OPINION

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

DIMUQRAADIYADA AYAA KU JIRTA….

 

Waxaad iga gudoontaan salaantaa islaamka (ASCWW). Ugu horayn waxaan umada reer Somaliland ee walaalaha ah iyo caalamka muslimiintaba leeyahay Illahay ramadaantan khayr keeda, denbi dhaaf keda, naxarasiis teeda iyo cadaabta ba ha inakaga xoreeyo, nabadna ha inaku gaadhsiiyo.

 

Waxaan maanta wax yar ka odhanayaa shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Hadaan lays yeel yeelayn oo daacad laga noqonaayo arinkani wuxuu u dhacay si DIMUQRAADIYAD AH…Waxay ka soo gudboon carqalado aan mar iyo labo ahayn oo aad u waaweyn oo Ina Riyaale iyo dawladiisu is lahayd marna ba kama soo gudbayaan. Waxaa Riyale iyo group kiisu sameeyeen aan wax yar idinka tuso:

Mar ay odayaal hundheel isugu geeyaan.

Mar ay lacagtii qaranka u isticmaalaan, si ay u kala fur furaan.

Mar ay soo adeeg sadeen xubno ka mid ah xisbiga.

Mar ay TV iyo idaacadahaba intay odayaal lacag soo siiyen ay ka yidhaahdeen reer hebel Hargaisa ha ka baxo.

Mar ay ku sheegeen waa argagixiso.

Maalinba waa meel….Waar xisbigu hal adakaa….

 

Maxaan ku sababaynayaa inay DIMUQRAADIYAD ahayd:

Wax lacag ah oo la bixi yey ama odayaal la dhaq dhaqaa jiyey ma dhicin ( oo waynu ognoo maba hayaan wax wax lagu dhaqdhaqaajo).

Waxaa xitaa ku jiri kara kuwa Riyale soo dirsaday oo lacagna u soo dhiibey ( ma lihi way dhacday ee waa suurta gal).

Waxay qabsadeen xili (08/23/2008) golahooda dhexe kulmo.

Way isu yimaadeen dhamaan iyadoon lays ogeyn oo ninba meel ka yimi (debed iyo gudaba).

Waxaa lay sugu yimi madashii shirka waa 200 oo nin oo mid kastaaba damaciisa siyaasadeed iyo ka shaqsi wato.

____________ ___________ _________

Xisbugu wuxuu samaystay sharci uu ku dhaqmo.

Wuxuuna fuliyey oo raaacay sharcigii.

Waxaa waa jib ah in qofkastaa sharcigaa u hogaan samo mar kasta (No matter what).

Waxaa sharcigu dhigayay oo ahayd in hal round lasyku reebo waxaa diidey kuwii ka arki waayey dantooda.

Hadana waa loo yeelay oo waxaa la yidhi hadaba aynu sharciga bedelo oo ka dhigno in laba round laysku soo reebo.

 

Markaa waxaa loo baahday in looo foodo in sharciga la bedelo iyo in kale.

 

Nimankii odayaasha ahaa madashii lagu balan sanaa kamay soo xaadirin.

 

Ergo ayaa loo diray soo waydiisa waxay diidayaan iyo waxay doonayaan

 

Waxay ku doodeen shirka ha la joojiyo.

 

Golihii dhexe waxay hore u baajiyeen shirka maalin. Waxaanay qateen go’aan ah inaan mar danbe la baajin.

 

DIMUQRAADIYADA AYAA KU JIRTA….oo doorashadii ka dhacday USA, Hillary Clinton sidaa oo kale ayay u xaqnaaqday laakiin way ka soo noqotay xanaaqii oo looma kala tago.

 

Runtii waxaa xun :

 

kuwa aan dimuqraadiyad ba hadal hayn ee iyaku doonaaya in dalku bur buro.

kuwa lacagta iyo laaluushka dalka iyo dadka u isticmaala ee odayaasha dhaq dhaqaaja

kuwa leh Kulmiyaa is haysta…halkay ka odhan lahaayeen waa “DIMUQRAAGIYADA”

 

Akhristow sidaa ayay wax u dhaceen…adigoo maskax daada iyo cabsida illahay kaashanaaya halkaa miyaanay “DIMUQRAADIYAD” ka dhicin.

 

Waa Muse oo dhawaan ka soo laabtay dhulkii…

Musa Adan (Muse Qodaal) (New York, NY)


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra