Wararka Wargeyska OGAAL, Isniin: Wasiir Tallaabo & socdaalkii dheeraa ee Addis-Ababa ilaa Hargeysa

 

M/weyne Rayaale iyo Xukuumadda miyaanad u mahad-naqayn mar haddii Kharashkii lagaa bixiyay?

 

Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda

 

Hargeysa (Ogaal)- “10:00-kii maanta (shalay) ayaan Hargeysa soo galay, maan soo raacin Diyaarad ee Addis-Ababa ilaa Hargeysa dhulkaan soo maray. Caafimaadkayguna haddeer waa ladan yahay oo waanigan soo  noqday oo dan baa tidhi. Waayo, soo-noqo markii hore ismaan lahayn ee waxaan is-lahaa meel dheer Caafimaadkaaga kaga soo baaraandeg. Laakiin, way ii suurtogeli wayday taasi, sababtana waa la ogyahay.” Sidaa waxa hadal kooban oo uu siiyay Wargeyska Ogaal ku bilaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) oo dhawr bilood oo uu Magaalada Addis-Ababa fadhiyay ka dib shalay ku soo laabtay dalka.

Yuusuf-Tallaabo inkasta oo uu shalay hadh-soo-korkii soo galay Magaalada Hargeysa, haddana 10-kii iyo daqiiqado wuxuu ka muuqday Xarunta Madaxtooyada. Wuu ka gaabsaday inuu bixiyo Waraysi su’aalo badan lagu waydiiyo, waxaanu ku cudur-daartay inuu wax badan gadaal ka hadli doono, balse haatan uu hadalkiisu ku kooban yahay mahad-naq. “Imika ma doonayo inaan wax badan sii galo, laakiin waxaan u mahad-naqayaa guud ahaan Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland oo uu ugu horreeyo Wargeyska Ogaal. Sidoo kale waxaan u mahad-naqayaa dhammaan dadkii kale ee gurmadka iiga soo sameeyay dibed iyo gudo-ba. Dadka reer Somaliland-na guud ahaan waxaan u sheegayaa, inaan halgankii Somaliland-nimada halkiisii ka sii wadayo.” Ayuu yidhi Wasiir Tallaabo.

Ka dib qaylo-dhaantii Wasiir Tallaabo ka soo laliyay Addis-Ababa, waxa la sheegay in Madaxtooyadu ay degdeg uga jawaabtay baaqiisaa gurmad-doonka ahaa, isla markaana siday tibaaxeen Warar laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay ay isla markiiba ka bixiyeen kharashkii Hotel-ka ee loo haystay Wasiirka. Sidaas darteed, waxaanu Yuusuf-Tallaabo waydiinay su’aashan, “Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadda aad ka midka tahay miyaanad u mahad-naqaynin mar haddii ay kharashkii lagaa bixiyey?.” Hase yeeshee, Wasiir Tallaabo su’aashaa wuxuu ka bixiyay jawaabtan, “Midhkaa iyaga u mahad-naqi mayo. Laa Shukra calal waajib. Nin baa wuxuu yidhi, waa goorma, waa goor aan galay Gacan Ogaadeene. Sababta aan meesha ugu hakaday iyo dayacaba Dawladdaa leh oo I dayacday. Dawladduna ma wada laha ee qaar baa leh, waliba waa tiro yar. Rag tiro yar oo tirsan weeye, hase ahaatee wixii Siyaasad ah iyo xogta inta hadhayba Warbixinno badan ayaan ka samayn doonaa. Laakiin maanta, waa mahad-naqii iyo soo-noqodkayga inaan Umadda u sheego.”

Yuusuf Ciise (Tallaabo) ka hor intii aanu Addis-Ababa u safrin ee aanu mashaqada ka qaylisiisay la kulmin, wuxuu ahaa Gantaal duullimaad ku ah Xorriyadda Saxaafadda, isla markaana duqeeyay Xarumaha Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha, waxaanu Albaabada u laabay Hay’addii kulminaysay Ururada ilaalinta Xuquuqal-Insaanka. Hase ahaatee, waxa maanta loo arkaa nin ka faa’iday Xorriyadda Saxaafadda. Mar aanu isla arrintaa wax ka waydiinayna wuxuu ku jawaabay, “Saxaafaddu waa Carrab. Nin baa bari adeegihiisii ku yidhi, Cadka Hilib ugu fiican soo iibi, markaasuu Carrab Lo’aad soo iibiyay. Maalin kale ayuu haddana ku yidhi, Cadka Hilib ugu xun soo iibi. Markaasuu Carrab soo iibiyay oo u keenay. Ninkiibaa inta uu Adeegihiisii la yaabay ku yidhi, waar waa sidee?! Hase yeeshee, Adeegihii si fudud buu ugu jawaabayoo wuxuu ku yidhi, Carrabku isagaa waxna xumeeya, waxna hagaajiya. Markaa Saxaafaddu waa sidaas oo kale. Midda kale, Al-balaaqatu Minal-Sixir bay Carabtu tidhaahdaa. Gabyaaga, Heesaaga, Saxaafadda dhaqanka iyo Saxaafadda Casriga ah oo ah tan aad maanta gacanta ku haysaanba balaaqad bay leeyihiin. Markaa, hadal waayeel waa guud-mare, Saxaafadda Madaxa bannaan markay kula jirtana waa waxtar oo waa waxaad u jeceshahay. Markay kaa jirtana waa waxyeeladaada oo waa waxa aad u neceb tahay. Markaa waa Carrabkaa xasanaadka iyo xumaanta-ba leh. Hase ahaatee, maanta waxaan uga mahad-naqayaa xagga wanaagga iyo  waxtarka Xorriyadda Saxaafadda. Waxaanse haatan hadalkayga ku gunaanadayaa, Libaax Nin ganay iyo Nin galladay kala oge, waa inoo mar kale.”

 

 

 

 

 

 

 

Berbera: Shan nin oo looga shikiyay Budh-cad Badeed-nimo iyo Laashashkoodii oo xabsiga loo taxaabay  

Berbera (Ogaal) – Ciidamada Boliska magaalada Berbera ayaa xidhay Shan Nin oo looga shikiyay sida la sheegay inay hawlo budhcad-badeed-nimo ka abaabulayaan Biyaha Somaliland.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Ogaal ee magaalada Berbera Yaasiin Jaamac shantan qof oo isugu jira muwaadiniin reer Somaliland ah iyo xubno u dhashay Maamul-goboleedka Puntland. Waxay ciidamada Boolisu saqdii dhexe ee Habeen hore ka kala qabteen laba guri oo ku yaala Xaafada Daaroole ee magaalada Berbera. Iyadoo sidoo kalena la xanibay Laba Laash oo lagu tuhmay inay ku hawl-galayeen.

Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyay dhac-dadan ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo. “Waa Deg-deg, weeye, Arrimuhu inta ay baadhista ku jiraan waxba ka sheegi mayno.” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Bolisku, sidoo kale Taliyaha Qaybta Boliska Berbera, Maxamuud Ubaxle oo aanu weydiinay sababta ay u kuskadeen xadhiga dadkan ayaa ka war-wareegay xataa inuu caddeeyo inay xidheen Shantan nin ee warku sheegay in Saldhiga Boliska Berbera lagu hayay shalay. Hase ahaatee, waxa jira tibaaxo laga helay Ilo u dhuundaloola arrintan oo muujinaya in ragan lala soo qabtay Hub kala duwan. Islamarkaana muddo lagu daba jiray.

  Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa horaantii Bishii March ee Sanadkan ku qab-qabtay magaalada Xuduudka ah ee Wajaale koox rag ah oo lagu eedeeyay inay ka mid-yihiin Budhcad-badeed, ka hawl-gala Bad-weynta India, gaar ahaan deegaamada uu ka taliyo Maamul-goboleedka Puntland, kuwaasoo Markii danbe la sheegay in Madaxweyne Rayaale amar ku bixiyay in la sii daayo. Ka dib markii la waayay cid arrimaha loo qabtay ku eedaynaysa oo la soo xidhiidhay Somaliland.

 

 

 

“Dawladani waxay ku soo baxday S/Land qolo qudhi yay haysanin iyo ku xumee.”

 

“Somaliland-tii aynu ku riyoonay ee u soo halganay illaa maanta ma joogno”

 

 “Waa in Caruurta yaryar ee 15-jir iyaga oo ah isku maararoobaysa ee ilmaha kala dhalaysa aanu joojino oo ay dhalinyartu..”

 

 

Gudoomiyaha UCID

 

Hargeysa (Ogaal) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dalka Somaliland marayo marxaladii ugu xumayd ee dhaqaala-darro taariikhda, isla markaana waxa uu ku tilmaamay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale mid sare iyo mid hoose-ba in ay ku sifowday tamar-daro,iyo musuq-maasuq.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlayay Xaflad soo dhawyn ahayd oo Xisbigu u sameeyay Haween tira badan oo ku biiray UCID oo shalay lagu qabtay Huteel Dalxiis ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay in dawlada Jabuuti ama Somaliland haka sii jeedo ama ha ku soo jeedo’e ay jecelyihiin in ay la jeclaato Somaliland in ay Ictiraaf hesho. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayay halgankii dalka loo soo galay waxa uu tilmaamay in ujeedooyinka laga lahaa ay ahaayeen laba arrimood oo mid lagu guulaystay midna aan illaa hadda lagu guulaysan. “Walaalayaal looma kala hadhin halgankii dalka loo soo maray oo halgan xaq ah ayuu ahaa halgankii SNM. Laba ujeedo ayaa halgankaa laga lahaa midi waxay ahayd inaynu dalkeena difaacno oo aynu qarannimadeenii soo ceshano taana illaahay wuu ina waafajiyay oo 18-kii May 1991-kii waxaynu gaadhnay go’aankii xaqa ahaa ee aynu qaranimadeena kula soo noqonay, ta labaad waxay ahayd inaynu dhisno dawlad cadaalad leh oo Somaliland oo isku mid ah, Somaliland oo Xaafad ah, Somaliland oo Xaas ah ayaynu damacnay in aynu dhisno, waana ta inaga maqan. Somaliland-tii aynu ku riyoonay ee aynu carruurteena u baabi’inay ee aynu halganka u galay illaa maanta ma joogno.” Ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in doorashooyinkii dalka ka dhacay ay guud ahaanba u dhaceen si nabadgalyo ah, oo dimuquraadiyada waafaqsan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dawladihii hoose ee aynu dooranay way inaga si-qiireen. Madaxweyne iyo Ku-xigeen ayaynu dooranay iyagana waad ogtihiin maanta in dawladoodii caan ku noqotay tamardaro, musuq-maasuq, boob ay dadka xoolahooda boobto   ayay ku sifowday dawlada maanta joogtaa, waata markii Aduunyada Xoolihii qaali-garoobeen, shiidaalkii qaali-garoobay ee wax kastaa qaali garoobay halkay caqli ka keeni lahayd waataa masuuliyiinteedi yidhaahdeen waar xagaynu lacag ka doonaa ee ay yidhaahdeen shirkadihii way taajireene ma maqasheen ninka layidhaahdo Dahabshiil Gurigiisu waa hal milyan, ee ku kale (masuul dawlada ka tirsan) yidhi waar dhagayso anaa og oo anaga ayaa isku reer ah Dahabshiil oo waa saddex Malyan oo Doollar gurigiisu ee ka soo qaada lacagta, oo Telesom ma argteen ka ay dhisatay. Isla markaana waxay ku dhaqaaqeen in ay dadkii boobaan oo waxa ay yidhaahdeen masruufka loo soo diro dadka bilaa camalka ah wax nooga jara, waxay u soo dhigteen intii yarayd ee ay dadku xawaaladaha ka qaadanayeen in ay %20 qaataan. Markaa taasi ma wax caqliga gala-baa idinkaan idiin dhiibee? Odaygii adhiga ku raacanayay hawd neefkiisii ayay ka qaadeen oo ay yidhaahdeen anaga ayaa dirayna ee diri maysid adigu oo neefkiiba Afar Doolar ayaanu dulsaaranaynaa, markaa boob ayay u soo dhaqaaqeen.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu ku dooday in Somaliland tahay dalka kaliya ee ay ku noolyihiin %90 dad aan shaqaynin, isla markaana Somaliland mooyee aanay caalamka ka jirin dad cashuur laga qaado, oo  lacagta biyaha, ta laydhka, ta caafimaadka, iyo waxbarashada laga qaado dawladoodii ay doorteena aanay shaqo u abuurin, hooyooyinka hilibka iyo qudaarta iibinayaana aanay haysan hadh ay galaan ee ay bacadka joogaan iyada oo cashuur laga qaado.. “Dawladan maanta joogtaa waxa ay ku soo baxday laba arrimood  oo midi ahayd Somaliland qolo qudhi yay haysanin ee maalinba qolo ha haysato maamulka, iyo ta labaad oo ahayd ku xumee oo dad ayaa lagu xumaynayay ee horta caqli kale kumay soo bixin.”  Ayuu yidhi Faysal waxaanu intaa ku daray oo uu u soo jeediyay dadka reer Somaliland in ay diiwaan-gelinta galaan, taasina ay daawo u tahay in la garto dadka  reer Somaliland u dhashay. “Waxaad maqashaan dad reer Somaliland ah ayaa la soo tarxiilay. Waxaanu rabnaa in aynu halkan (Somaliland) dadka ka tarxiilo oo shaqada qofka muwaadinka ah la siiyo oo waashmaanka iyo intanta jaariyada ah dadkeena la siiyo.” “Maanta aqoondaro ayaa ina haysata, dalkeena Kontomeeyo Wasiir ayaa jira Wasiir shaqadiisa garanayaana wuu yar yahay, Wasiir walibana kursi ayuu meel dhigtay oo saddex saacadood ayuu shaqeeyaa saddexda saacadoodna wuu qaadiraysan yahay, anagu qaar aan qaadiraysnayn ayaanu idiin keenaynaa hadaanu talada dalka qabano.” ayuu yidhi oo uu hadalkiisa sii raaciyay Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID waxa uu hoosta ka xariiqay marxlada dhaqaale ii xiligan dalku marayo oo uu sheegay in ay qoysas badan gayisiisay in ay la daris noqdaan nolol adag, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Maanta waxaynu maraynaa oo aynu bilawnay in ay carruurteenu Gudaafada wax ka gurtaan, waana markii ugu horeysay ee taariikhda Somaliland ay qoysas dhami gudaafadaha Xashiishka wax ay cunaan ka gurtaan baahida jirta darteed. Guryahana %70 dad waalan ayaa ku jira inaanu Cusbitaalo gayno ayaanu doonaynaa, waanaynu ladanahay waxa ina soo maray hadaynaan wada waalan. Kuwa Magaaladda socda ee aad welli-yada moodaysaana welli maaha ee way waalan yihiin iyagana inaanu qaqabano ayaanu doonaynaa.”  Md. Faysal waxa uu hambalyeeyay Ciidamada qalabka sida ee Somaliland, Booliska, iyo nabadgalyada waddooyinka oo uu sheegay in iyaga oo aan qaadan mushahar ku filan, isla markaana lahayn kala sarayn iyo wax darajo ah toona ay daacad u yihiin dalkooda iyo dadkooda. “Ciidamadu waan hambalyaynayaa, waayo way dedaalayaan iyaga oo aan Dirayska lahayn oo maalinba dirays xidha sidii jabhadiihii oo maalinba Islaan baa ugu deeqda oo la yidhaahdaa heblaayo ayaa u soo iibisay,”

Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayay Koonfurta Soomaaliya iyo dawlada Jabuuti waxa uu yidhi,  “Inaga ayay inoo wanaagsan tahay in aynu dawlad wanaagsan oo jeerkeeda wanaag iyo nabadgalyo kula noolaata samaysano, waxa kaliya ee Soomaliya inoo dhexeyaa waxa weeye dalkayaga ayaanu xukumanaynaa ee cidna cadaw uma nihin ee sidaa nagu daaya. Jabuutina waxaanu leenahay ama naga sii jeed ama nagu soo jeed waanu ku jecelahay ee noo soo jeesta dawlada iyo dadka reer Jabuutaw jaarna waynu nahay oo dad walaalo ah ayaynu nahay, qarannimada Somaliland iyo ictiraafkeedu wax dhibaato ah oo ay meelna u leedahay ma jirto. Walaalo ayaynu nahay waxa la yidhi waxa aad naftaada la jeceshahay walaalkaana la jeclaw waxaad jeceshihiin ee dawlad nimada ah anaga ayaa idinka da’ waynayn ee nala jeclaada ayaanu leenahay, xumaan kalana uma qabno Jabuuti.” “Waxaanu jecelahay in aanay inan dambe oo reer Somaliland ahi Qaad iibin oo aanay dibad dambe fadhiisan, shaqo ayaananu  u samayn doonaa, guryaha ayaanu ku celinaynaa oo sharaftii ayaanu u soo celinaynaa, taasina waxa ay ku xidhan tahay caruurtaa yaryar ee 15-jir iyaga oo ah isku maararoobaysa ee ilmaha kala dhalaysa in aanu joojino oo ay dhalinyartu iyaga oo mudda kar ah guursadan, waxaaananu isu guurin doonaan koox-koox dawlada UCID kharashka ka bixiso.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

 

 

Al-Qaacida oo ka hadashay Somaliya

 

Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) - Ururka Al-Qaacida ayaa ka hadlay dagaalada ka socda Somaliya, iyadoo cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu soo diray Saalax Cali Saalax [Nabhaan] uu ku sheegay in dagaalada Somalia ay sii soconayaan.

Nabhaan oo uu Mareykanka aamisan yahay inuu yahay hogaamiyaha Al-Qaacidada Geeska Afrika, ayaan la garanayn goob uu ku sugan yahay, waxaase uu sheegay in dagaalada Somalia ay yihiin kuwo ay Al-Qaacida dabada ka riixayso.

“Wixii ka dambeeyay dilkii Aadan Cayroow dagaalada Somaliya way sii xoogeysteen, wayna sii soconayaan xitaa hadii la dilo dhamaan mas’uuliyiinta caanka ah ee ka dagaalama Somaliya” ayuu Salaax Nabhaan ku sheegay cajalada.

Fariintaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay mudo dheer oo uu soo diro Nabhaan, waxaana meesha ka baxaysa hadal ay booliiska Kenya ku sheegeen kal hore inay gacanta ku dhigeen Saalax Nabhaan.

Dhowr bilood ka hor ayay booliiska Mombassa xabsiga u taxaabeen ruux leh muuqaalka Nabhaan, kaasoo xiliga la qabanayay lacago ka qaadanayay bankiga magaaladaas.

Cajalada ayaa waxaa ka muuqday filim muujinaya xoogaga Al-shabaab oo tababaro kala duwan ku qaadanaya gudaha Somaliya, iyadoo Nabhaan uu tababarkan bixinayo, balse lama sheegin xiliga uu tababarkani dhacay.

Saalax Nabhaan oo kasoo jeeda Jasiiradaha Commoros ayay xukuumada Washington u aqoonsan tahay inuu yahay mas’uulkii ka dambeeyay qaraxyo loo gesytay safaaradahooda Kenya iyo Tanzania, iyadoo sidoo kale la sheegay in mas’uulkani uu isku dayay inuu rido diyaarad ka duushay Kenya oo ku socotay Israel.

Hadalkaan Saalax Nabhaan ayaa kusoo beegmay iyadoo afhayeenka Al-shabaab uu ku baaqay inay dagaalada xoojinayaan, sidoo kalena ay dhawaan qabsadeen Degmada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidaynu Uga Faa’iidaysan Karnnaa Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

 

HABKA aynu uga faa’iidaysan karno bishan barakeysan ee Ramadaan Ilaahayna aynu ugu dhawaan karnaa waxay ku xidhan tahay inaynu 8 arrimood xooga saarno kuna dadaalno.

SHANTA [5] salaadood ee faralka ah, Inaynu ku dedaalno tukashadooda iyadoo aynu ilaalinayno wakhtigooda iyo inaynu ku tukano masaajidka ama jamaca gaar ahaan ragga, waayo Dumarka gurigooda ayaa fadli badan inay ku tukadaan, ajarka laga helayo bishan ramadaan salaadaha faralka ah in la ilaaliyo wakhtigooda iyo in jamacada lala tukado waxay tahay 100,000 [Boqol kun ama sodon malyuun oo xasanaada] ama ajarada laga helayaa maalin kasta oo ka mid ah bisha ramadaan ilaa intay ka dhamaanayso .

SUNNAYAASHA: 12 laba iyo tobanka ah ee ka danbeeya salaadaha faralka ah oo kala ah, 2 rakcadood oo ka horeeya salaada subax iyo 6 ragcadood oo la socda salaada duhur, laba ka horeeya iyo afar ka danbeeya iyo 2 ragcadood oo ka danbeeya salaada maqrib iyo 2 ragcadood oo ka danbeeya salaada cishaa’iga laba iyo tobankaa ragcadood ee sunnaha ah ninka tukada waxa looga dhisaa Guri jannada siddu sheegay Nebigeenii Suubaana [S.N.N.KH] waa marka aanay ahayn ramadaan bal, maxaad filaysaa markay tahay ramadaana in laguugu abaal gudi.

AKHRINTA Quraanka kariimka: bishan barakaysan ee ramadaan xaraf kasta waxaa laga helayaa toban xasannaad oo ajara, bisha ramadaana waa laguu sii laban laabayaa ilaa laga gaadho 70 laban-laab oo ajara, haddaba waxaa laynaga rabaa inaynu ku dedaalno inaynu dhamayno bisha ramadaan sodonka jus ee quraanka innagoo akhriyayna maalintiiba laba jus mid intaynaan seexan ka hor midna salaada subax ka dib tusaale ahaan.

SADAQADA: U qorshee dhawr shilin maalin kasta inaad bixisato dar Ilaahay oo aad ku sadaqaysato masaakiinta, waayo waa lagu laban-laabayaa ajarkeeda, Sidoo kale waxay bakhtiisaa sadaqadu cadhada Ilaahay wax badana waad ka arki noloshaada faa’Iidada sadaqada.

SALAADA Taraawiixda ku dedaal, waayo way kaaga fadli badan tahay inaad habeenkii tagtid riwaayadaha la dhigaayo iyo mukhaayadaha iyo daawashada TV-ga ku dadaal waliba inaad ku soo tukato masaajid jus ku tukanaaya si ajarku u sii bato walaal.

Xidhiidhi qaraabadaada iyo xigtadaada bishan ramadaan cid kasta oo aad isku cadhaysantihiina isku day inaad cafisid oo aad isa saamaxdaan, waayo Ilaahay soom iyo camal kale oo saalixa kama aqbalo laba qof oo isku cadhaysan ilaa isa soo saamaxaan.

 

DACWADA iyo wacyi galinta arrimahaas aanu soo sheegnay ku dadaal walaal iyo inaad dadka xigtadaada ah gaar ahaan gaadhsii, si aad ugu sheegtid daacadda rabbi subxaanahu watacaala.

Ku dedaal walaal inaad la saaxibtid dadka akhyaarta ah ee jecel khayrka iyo inay ka faa’iidaystaan bishan Ramadaan  iska ilaali dadka xun-xun ee jecel xumaanta . Ilaahay wuxuu leeyahay la saaxiiba dadka Ilaahay barya galinka hore iyo ka danbeba jacelna wajiga Ilaahay inay arkaan aduunkana aan iska daba ridin . sidaasbay ahaayeen saxaabaduna dadka fiican ayay raaci jireen bishan ramadaan.

Gebagabadiina walaal ha ilaabin inaad u soo ducaysid maalinkasta dadka muslimiinta ah ee maanta dhibaataysan ee ay gaalo u awood sheeganayso inuu Ilaahay uga hiilliyo, Yahuudda ka saaro masjidul aqsaa iyo inuu ilaahay ka xoreeyo Mareykanka ciraaq , Itopiayana inuu ilaahy ka saaro Soomaaliya.

 

Qore Cabdiqaadir Aadan Xaaji Cilmi

Hargeisa Somaliland.

 

 

 

 

Aqoon-isweydaarsi lagu dersayay Xeerka Carruurta oo la soo gebo-gebeeyay

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa shalay soo gebo-gebeeyay Aqoon-isweydaarsi lagaga baaraan-degayay, isla markaana lagu furayay Xeerka Carruurta ee Xeer No. 36/2007, oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adaha UNDP iyo UNICEF oo muddo saddex maalmood ah ka socday Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka qaybgaleen Wasaaradda Caddaaladda, Hay’adaha UNDP iyo UNICEF, Ururada Bulshada, Madax-dhaqameedyo, laamaha dawladda qaarkood, dadka daneeya arrimaha Caruurta, Qaar ka mid ah Carruurta Derbi-jiifka ah iyo marti-sharaf kale, ayaa laysku waydaarsaday afkaar ku saabsan Xeerkan iyo waxyaabaha uu ka tari karo nolosha Caruurta Shuruucda ku gefta. Iyada oo aad loo qaadaa-dhigay muddadii saddexda maalmood ahayd ee uu Aqoon-isweydaarsigani socday waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha Caruurta oo uu Xeerkani khuseeyo, gaar ahaan kuwa Sharciga ku gefa.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo gebogebadii Aqoon-isweydaarsigaa ka hadlay ayaa ugu baaqay dhammaan Dadweynaha iyo Dawladdaba in laga shaqeeyo hirgelinta iyo ku-dhaqanka Xeerkan. “Xeerkani wuxuu maray Jidkii sharciga ahaa ee Golayaasha Qaranka. Isaga oo maray Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida oo markii dambe uu socday ilaa Madaxweynaha oo saxeexay. Markaa maaha in uu Kabadh uun isaga jiro oo meel layska dhigo Xeerkan waa in uu dhaqan gala.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xil ballaadhan ayaa inaga saraan haddaynu Dawladda iyo Dadweynahaba.”

Wasiirku wuxuu sheegay in aqoon-isweydaarsigan fikradaha iyo qoddobada ka soo baxay dood dheer ka dib, laga samayn doono Qorshaha 3-da sannadood oo ay ku shaqayn doonaan. “Qorshe saddex sannadood ah ayaa laga samaynayaa fikradaheenii la ururiyay oo ayn ku shaqaynaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay Wiil ka mid ah Caruurta Derbi-jiifka Hargeysa oo Wasiirka ka hor ka hadlay halkaa. Kaas oo sheegay inuu ku hammiyayo inuu Wasiir ka noqdo Somaliland. “Wiilkii yaraa ee halkan ka hadlay waxa uu yidhi waxaan ku hammiyaa inaan Wasiir noqdo, waxaan u rejaynayaa in uu Madaxweyne Somaliland ka noqdo, oo Obama-ba mar buu noloshiisa ku yar baydhay oo uu ka mid noqday Carruurta Derbi-jiifka ah.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kale oo halkaa ka hadashay Wakiilka u metelayay Hay’adda UNICEF/UNDP-Rols, isla markaana ah Khabiir Cadaaladda Caruurta ah Priyadharshini Dias, waxaanay ka hadashay sababta keenta in Caruurtu ku gefaan Sharciga, oo ay ku tilmaantay inay sabab u tahay iyaga oo ay dayacan yihiin. “Sababta ay Caruurtu Sharciga ugu gefayaan waa iyada oo la dayacay, aqoon la’aan iyo Waalidka oo aan gacanta ku haynin. Waxaynu baranay sida Bulshada loogu soo dari karo ee loo qaban karo, Xirfadaha looga baahan yahay baadhitaanka Kiisaska Caruurta, in Caruurta la xidhi karo oo kaliya marka loo taag waayo. Sidaa darteed waxaan codsanayaa in laga shaqeeyo dhqan-gelinta iyo ku shaqaynta Sharcigan iyo akhrintiisa.” Ayay tidhi Priya. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Sida Wasiirku sheegay si Dawladdu u hirgeliso Xeerkan waxay u baahan tahay caawimada Ururada Bulshada iyo Dadweynaha..UNDP/UNICEF aniga oo ka wakiil ah waxaanu ballan qaadaynaa inaanu ku taageerno wixii farsamo ah iyo tusaale ah.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay qaar ka mid ah Caruurta derbi-jiifka ahaa oo qayb ka ahaa aqoon-isweydaarsigaa. Halkaas oo khudbadihii iyo Gabayo ay ka jeediyeen ay ahaayeen kuwo ka murugaysiiyay dadkii halkaa ku sugnaa. Waxaanay kaga hadleen nolosha ay ku sugan yihiin iyo sida ay ugu baahan yihiin gacan-qabasho.

 

Wasiirka Diinta Iyo Aw-qaafta Oo Ku Dhawaaqay In maanta tahay Tahay Maalintii Ugu Horeysay Ramadaan       

Hargeysa(Ogaal) - Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inay Maanta tahay maalintii ugu horeysay ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ka hadlay telefishan Qaranka Somaliland ayaa sheegay, ka dib markii ay kulan isugu yimaadeen  Culimada waaweyn ee Somaliland inay isla qaateen Sugnaanshaha Bisha Ramadaan, maadaama oo ay shalay ku buuxsantay 30-kii maalmood ee Bisha Shacbaan, Sidoo kalena ay heleen markhaatiyo lagu kalsoon yahay oo cadeeyay maalintii ay dhalatay bisha Shacbaan.

Wasiirka ayaa hanbalyo u diray Shacbiga Somaliland iyo Guud ahaan Shucuubta Islaamka meel kastoo ay joogaan.

Wasiirka ayaa kulankan uu kaga dhawaaqay bilshada ramadaan waxa ku wehelinayay Sh.Ismaaciil Cabdi Hure(Dheeg)-iyo Sh Cumar Axmed.

Inta Badan Caalamka Islaamka ayaa Sidoo kale laga sheegay inay maanta tahay Soon.

 

 

Obama iyo Ku xigeenkiisa oo la sheegay inay ka soo jeedaan qoysas Kaboolayaal ah

Bristol(Ogaal) -  Sida ay qortay wakaalada wararka ee (AFP) waxa Marwo ku takhasusay raadraaca tafiirta aadamaha oo magaceeda la yidhaa Megan Smolenyak Smolenyak una dhalatay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasiyiinta Brack Obama iyo ku xigeenkiisa Joseph Biden oo u tartamaya madaxtinimada dalka maraykanku ay asalkoodii ka soo jeedaan qoysay Kabo tolayaal ahaa oo wadanka Ireland ka haajiray una jiheystay dalka Maraykanka Bishii April ee sandkii 1849kii si ay ugu biiraan dad lagu qiyaasay Hal milyan iyo badh reer Ireland ah oo dalkaasi Maraykanka u qaxay iyaga oo ka ordayay gaajadii adkayd ee wadankaasi Ireland ku habsatay intii u dhexaysay sanadkii 1845-1849kii wakhtigaas adag oo loo yaqaanay xiligii “Gaajadii Baradhada”

Sanadkii hore ayay ahayd markii Smolenyak Smolenyak oo baadhis dheer ku samaysay halka ay ka soo jeedaan Obama reer abtigii iyo awoowyadii hooyo waxay ogaatay in asalkoodu uu ka soo jeedo qoys kabaha ku toli jiray tuulo yar oo la yidhaa Moneygall oo ku taala degmada Offaly ee wadanka Ireland.

Gabadha baadhitaankan samaysay waxay imika aaminsan tahay in ninkan uu Barack Obama u xushay inuu Madaxweyne ku xigeen u noqdo hadii uu ku guulaysto doorshaada bisha Novembar ka dhacaysa dalka Maraykanka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan Jo Biden in isaga laftiisa ay awoowyadii kasoo jeedaan tuulo kale oo Ireland ku taala oo la yidhaa Carlingford ee degmada Louth oo ku taala xuduudka ay wadaagaan dalka Ireland iyo waqooyiga Ireland oo ka mid ah dalkan Britain.

Waxaa kale oo iyana xiiso badan leh in ragga qoysaska Obama iyo Biden ay Maraykanka u hayaameen sanadkii 1849kii halka markii danbe xaasaskooda ama qoysaskooduna ay ka daba tageen sanadkii 1850kii

Waxaas oo dhan waxaa kasii xiiso badan in Barack Obama iyo ku xigeenkiisa Jo Biden ay labadaba qoysaskoodu ay ahaayeen Kabo-tolaal

In ka badan 34 Milyan oo Maraykan ah ayaa had iyo goor sheega in uu asalkoodu ka soo jeedo dalka Ireland oo ay Irishka asalkoodu xiidh la leeyahay.

Tani waxay dhiirri galin u noqon kartaa Kabo-tolaaysha dalkeena ku sugan oo ah runtii ah qaar hoos loo eego , hase yeeshee ah geesiyaal xalaal quutayaal ah oo isku filan kana sharaf badan kumanaan mashaqaystayaal ah oo gafuurka kor u taaga oo shaxaadka ku nool.

Geesiyaasha kabaha tola ee dalkeena ku sugan waxaa la gudboon inay si mug leh u ogaadaan in aan wax u diidayaa jirin inay gaadhaan ama higsadaan halka ay gaadheen murashaxiinta Brack Obama iyo Joseph Biden oo hal qarni iyo badh ka hor uun ay qoysaskoodu kabaha ku tolayeen tuulooyinkii Ireland ee gaajada iyo darxumadu ay ka jireen waayadaasi.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra