OPINION

Kulmiye Dimuqraadiyad U Daa, UDUBna Qol Madow Oo Fadhiidyo Isku Urursadeen..

Sidaynu wada ogsoonahay waxaa shalayto si rasmi ugu dhamaaday magaalada Burco shirweynihii  xisbiga Kulmiye ku kala dooranaayay xubnaha u taagan jogooyinka Madaxwaynaha iyo M/ku xigeenka.  Waxaa taa ka horeeyey shirwaynihii dhawaan xisbigu ku qabsaday huteelka Ambassador ee magaalada Hargaysa halkaas oo lagu doortay guddoonka xisbiga.  Labada shirba waxaa caddaatay, saxaafaduna isku raacday  inay ahaayeen shirar aad looga shaqeeyay cadaalad iyo habsamina ilaahay ku manaystay.  Run ahaantii shirkii Hargaysa iyo kan Burco-ba waxaa cadaatay inaanu shir la mid ahi dalkaba hore uga dhicin marka laga eegayao dhinaca abaabulka, habsamida uu u dhacay, ,miisaanka iyo iyaduu hoosta ka xariiqay in haldoorkii shacabka reer Somaliland ay goobta  kawada muuqdeen.

Dabcan xisbi siyaasadeed oo “Democracy” ku dhisan, haldoorkii iyo wax garadkii mandiqaduna ku kulmeen way dhacaysaa in fikradaha qaar  lagu kala aragti duwanaado, taasina waa astaamaha caafimaadka xorriyada iyo demoqraadiyada.  Xaqiiqdii  saldhiga “Demoqracy-sigu” waa in fikradaha  kala duwan la shiilo oo dhammaan xubnaha xisbigu ay xor u noqdaan inay cabiraan fikirkooda, fursadna u helaan inay dalka iyo xisbigaba usoo bandhigaan aragtidooda. Tani waa astaan uu Kulmiye, xisbiyada kale dheeryahay.

Hadaba su’aasha ay dhammaanba reer Somaliland is waydiinayaan waxay tahay, iyadoo aynu wada ognahay in doorashadii dalka aan wakhti badani ka hadhin; Muxuu u qabsanwaayey shirkiisii xisbiga talada hayaa? Goormuuu qabsanayaa? Yaase uga taagan jagooyinka madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka?  Su’aalahani waa  su’aalo ay shacbiga sharafta leh ee reer Somaliland xaqa u leeyihiin inay ogaadaan, welise aad moodo inay ku jiraan quraarada madow ee lagu magacaabo Udub.  Mr. Jaamac Cabdillaahi Biin (Badhasaabka gobolka Togdheer)oo dhawaaan shirkii Kulmiye Furay ayaa saxaafadu kasoo warisay inuu yidhi “waxaan  ugu duceeynayaa inuu xisbigaygu ku daydo KULMIYE”. Hadalka badhasaabku maaaha mid la yaab leb leh, wuxuu markhaati ka yahay dareen, wal-wal iyo walaac badan  oo qaar badan oo Udub ka mid ahi ay ka muujinayaan xisbigooda, taasina ay ku kaliftay inay qaar badini ooda soo jabiyaan, oo raarta Kulmiye kasoo jeestaan.

Sida aynu  wada ognahay waa wax caadiga ah in xukuumada talada haysaa ay had iyo jeer kaga horaysa xisbiyada mucaaridka qabshada shirarka lagu dooranayo musharaxiinta xisbiga.  Laakiin malaa su’aashu halkaynu ka doonayno kuma jirto.  Sida ay sheegayaan dadka u dhuunta daloola qolka madow, waxay cadaynayaan inaan meesha xisbi jirin, haday tahay maamul, haday tahay “structure”xisbi , qorshe howleed iyo mabda’a siyaadeed oo dalka lagu wadana waataynu kaga hungawnay shantii sanee u danbaysay.  Wararku waxay kaloo sheegayaan in xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ay cunaha iskaga duubaan fadhiidyada ugu dhow-dhow Daahir Riyaale, cidii soo qaada in shir la qabto.

Intaa waxaan raacinayaa Udub maaha xisbi looga bartay ama ku dhisan wada tashi iyo furfurnaan siyaasadeed “transparency”, maaha xisbi looga bartay inuu macfalka shacabkiisa ugu yimaado oo uu usoo badhnigo siyaada uu xambaarsanyahay iyo sida uu u xalilayo dhibaatoyinka taagan ee badankooda uu Udub aabaha u yahay.  Tusaale waxaa inoogu filan booqashadii uu dhawaan Daahir Riyaale ku yimi dalkan Ingiriiska taas oo uu ka gacantaagtay, qaadacayna inuu qaabilo qurbo-jooga shacbiga reer Somaliland. 

 Masiibada kale ee xisbiga ku habsatay waxaan ka mid ah iskaba daa hab dhaqan siyaasadeed oo casri, maamul ku dhisan wada tashi iyo cadaalad, waxaa xaqiiq ah inay madaxda xisbigu ka arradan tahay balaaqadii lagu yiqiin dadka soomaaliyeed. 

Dhaqankeena quruxda badan waa wax caadi aha in qof aan cilmi lahayni uu haasaawiyo, dareenkiisana ka haqabtiro gole ilyartu is qabatay oo sheekh iyo shariifba joogaan.  Madaxda Xisbiga waxaa caado u noqodatay inay markay hadal mohdaanba ay dhooqo kusii  gal-galimaystaan   oo cadaawad shacbiga kasii korodhsadaan.  Waa astaan ka markhaati kacaysa inay goblan ka yihiin balaaqadii looga bartay soomaalida. Bal u fiirso af-soomaliga iyo hadalada nuxurka yar ee waliba deelqaafka u badan ee ay ku jawaabaan marka wax laga waydiiyo;

·         Arrinta xayiran ee dhoofka xoolaha

·         Xayirnaanta Dekeda Berbera

·         Iska xidhida iyo ku eedaynta  muwaadiniinta dalka inay ka mid yihiin “al-shabaab” iyo “al-qaacida”

·         Sixir bararka saamayay dhamaanba dalka

·         Dayaca  badan ee ka muuqda dhammaanba adeegyada bulshada

·         Iyo guud ahaanba ka madhnaanta manhaj siyaasiyeed oo dalka lagu xukumo.

Nasiib wanaag shacbiga reer Somaliland maanta kama dahsoona halkuu Udub dhigay shantii sanee u dambaysay.

 

Cabdiraxman Maxamed, London.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra