haysa iyo Ergooyinka la socoday,

 

1-Kooxda ay hogaaminayaan  Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo inta badan Xubnaha Ergooyinka ahi waa ku saxsanayeen in ay Fadhiistaan  Madasha  si ay u fuliyaan shaqada ay u yimaadeen Burco ..xubnahaasi iyo hogaankuba waa ku saxsanayeen in ay fadhiistaan Madasha oo uu shirku u qabsoomo ama u buuxsamo kooramku ama ha dhinaadee, wayna ku Saxsanayeen  Shirgudoonku in uu shaqdiisa Qabsado oo uu ka soo xaadiro madasha, tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyada ayaa ah No one person or group should exercise a monopoly of power over the election process.

Laakiin nasteexo ahaan Xubnahaasi waxa ku fiicnaan lahayd in ay waqti yar siiyaan xubnaha kale ee Cadhooday si ay u ilaaliyaan Midnimada Xisbigooga waana tiirka dimuqiraadiyadda  wada tashigu, waxa Kale oo ku haboonaa in ay taageeran fikirka shirgudoonka oo xeer hoosadku siinayey in ay xidhi karaan  shirka taasina waxa ay ahayd qalad ay sameyeen kolkii ay horjoogsadeen go’aanka Shirgudoonku ku dalbay in 15 minute la shah tago isagoo Shir-gudoonku ogaa in xubno badani ladqabo ku maqan yahiin qaar badana kolkii codayntu dhacday waxa ay igu  yidhaahdeen waxaan moodaynay in shirka lagu qabanayo cigaal Hotel oo ah galbeedka magaaladda burco, kolkaa waxaa halkaa ka muuqatay in Ergooyinku Cadho meesha ku Soo galeen oo ay jiidhsiinayeen wax walba, cidnana  ayna u joojinayn sidaasina waa ta sababtaya in xisbiga ay ku bilaabanto Mucaaridad dhexdiisa ahi,

 

Waxa kale oo qumanayd in hogaanka xisbigu uu ladaqabada ka qayb-qaato oo aanu iska fadhiyin taasina waa qaladka ay hogaanka xisbigu sameyeen, sida ay dimuqraadiyadu tahay waa waajib in uu qofku fikirkiisa wax ku diido waana xoriyad qawlka ergayigu leeyahay in uu ka cadhoodo arrin laakiin waa in la qanciyaa , tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyada ayaa ah sidan, Political Parties  must be accountable to the people who elected it into power, waa  arrin dimuqiraadiya in hogaanku daacad u noqodo Dadka doortay ,

 

Waxa fiicnaan lahayd in 15 daqiiqo la joojiyo shirka si loo abuuro wada hadal ama maalinba si ergooyinka loo qanciyo taasna waa principal ka Democrati-yada  in la wada hadlo si loo saxo qaladka , haddii ay suurta gali waydana sida uu farayo dastuurka xisbiga iyo xeer hoosaadka Golaha Dhexe  waa in Lagu Dhaqmo,

Laakiin sifo Dimuqiraadiya may ahayn in koox walib ku socoto hadafkeeda ama rabitaankeeda si ay u khalkhal-galiso kooxda kale , waxaana taa lagag baxayaa sharciga u yaal xisbiga,

Waa Arrin wanaagsan in xisbi qabsado Shirkiisa Golaha dhex ,waana dhici kartaa sida afrika lagu yaqaan in dimuqiraadiyada la baal maro laakiin waxa muhiima in ugu yaraan waxuun dhacaan si loo gaadho dimuqraadiyada aynu  hiigsanayno in dalku ka bilaabmo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kooxda Ka Cadhootay Shirka Qaladaadkii ay Sameyeen iyo waxa ku Haboonaa

 Kooxda Cabdirahman Aw  Cali  iyo Cadami waxa ku haboonaa in ay fadhiistaan Shirka oo ay halkaa ka sheegaan waxa ay doonayaan kana   dhaadhicyaan kooxda kale in shirka dib loo dhigo muddo yar taasna waa heli kari lahaayeen, waxaana u aaneeyay qaladkaa hogaanka kooxdaasi

Haddii uu qorshe u dajisan Yahay,sababo badan ayey shirka ku hakin lahaayeen,…waayo kooxda shirka fadhiday ama madasha ka soo xaadirtay   iskumay raacsanayn Qodobo badan  oo xeer hoosadka golaha dhexe iyo dastuurkaba ha Sida ta  Gudoomiye ku xigeenka Xisbigu in uu automatic u Noqodo  Gudoomiyaha Xisbiga marka lagu dhawaaqo Natiijada Madaxtooyadda. Waxayna taas kaga faa’iidaysan lahaayeen in saacado badan uu socodo Muranku waxa kale oo meesha la keeni lahaa xeer hoosadka oo qodobka Absolutely  Majority iyo simply majority uu waqti qaadan lahaa inta laga doodayo  waxayna dib ugu dhigi lahaayeen qodobo badan oo ku jira Dastuurka xisbiga Sida ka golaha fulinta tiradiisa, oo 25 ahayd oo la gaadhsiin lahaa 65 …waa heli kari lahayeen haddii ay fikir ku daraan baajint  shirka maalin   si Ololaha ay ugu jiraan in ay xubno helaan ay u sii wadaan waxaana dhici kari lahayd in ay guulaystaan arrimo badan,

 

Laakiin waxa qalad ahaa in ay qaataan go’aanka ay shirka kaga baxeen taasina waxa ay ahayd mid lagaga adkaaday marka aad eegto sharciga  u yaala Xisbiga ee Dastuurka iyo xeer hoosadkaba ,Maadama Aqlabiyadda Golaha Dhexe buuxisay Kooramkii waajibna ku noqotay shir-gudoonka in uu Doorashada qabto maadama Kooramku buuxo,

 

Waxaan arkay ilaa 10 xubnood oo iyagu soo laabtay oo ka mid ahaa kuwa cadhooday laakiin sharciyan gartay in ay muujiyaan waxa ay doonayaan ama diidayaan, sidaa awgeed qaladka ugu weyn ee kooxda cabdirahman iyo cadami halkaas weeye , waa laga yaabaa in ay aragti kala qabaan laakiin waa sida ay aniga ila tahay,wayna jiri kartaa in ay farsamo kale ahayd ka bixista shirku markii ay arkeen arrimo badan.

Waxa u haboon Xisbiyada in ay ku dadaalaan kolka ay qabanayaan Shirar noocan ah in ay qorsho balaadhan u dajiyaan si aanu ugu keenin xisbiga fowdo ,waa jirtaa in xubno badani u arki doonan habab ay kaga faa’iidaystaan qaladaad ka dhaca shirka iyagoo dano gaara wata laakiin ku dadaal in aad qanciso dadweynaha aad codka ka rabto  , tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyada ayaa ah ,The qualities of leadership for sustainable democracy are found in those who act in an honest, transparent, and accountable manner. They are consensus-builders, open-minded and fair. They are committed to justice, to advancing the public interest, and they are tolerant of opposing positions.

 

(Dhamaad)


Waxa qorey Abdiaziz A Musa

E-mail abdiaziz2@gmail.com

 



Abdiaziz A Musa
Mobile 0025224419063
Tell:-002522525819
Hargeisa

 

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra