OPINION

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Inta badan dadku ma xasuustaan wixii soo dhaafay haddii aan la qorin oo aan la diiwaangelin. Dabadeedna aan diiwaanka laga baadhin xaalad kasta oo timaadda. Mar haddii aanuu jirin diiwaan dib loo raaco, waxa yaraata fahamka xaaladaha murugsan ee had iyo jeer inna horyimaadda. Bal aan maanta inyar xasuusta dib u celinno. Xasuustaa waxa aan ku koobi doonaa geeddi-socodka xisbiga Kulmiye. Waxa aan qori doonnaa oo keliya arrimo aad adigu (akhristaha) iiga marag-furidoonto. Waxa aan qoraalkan u qoray si aynu u fahamno buuqa ka dhashay shirkii Xisbiga Kulmiye.

 

Maalintii la furay xisbiyada badan ee dalkeenna laga furay waxa loogu hor dhowaaqay Ururkii Udub oo uu hoggaamiye ka ahaa, madaxweynihii xilligaas Maxamed I Cigaal, ilaahay ha u naxariistee. Ma xusuusto ururkii ku xigay, waxaanse xasuusanahay in ay samaysmeen ururo ay ka mid ahaayeen.

 

Ilays, Sahan, Asad, Birsol, Hormood, Udub, Ucid

 

Waxa xusid mudan ururka Asad oo uu hoggaaminayey Saleebaan Gaal uu caddeeyey, in aanuu diwaangelinaynin ururkiisa inta uu hoggaaminayo dalka M I Cigaal. Taas oo uu ku macneeyey in aanu si xaq ah wax u wadin madaxweynuhu. Waxa uu ururkaasi kaga duwanaa ururadii kale, in uu soo jeediyey “Shirbeeleed” uu ku macneeyey, in la sameeyo gole ka madaxbannaan dawladda oo doorashada maamula. Go’aamadaasi waxa ay gilgileen nabaddii yarayd ee dadku haystay. Waxa laga walaacay mustaqbalka Somaliland. Sababta walaacaa keentay waxa aabe iyo hooyaba u ahaa ururkaa la odhan jiray Asad.

 

Iyadoo xaaladdu ay sidaa u cakirantahay ayuu geeriyooday Madaxweynihii dalku ilaahay ha u naxariistee M I Cigaal. Mar keliya ayaa xaaladdii isbedeshay, waxa bilaabmay weji baroordiiqeed oo loogu baroordiiqayey marxuum Maxamed I Cigaal. Waxa la doortay isla maalintiiba madaxweyne ku xigeenkii. Intaa aan ku dhaafo halkaas, oo aan u soo dhaadhaco ujeedadayda ama qoraalka mucdiisa. Ururkii libaaxa ama Asad waxa uu go’aansaday in uu diiwaangeliyo Ururkiisii. Waxa kale oo lagu dhowaaqay urur cusub oo loo bixiyey Kulmiye. Maalintii lagu dhowaaqay ayaa dad badani dareemeen in ururka Kulmiye uu noqon doono urur ku guulaysta codadka dadka intooda badan. Sababtu waxa ay ahayd iyadoo dad badani ay taageero u hayeen Muj. Siilaanyo, oo ahaa siyaasi aan marnaba ka leexan siyaasadda Somaliland iyo sidii uu xilka u dhiibay maalintii lagu jiray dagaalka oo ahayd mid lagu qiimayn karo masuulnimadiisa.

 

Akhriste waxa aad markhaati iiga tahay ururkii ugu da’da yaraa in uu ku waayey madaxweynenimadii 80 cod. Isweydiintu waxa ay tahay halkeebay ku danbeeyeey ururadii kale, dee dib looma arag aan ka ahayn UDUD; KULMIYE; iyo UCID. Waxa ka mid ahaa raggii hoggaaminayey ururadii kale, Cumar Carte Qaalib oo ahaa siyaasi caan ah oo aad loo wada yaqaan. Laakiin maalintaas cid kale iska daayoo deegaanka uu ka soo jeeday ayaa intooda badani ay u codeeyeen Muj, Siilaanyo. Taasoo ku tusaysa sida ay dadku u kala dooranayeen hoggaanka oo aan ahayn mid qabyaalad salka ku hayey. Sida aan horeba u tibaaxay Kulmiye oo ahaa Xisbigii ugu danbeeyey ayaa noqday Xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah. Taasi waa xaqiiqo jirta. Haddaba Cabdiraxmaan aw Cali “laba tolle” berigaa hore halkeebuu joogay? waxa uu ahaa ururkii libaaxa oo uu u ahaa ku xigeen. Waa ururkii dalka geliyey werwerka iyo walaaca. Marka aan dhanka kale iska taago, Cabdiraxmaan waxa uu soo ahaa madaxweyne ku xigeen.

 

Intaasoo dhan marka aad soo dhaafto. Siddeetanka cod ee Kulmiye ku waayey hoggaanka dalka waxa loo aaneeyaa Cabdiraxmaan. Sababta loogu aaneeyaa waxa ay tahay isagoo ahaa ku xigeenkii Asad ee dhicisoobay ayuu soo cidhiidhsaday Xisbiga kulmiye oo maalintaa marayay meel aad u sarraysa. Maalintaa waxa u taagnaa oo u sharaxnaa jagada M/xigeenka laba nin oo miisaan weyn ku lahaa deegaankooda. Waxa ay kala ahaayeen Maxamed Rashiid Sh Xasan iyo Buuni oo ah siyaasi ruugcaddaa ah oo miisaan ku leh deegaankiisa. Markii uu mujaahid Cabdiraxmaan ka mid noqday tartamayaashii, oo ay aad u taageersanyihiin saaxiibadiisii ugu dhowaa oo iyaga laftigoodu ka yimi ururkii saqiiray ee Asad ayaa si lama filaan ah waxa ku soo baxay jagadii Muj. Cabdiraxmaan aw Cali. Taasoo keentay in xisbigii waayo taageerayaashii gobolka Awdal oo dhan. Intaasi waa iga xasuusin.

 

Maanta yaa ka baxay shirka. Shirka lagu doortay Siilaanyo iyo Saylici waxa ka baxay Cabdiraxmaan Aw Cali iyo taageerayaashiisii ka yimi ururkii Asad. Waxa yaab leh in guddoomiyihii ururkii Asad uu galay Udub oo uu ugu necbaa, taasi waxa ay ku tusaysaa, sida aanay markii horeba uga ahayn nidaam toosin ee ay ahayd oo keliya nacayb qof-ahaaneed. Waxa aan qoraalkan ku soo gebagabaynayaa haddii taageerayashii Asad ay sidaa sii wadaan in dadkoo dhammi isu wada tilmaami doonaan. Xaaladaha siyaasadduna maalinba meel bay taagantahay, oo waxa aan odhan lahaa siyaasadda Cabdiraxmaan iyo saaxibadii maanta ma aha xilligii ay shaqaynaysay. Dadkuna waxa ay idiin hayaan sharaf iyo wanaag, ee sharaftiinna ilaashada oo shaadhka ha iska wasakhaynina, maanta maaha maalintiinniiye. Waxa aan kula talin lahaa Xisbiga Kulmiye in ay ka safeeyaan Xisbiga hadhaagii Ururkii Asad ee uu hoggaamin jiray Saleebaan Gaal.

 

Ugu danbayn Hanbalyo Siilaanyo iyo Saylici.

 

Qofkastaa xor buu u yahay in uu cabbiro dareenkiisa, waxaase reeban in been laga sheego sooyaalka.

 

Sayid Maxamed Yuusuf

Sweden


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra