OPINION

Kursiga Hoggaanka Kulmiye Miyuu Ka Culus Yahay Kan Hoggaanka Dalka?

Hardanka Kulmiye marna waa kormo iyo bisayl dimuquraadiyadeed, marna waa is-qadarin la’aan iyo isbarbaryaac wiiqaaya tayada xisbiga. Waxaad moodaa in mucaarid iyo muxaafidba muddo dheer lagu mashquulay kursiga xisbi mucaarid ah, oo laba iloobay la-xisaabtankii hoggaanka dalka manta ka taliya. Waxaad gees iska odhanaysaa waa maxay waxa hardankan aan kala go’a lahayn loogu jiraa talaada xisbigan oo keliya, ee ka dhigay kuwa kale waxaan jirinba. Ma qanac lagu qancaybaa in qofka ku fadhiistaa toos ugu guulaysan doono doorashadaa, ilayn meel kale oo la hadal hayaa ma jirtee. Haddayna taas ahayn,  raggan hardamayaa ma waxay ku qanacsan yihiin inay noqdaan hogaamiyi mucaarid ah bes, oo hadaf kaas dhaafsiisan ma laha. Miyeyna ahayn in hogaanka xisbigu yahay dariiq loo maraayo kan dalka. Hadday taasi tahay himmilada xisbiga, miyeyna is-miisaami karayn oon la garanayn cidda codka ugu badan dalka ka hanan karta. Miyeyna ahyn inay noqdaan dar wada jira oo dantu isku xidhay, guushuna tahay mid ay ku gaadhi karaan wadajir, kala dambayn, is-ixtiraam iyo lab furan.

Sida talaxtaga ah ee kursiga xisbiga ay ugu tartamayaan, maxay ugu jihayn waayeen inay xisbiga talada haya hoggaanka qaranka kula tartamaan. Hoggaanka dal dimuquraadi ahi ka weyn laba kursi, ee waxa keliya ee hogaamiyayasha xisbiga deeqaa waa iyagoo wadajir ummadda uga doono cod iyo kalsooni, si ay ugu guulaystaan maamulka dalka. Anigoo ogsoon in hardan kasta oo la soo maray afgarad lagu soo jaray, ayaa waxa hubaal ah in niyad jab iyo raad xumo mar walba kaga tegayso dadweynha aan taageeradooda laga maarmayn, si gaar ah dhalinta aan khibrad u lahayn goolaaftanka siyaasadeed. Waxaad moodaa in halgankii qadhaadhaa laga dhaxlay goolaaftan iyo lab garaac siyaasadeed oo ka dhasha arrimo maamul oo xalintoodu aad u fududay.

Oday  Axmed Cadami iyo Dr.Cumar Dixood waxaan leeyahay waxa leydinka fadhiyey inaydun noqotaan birlabtii isku uruurin lahayd reer Kulmiye, inaydun noqotaan biyo bakhtiiya dabkii kacaba, dar u gurmada danta guud, dhiig cusub oo ku soo biiriya talo, tayo, iyo farsamo, taasina manta meesha kama muuqato.  Inkastoo Oday Axmed Cadami goolaftankii la qabsan waayey, oo uu  dar-jiidhay, waxaa laga filayaa inuu noqdo nin soo uruuriya waxii dabayshu qaaday oo balankii ahaa inuu ka hawl galo sidii Kulmiye u badbaadin lahaa dalka, ka midho dhaliyo. Taas waa mid aan la wadaagsiinaayo saaxibkay, halgamaaga weyn ee DR. Cumar Dixood.

Anigoo sugaaya in shirarka loo balamay bisha barakaysan ay guul ku soo dhammadaan, ayaan inyar oo huda-tusaalayn ah aan raacinayaa gogal xaadhkaas kor ku sheegan. Raggan aan la hadlayaa waa  saaxiibo wadajirkooda aan ku diirsado, oo aan guul la jecelay. Horaan, waa inay ogaadaan garabka SNM ee Kulmiye inay yihiin hal garab oo xisbiga ah, garabka kalena yihiin intii aan hogaanka SNM ku jirin. Xaalku markuu sidaas yahay waxaa leydiin arkaa saaxiibo labada Kursi mid leh. Ahmed Siilaanyo iyo Cabdirahman Aw Cali iyo inta kale ee SNM soo hogaamisay ama is diida, amba is maqla, xisbiga garab ayaad ka tihiin. Xisbigu waa xisbi qaran waana in la helaa isku dheelitir bulshada ah oo dhan walba ah, dhan degaan, dhan SNM iyo dhan da’eedba. Waa sida dhabta ah ee dadweynahu idiin arko, is-ballaadhin meesha ma taala, aan toos idiin idhaahdee labada kursi midbaa leedihiin. Arrintuna ma aha dan shakhsi, ee xusuusta halgankii aad naftiin u hurteen, inuu ahaa badbaado qaran. Reerku weli waa geedi, dhaankii aad ku maqnaydeen, wuu soo dhow yahay ee dariiqa ha ka luminina. Ummaddu dhankiina ayey soo eegaysaa, ee naxdinta iyo niyad jabka ka dhowra. Waar haddii hebel manta dadku isu soo taagayaan, waxa xisbiga la gudboon inay sacab furan iyo laab xalan ku hanbalyeeyaan. Hadafka xisbigu ma aha mucaaridnimo aan waxba ka dambayn. Muddo dheer ayey dantu isku kiin xidhay, waxaana hubaal ah in magacyada Axmed Siilaanyo, Cabdirahman Aw Cali, Muse Bixi, Maxamed Kaahin, Ibrahim Dhegoweyn iyo inta kale ee SNM hogaanka u soo qabatay loo arko rag isku mid ah oo masiirkoodu isku xidhan yahay. Waana mid laydinka baahan yahay inaydun garwaaqsataan. Maamuuskiina iyo magaciino waxuu ku jiraa wadajirkiina iyo is-qadarintiina. Garta taal iyo shirkiina ayaan ka dhursugayaa, oo guda galimaayo arrimaha taagan. Waxaanan ILAAHAY idiinka rajaynayaa inaydun noqotaan kuwo garta waajibka ka saran dalka, kuwo fahma inaan qaybsanaan guul lagu gaadhin, kuwa tartama, oo kii guulaysta hanbalyeeya, isbarbar taaga oon u kala bixin. Anniga, Annniga, Aniga ku bedalaa Innaga, Innaga, Innaga. Culayska saara waxa idin walaaleeya, waxaad wadaagtaan, dhib iyo dheef waxaad soo wado marteen, yareeya inaydun naaxnaaxisaan inta yar ee idiin dhaxaysa, iyo klhilaafka idin kala kaxaynaaya. U bushaareeya ummadda hiilka idiinka sugaysa.

Waxaa mahad mudan ururka QARAN ee baaqa u soo jeediyey Kulmiye inuu khilaafkiisa soo afjaro, oo danta guud iyo masiirka ummadda eego. Waa waayo-aragnimo iyo aqoon ay ku arkeen in guusha Kulmiye tahay midda dalka badbaadin karta. Waana hiil laga helo walaal iyo saxiib ku jecel. Maxamed Xashi, Dr. Gaboose, Jamaal Caydiid iyo inta kale ee ku bahowday Qaran, yaan dedaalkooda iyo gurmadkooda la khasaarin. Waa muwaadiniin u damqanaaya dadkooda iyo dalkooda. Waxaad tihiin cidda ay xaqoodii la lunsaday ka sugayaan. Taasna waxaydun ku gaadhi kartaan wadajir iyo kala dambayn. Noqda kuwa u guntada inay xaqooda u soo celiyaan inta ciilku dalasaday.

Aan ku soo gunaanado, waxa kursigan kulmiye kaga duwan yahay kuwa kale, waa rajada laga qabo inuu hoggaanka dalka ku guulaysto oo aad u saraysa, waana arrin u baahan inaad garataan. Xukuumad, iyo shacbiba waxa idin saran culus aan kan idin neceb iyo kan idin jeceliba idinku hayaan, ee dusheed, xeeladeed, iyo xamaanteed soo xero gashada. Is jira oo gudo iyo debedba iska moosaa, cidda cadownimo, amba taloxumo darteed idiin wiiqaysa. ILAAHAY XAQA HAYDIN TUSO.

Ramadaan Kariim Dhammaantiin.

Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

     

       


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra