OPINION

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Waxaan halkan talo uga soo jeedinayaa Xisbiga KULMKIYE ee ku shirsan magaalada Burco ee caasimada Togdheer.

Sidaanu aaminsanay aniga iyo dad badan oo reer Somaliland ahi, waxaa horyaala maanta xisbiga kulmiye gaar ahaan 200 da boqol ee golaha dhexe ee dooranaya murashaxiinta doorkan ee Madaxweyneha iyo kuxigeenkiisa wado laba dhabbe ka baydhaan.

waxaad moodaa in aan lagu kala baydh sanayn in gudoomiye Axmed siilaanyo loo doorto murashaxa madaxweynaha balse waxaa wali is garab ordaya murashaxiinta ku xigeenka.

Raga ilaa iyo hada ordaaya waxaa ka mida gudoomiyihii hore ee gudiga doorashooyinka somaliland  Axmed xaaji cali Cadami.

Haddaba, anigoo u dhaadhacaya dulucda maqaalkaygan, waxaa xussid mudan in aanay arintu noqon iska dooro ama kala dooro balse ay noqoto wax ku dooro.

waxaan taas uga jeedaa in raga ku xigeenada u sharaxan lagu doorto waxay dalka iyo  dadka u soo  qabteen islamarkaana xiliga maxaa laga filayaa inay qaban karaan. (taa macnaheedu maaha in raga kale waxba dalka u tarin)

balse waxa jira falsafada loo yaqaano (Rajullul Marxala) oo ah Ninkeebaa  inaga saaraya marxaladan maanta.

Sidoo kale maxuu ka caawin karaa Madaxweynaha, ninka kuxigeen loo doortaa, hadiiba uu Gudoomiye Axmed Siilaanyo calafsado kursiga Madaxweyne nimada Somalind.

Taladaydu waxay tahay waar reer KULMIYOOW kuxigeen u doorta Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami.

odaygaa ku noqon maayo taariikh nololeedkiisa oo dhawaanba insha allah waynu wada akhrisan shirku intuu socdo.

Hadaanu nahay inta badan ee shacbiga Somaliland, asbaabta hoos ku xusan awgeed waxaanu idin leenay waar talo yaanay idin seegin maanta e Cadami ku xigeenka musharaxa madaxwaynaha u doorta:

1- Axmed X. Cali cadami waa hogaamiyihii qaranka Somaliland ee Halganka geedi-socodka dimuqraadiyaynta halka uu Axmed M. M. Siilaanyo ka yahay hogaamiyhii halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta Somaliland.

(sidaasna waxaydun kulmiyoow ku hanan kartaan hormuudka 2da Halgan)

2- Inkastoo loo guuray hanaanka axsaabta iyo dimuqraadiyada hadana isu dheeli tirka beelaha Somaliland waa arin aynu kusoo caano maalnay.
sidaa awgeed reer Awdal madaxweyne iyo M/xigeenba waysoo mareen ee doorkan nasiya. Badalkooda haloo haneeyo M/xigeenka beesha Bariga Sanaag.
3- dhaqanka looga bartay oday Cadami ee hadal cadaanta, daacadnimada,waayo aragnimada iyo daryeelka danta guud, wuxuu ina tusayaa inuu mudane Axmed M M Siilaanyo qudhiisa u noqon doono la taliye ka ugu khayr badan.

4. Axmed x. Cali Cadami waa nin dad iyo dal yaqaan ah wax wayna ka tari kara siyaasada Somaliland ee ku waajahan geeska Afrika.

waa talo waa talo waa talo

Allahna haydin waafajiyo

Axmed Xirsi Madar


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra