Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?
Run ahaantii ma kala jecli ninka ay madaxwayne ku xigeenka udoortaan ururkan Snm ee Burco ku shirayaayi, laakiin waxa xiiso badan igaliyay aniga iyo dad badan oo kalaba, bal sida ay Snm u kala saari doonto SNMtii hore iyo SNMta dambe iyo cida ay guusha siin doonaan.
Hadaba iyada oo ay dad badani saadaalinayaan in aanu ururka Kulmiye ee SNM marnaba ku guulaysan doonin wax doorasha ah oo kadhacda dalka Somaliland, ayaa hadana waxay dadku aad uxiisaynayaan bal in ay Snm dhabar adayg (Backbone) tusto oo ay ku adkaystaan in ay yihiin dad taariikh aan labad badali karin leh, taasi oo macnaheedu yahay in SNM ay xaqdhawrto kuwii kamidka ahaa maalmii ay kaadida cabijireen iyo in ay ku badashaan kuwii cabsiiyay ee kasoo horjeeday, iyada oo raga ururka hogaaminayina umuuqdaan kuwo doorbidaya in ay helaan dad ka dadabacsan kuwii ay Snmta wada ahaan jireen.
Hogaanka Kulmiye ee Snm ayaa wuxu umuuqdaa mid ka dhexraadinaya musharaxiinta utaagan madaxwayne ku xigeenka nin fuliya wixii loo idmado oo u dabacsanaada amaradooda, taasina marka la eego inta kaga jirta Snmtii hore oo ah ninkaliya waa ina (Awcaliye) waxay noqonaysaa in ay Snm ku timaado waxa loo yaqaan (Dhalan Rogan) wa’ayo waxa lagu tilmaamaa oo ay kufaaniyaan ina Awcali snmtu nin aan hayin ahayn oo mawqif adag. Sidaa darteedna hogaanka Snm hada utaliyaayi diyaar uma aha in uu nin yaqaan oo wax laqaybsan kara amaba ay isa sira ogyihiin maamul la wadaago.
Tani marka laga yimaado jiljileeca ururkan snm waa mid uwanaagsan dalka iyo waliba dadka jecel midnimada dalka rabana in ay wixii hore iyo jabhadihii meesha kabaxaan. waana mid uqalanta in la soo dhaweeyo loona sacabtumo.
Markase dhankale laga eego waxay niyad jab ku tahay dadkii taageerijiray ururkan snm oo run ahaantii iyaguna ah dad muwaadiniin ah xaqna u leh inay tageeraan ciday doonaan. Waxa intaa dheer hadiiba ururka Kulmye ee SNM gaar ahaan hogaankiisa guud isku raacaan in ay danahooda gaarka ah ka raacaan ta guud iyo wixii ay taariikh kufaani jireenba in ay noqonayso gabagabadii iyo dhamaadkii wixii kahadhay SNM.
Markaa su’aalaha uyaal in uu ka jawaabo shirka burco ee snmtu waxa weeyaan,
(Su’aalaha)
SNM jiritaankeeda shirkaasi miyuu badbaadin doonaa mise wuu burburin doonaa?
Snmta meesha kushiraysaayi ma isku raaci doonaan in ay u codeeyaan nin aan kamid ahayn iyaga laakiin kamid ahaa kuwii kasoo horjeeday waqtiyadii qadhaadhaa ee ay markasta sheegaan?
Manoqonkartaa bilawgii midnimada dadka Somaliland hadiiba ay ucodeeyaan nin aan iyaga ahayn?
Dhaawac intee le’eg ayaa soo gaadhi kara kagana imankara tageerayaasha snm ururka Kulmye ee Snm hadiiba ay doortaan nin aan iyaga ka mid ahayn?
Maxayse faa’iido usoo kordhinkartaa hadii ay doortaan nin kamida dadkii kasoo horjeedi jiray?
Gabagabadii lama sheegi karo hada Kulmiye Snm faa’iido badan iyo tuyar wuxuu ka heli doonaa musharaxa uudoorto kuu doonaba ha noqdee , laakiin waxa xiiso badan aadna dadku usugayaan bal talaabada hadhaagii snm ay qaadaan taasi oo noqon doonta laba midkood, waa ta koobaade 1) in ay noqoto burburkii Snm ama 2) sii xoogayntii ururka snm. Taasina waa mid dhawaan soo bixi doonta?
Waxanan kusoo xidhaynaa maqaalkan su’aashii aan kubilawnay mid udhow oo ah
SNMTA Burco kushiraysaay yaad dooran?
Ma Mujaahid Cabdiraxmaan Awcali oo snmtii hore ah
Mise injineer Saylici oo snmtii damba ah?
Cabdale Farah Sigad




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday