“Dawladani waxay ku soo baxday S/Land qolo qudhi yay haysanin iyo ku xumee oo Cidbaa Lagu Xumaynayay” Faysal Cali Waraabe
“Dawladani waxay ku soo baxday S/Land qolo qudhi yay haysanin iyo ku xumee.”
“Somaliland-tii aynu ku riyoonay ee u soo halganay illaa maanta ma joogno”
“Waa in Caruurta yaryar ee 15-jir iyaga oo ah isku maararoobaysa ee ilmaha kala dhalaysa aanu joojino oo ay dhalinyartu..” Gudoomiyaha UCID
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dalka Somaliland marayo marxaladii ugu xumayd ee dhaqaala-darro taariikhda, isla markaana waxa uu ku tilmaamay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale mid sare iyo mid hoose-ba in ay ku sifowday tamar-daro,iyo musuq-maasuq.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlayay Xaflad soo dhawyn ahayd oo Xisbigu u sameeyay Haween tira badan oo ku biiray UCID oo shalay lagu qabtay Huteel Dalxiis ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay in dawlada Jabuuti ama Somaliland haka sii jeedo ama ha ku soo jeedo’e ay jecelyihiin in ay la jeclaato Somaliland in ay Ictiraaf hesho. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayay halgankii dalka loo soo galay waxa uu tilmaamay in ujeedooyinka laga lahaa ay ahaayeen laba arrimood oo mid lagu guulaystay midna aan illaa hadda lagu guulaysan. “Walaalayaal looma kala hadhin halgankii dalka loo soo maray oo halgan xaq ah ayuu ahaa halgankii SNM. Laba ujeedo ayaa halgankaa laga lahaa midi waxay ahayd inaynu dalkeena difaacno oo aynu qarannimadeenii soo ceshano taana illaahay wuu ina waafajiyay oo 18-kii May 1991-kii waxaynu gaadhnay go’aankii xaqa ahaa ee aynu qaranimadeena kula soo noqonay, ta labaad waxay ahayd inaynu dhisno dawlad cadaalad leh oo Somaliland oo isku mid ah, Somaliland oo Xaafad ah, Somaliland oo Xaas ah ayaynu damacnay in aynu dhisno, waana ta inaga maqan. Somaliland-tii aynu ku riyoonay ee aynu carruurteena u baabi’inay ee aynu halganka u galay illaa maanta ma joogno.” Ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in doorashooyinkii dalka ka dhacay ay guud ahaanba u dhaceen si nabadgalyo ah, oo dimuquraadiyada waafaqsan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dawladihii hoose ee aynu dooranay way inaga si-qiireen. Madaxweyne iyo Ku-xigeen ayaynu dooranay iyagana waad ogtihiin maanta in dawladoodii caan ku noqotay tamardaro, musuq-maasuq, boob ay dadka xoolahooda boobto ayay ku sifowday dawlada maanta joogtaa, waata markii Aduunyada Xoolihii qaali-garoobeen, shiidaalkii qaali-garoobay ee wax kastaa qaali garoobay halkay caqli ka keeni lahayd waataa masuuliyiinteedi yidhaahdeen waar xagaynu lacag ka doonaa ee ay yidhaahdeen shirkadihii way taajireene ma maqasheen ninka layidhaahdo Dahabshiil Gurigiisu waa hal milyan, ee ku kale (masuul dawlada ka tirsan) yidhi waar dhagayso anaa og oo anaga ayaa isku reer ah Dahabshiil oo waa saddex Malyan oo Doollar gurigiisu ee ka soo qaada lacagta, oo Telesom ma argteen ka ay dhisatay. Isla markaana waxay ku dhaqaaqeen in ay dadkii boobaan oo waxa ay yidhaahdeen masruufka loo soo diro dadka bilaa camalka ah wax nooga jara, waxay u soo dhigteen intii yarayd ee ay dadku xawaaladaha ka qaadanayeen in ay %20 qaataan. Markaa taasi ma wax caqliga gala-baa idinkaan idiin dhiibee? Odaygii adhiga ku raacanayay hawd neefkiisii ayay ka qaadeen oo ay yidhaahdeen anaga ayaa dirayna ee diri maysid adigu oo neefkiiba Afar Doolar ayaanu dulsaaranaynaa, markaa boob ayay u soo dhaqaaqeen.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu ku dooday in Somaliland tahay dalka kaliya ee ay ku noolyihiin %90 dad aan shaqaynin, isla markaana Somaliland mooyee aanay caalamka ka jirin dad cashuur laga qaado, oo lacagta biyaha, ta laydhka, ta caafimaadka, iyo waxbarashada laga qaado dawladoodii ay doorteena aanay shaqo u abuurin, hooyooyinka hilibka iyo qudaarta iibinayaana aanay haysan hadh ay galaan ee ay bacadka joogaan iyada oo cashuur laga qaado.. “Dawladan maanta joogtaa waxa ay ku soo baxday laba arrimood oo midi ahayd Somaliland qolo qudhi yay haysanin ee maalinba qolo ha haysato maamulka, iyo ta labaad oo ahayd ku xumee oo dad ayaa lagu xumaynayay ee horta caqli kale kumay soo bixin.” Ayuu yidhi Faysal waxaanu intaa ku daray oo uu u soo jeediyay dadka reer Somaliland in ay diiwaan-gelinta galaan, taasina ay daawo u tahay in la garto dadka reer Somaliland u dhashay. “Waxaad maqashaan dad reer Somaliland ah ayaa la soo tarxiilay. Waxaanu rabnaa in aynu halkan (Somaliland) dadka ka tarxiilo oo shaqada qofka muwaadinka ah la siiyo oo waashmaanka iyo intanta jaariyada ah dadkeena la siiyo.” “Maanta aqoondaro ayaa ina haysata, dalkeena Kontomeeyo Wasiir ayaa jira Wasiir shaqadiisa garanayaana wuu yar yahay, Wasiir walibana kursi ayuu meel dhigtay oo saddex saacadood ayuu shaqeeyaa saddexda saacadoodna wuu qaadiraysan yahay, anagu qaar aan qaadiraysnayn ayaanu idiin keenaynaa hadaanu talada dalka qabano.” ayuu yidhi oo uu hadalkiisa sii raaciyay Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID waxa uu hoosta ka xariiqay marxlada dhaqaale ii xiligan dalku marayo oo uu sheegay in ay qoysas badan gayisiisay in ay la daris noqdaan nolol adag, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Maanta waxaynu maraynaa oo aynu bilawnay in ay carruurteenu Gudaafada wax ka gurtaan, waana markii ugu horeysay ee taariikhda Somaliland ay qoysas dhami gudaafadaha Xashiishka wax ay cunaan ka gurtaan baahida jirta darteed. Guryahana %70 dad waalan ayaa ku jira inaanu Cusbitaalo gayno ayaanu doonaynaa, waanaynu ladanahay waxa ina soo maray hadaynaan wada waalan. Kuwa Magaaladda socda ee aad welli-yada moodaysaana welli maaha ee way waalan yihiin iyagana inaanu qaqabano ayaanu doonaynaa.” Md. Faysal waxa uu hambalyeeyay Ciidamada qalabka sida ee Somaliland, Booliska, iyo nabadgalyada waddooyinka oo uu sheegay in iyaga oo aan qaadan mushahar ku filan, isla markaana lahayn kala sarayn iyo wax darajo ah toona ay daacad u yihiin dalkooda iyo dadkooda. “Ciidamadu waan hambalyaynayaa, waayo way dedaalayaan iyaga oo aan Dirayska lahayn oo maalinba dirays xidha sidii jabhadiihii oo maalinba Islaan baa ugu deeqda oo la yidhaahdaa heblaayo ayaa u soo iibisay,”
Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayay Koonfurta Soomaaliya iyo dawlada Jabuuti waxa uu yidhi, “Inaga ayay inoo wanaagsan tahay in aynu dawlad wanaagsan oo jeerkeeda wanaag iyo nabadgalyo kula noolaata samaysano, waxa kaliya ee Soomaliya inoo dhexeyaa waxa weeye dalkayaga ayaanu xukumanaynaa ee cidna cadaw uma nihin ee sidaa nagu daaya. Jabuutina waxaanu leenahay ama naga sii jeed ama nagu soo jeed waanu ku jecelahay ee noo soo jeesta dawlada iyo dadka reer Jabuutaw jaarna waynu nahay oo dad walaalo ah ayaynu nahay, qarannimada Somaliland iyo ictiraafkeedu wax dhibaato ah oo ay meelna u leedahay ma jirto. Walaalo ayaynu nahay waxa la yidhi waxa aad naftaada la jeceshahay walaalkaana la jeclaw waxaad jeceshihiin ee dawlad nimada ah anaga ayaa idinka da’ waynayn ee nala jeclaada ayaanu leenahay, xumaan kalana uma qabno Jabuuti.” “Waxaanu jecelahay in aanay inan dambe oo reer Somaliland ahi Qaad iibin oo aanay dibad dambe fadhiisan, shaqo ayaananu u samayn doonaa, guryaha ayaanu ku celinaynaa oo sharaftii ayaanu u soo celinaynaa, taasina waxa ay ku xidhan tahay caruurtaa yaryar ee 15-jir iyaga oo ah isku maararoobaysa ee ilmaha kala dhalaysa in aanu joojino oo ay dhalinyartu iyaga oo mudda kar ah guursadan, waxaaananu isu guurin doonaan koox-koox dawlada UCID kharashka ka bixiso.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Ogaal




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday