OPINION

Dildillaaca Kulmiye!

“Haddaad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qaallo

Mid kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine”

Xaaji Aadan Axmed (Af-qallooc”, Tabaalaha Wakhtiga, 1966

Tabaalaha Wakhtiga oo kale waa tix aan idhi Allow maanta maa la wada jaxaasto. Siyaasiyiinta maanta ordaysana yaa tixdaas fahamkeeda iyo ku-dhaqankeeda ku itixaama“. Waxa aan intan yar ka soo garoocday gogoldhig uu Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed “Gadhweyne” u sameeyey buug dhowaan soo bixi doona oo laga qoray Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaankii weynaa ee qayuurka ahaa Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc”.

Bal dhegaysta ereyada ka soo yeedhaya mas’uuliyiinta Kulmiye kuwoodii u sharraxnaa jagooyinka u sarreeya, kuwoodii ugu magaca dheeraa. Maxay ka qaylo-dhaaminayaan? Maxaa keenay gooddi furanka iyo dildillaanka siyaasadeed ee ka dhex toosay xisbigii ugu weynaa mucaaridka Somaliland?

 

La iskama odhan karo way iska cadhoodeen ragga ay ka mid yihiin: Cabdiraxmaan Aw Cali oo lagu yaqaanno hal-adayg iyo geesinnimo mabda’ ku dhisan, Ibraahim Dhegaweyne, Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, Axmed X. Cali Cadami, Dr. Cumar Cilmi Dixood iyo ragga kale ee la midka ah ee maanta u muuqda garab ka hor jeeda go’aankii lagu gaadhey Hoteelka City Plaza ee Burco ee lagu doortay murrashaxiinta xisbiga ee jagooyinka madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.

 

Lama odhan karo garabkani cusubi waxa uu cagta ku hayaa jid cusub oo ka toolmoon kaas u qudhqudhsami waayey ee ay ka soo boodeen sidii kubbad derbi haleeshay. Waxa ay u muuqdaan koox la muquuniyey oo cadho ayay gawnaxyada buurayaan, lagamana fili karo is-beddel naf leh oo ay keeni karaan xisbiga kulmiye dhexdiisa ama xisbi kale oo ay ku biiraanba.

 

Waxa meesha yaalla iyo halka xadhiggu ka xidhmi la’ yahayba waxa ay ku biyo shubayaan hannaanka xisbiga maamulkiisu u dalandalayo oo daldalladiisu badan yihiin iyo caddaalad darro xisbiga dhexdiisa ku sii baahaysa taran ahaan oo hadda ilkaysatay.

 

Sida labada xisbi ee kale ee Ucid iyo Udub, ayaa Kulmiyena waxa uu noqday xisbi u xuurtaysan koox gaar ah oo iskeed isu ahaan hoose leh. Miyaanay marka horeba khalad ahayn in xisbiga Kulmiye intiisa ugu badani isku raacaan oo sacab iyo sawaxan ku guddoonsadaan in aan halgamaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo cid kale isla soo sharraxi karin jagada madaxweynaha? Haddii ay cid kale jagadaas hawaysato saw xisbiguba xujo kama dhigayn? Hadda bal qabso oo qolyahan madaxweyne ku xigeennimada doonayey ee la riixay iyaba taas way u sacabbo tumayeen oo Axmed Siilaanyo ayay u qoondeeyeen kelidii jagadaas in aanay kula tartamim. Hase yeeshee “burkaba bahal” kama aanay filayn oo isma aanay lahayn waxa idinku qarxi miinadii aad xidhayseen; caddaalad darradii aad maleegayseen. Dabka haddeerto ku baxayaa waa kaas ay iyagu xaabadiisa soo gureen. Sidii Axmed Siilaanyo loola jeclaaday murrashaxnimada madaxweynennimo si la mid ah ayuun baa dee Cabdiraxmaan Saylicina loola jantay murrashaxnimada madaxweyne ku xigeennimo. Maxaa dhacay; ma wax caddaalad darradii la ballaysimay ee hore aan ahayn ?

 

Shirka Burco ee Kulmiye Golihiisa Dhexe iyo dildillaankan dildillaaca keenay ee ka soo baxay, waxa laga baranayaa in axsaabta siyaasadda ee Somaliland aanu weli dhexdooda ka bislaan “dherigii dimoqraaddiyadda” ee dabka u saarraa dhawrka sannad guuro iyo in xisbiga Kulmiye oo dad badani is-beddel ka quuddarraynayeen uu u muuqanayo xisbi aan hanan karayn is-beddelkaas loo baahan yahay ee Somaliland inteeda badani hanqalka u taagayso.

 

Ha lagula taliyo xisbiga Kulmiye in ay is daba qabtaan. Ha loo nasteexeeyo labada docood ee isu soo bannafayaa in ay isa soo hor fadhiistaan; ka wada hadlaan khaladaadka dhacay oo labada qolaba wax ku yeelanayaan, isu garaabaan; isu tanaasulaan oo heshiiyaan, dadkana u soo bandhigaan wax ka gadma oo u cuntama. Haddii kale “Karis xun iyadaa wax ku la’”!

 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

 

 

 

 

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra