OPINION

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Madax:

Marka hore hadeynu macnayno madax, madxa waxa aynu ogsoonahay inuu madaxu yahay qaybta jidhka qofka bila’aadankaa jidhkiisa ugu sareysa uguna mihiimsan, maskaxduna ku jirto ahna qeybta wax hagta.

Madaxweyne:

Hadaba hadii aynu  luqad ahaan u eegno erayga madaxwayne, waxa inooga soo baxaya laba erey oo kala ah madax iyo weyne.  Taa macneheedu wuxuu ku tusinayaa ama noqonayaa inuu madaxwanuhu ku timaaman yahay qofka dadka kale looga door biday inuu dadka intiisa kale ka garasho badan yahay.  Taasina waxay ina tusaysaa inuu madaxwaynuhu yahay qofka loo doortay inuu dadka iyo dalka u horseedo majare toosan oo uu keeni kara umadaa cadaalad, sinaan, nabadgalyo, horumar iyo barwaaqo.

Maqaalkan maanta waxaan ku eegaynaa sifooyinka looga baahan yahay qofka madaxweynahaa iyo Aqoonta iyo Xirfadaha lagama maarmaan u ah inuu yeesho.  Ugu danbeyntii waxaynu eegaynaa sida dadweynuhu u arku karo ama u arkaan qofka madaxdaa.

Sifooyinka qofka madaxdaa laga rabo

  1. Dhaqan hufan (aamin, daacad, balan iyo axdi dhawr)
  2. Qof ihitijaad ku sameynkara arrimaha lasoo gudboonaada
  3. Maskax wax maarayn karta
  4. Caadil u ah cid walba iyo arin kasta
  5. Waxyaabo kala duwan danayn kar (oon wuxuun ku koobnayn)
  6. Qof talo iyo tilmaam bixin kara
  7. Qof bisil xaga caadifada (oon caadifi ahayn)
  8. Leh maskax wax qorsheyn karta
  9. Qof naftiisana iyo dadka kalaba xurmeeya
  10. Da’daal badan
  11. Talo goyn leh
  12. Qof abaabul fiican leh
  13. Qof laysku haleyn karo
  14. Qof xamaasad leh oo had iyo jeer wax soo kordhinaya
  15. Qof firfircoon oo waxqabad badan
  16. Leh maskax uu dadka ku carbiyo (oo tusaale fiican noqonkara oo wax lagaga dayan karo)
  17. Qof Aftahanimo leh
  18. Qof macquul ah
  19. Qof feejigan oo soo jeeda
  20. Masuul ah
  21. Wanaag raadis ah (Samaha ka taliya)
  22. Qof wuxuu hayo basrin kara
  23. Qof Hawl kar ah
  24. Daacad (u ah dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisaba)
  25. Qof raxiim ah/Raxmad badan oo dadkiisa iyo dalkiisaba u damqanaya

 

Aqoonta uu leeyahay ee laga filayo qofka madaxdaa

Aqoonta qofka madaxdaa laga doonayo, waa inuu arimahan soosocda  aqoon u yeesho :

  1. Ujeedooyinka iyo mabaadiida dalka iyo dadkiisa iyo distoorka dalka u yaala
  2. Habka dalka ama bulshadu u dhisan tahay ama u dhaqanto
  3. Waa inuu ninkaasi gartaa shaqadiisa iyo masuuliyadiisa
  4. Waa inuu siyaasada iyo dhaqanka iyo habsacodka dawladeed ogaado kuna dhqmo
  5. Waa inuu aqoon u yeesho assaaska dhaqaalaha dalka
  6. Waa inuu ka warhayaa ama lasocdaa wax soo saarka iyo wixii suuqa u furan dalkiisa
  7. Waa inuu leeyahay aqoon la xidhiidha xeer soo saarida hadba quman
  8. Waa inuu leeyahay dhaqan ku munaasiba kursiga madaxwaynaha ama kursi kalaba
  9. Waa inuu leeyahy awood qof ahaaneed iyo mid haahi horumer iyo horu socod
  10. Waa inuu aqoon u leeyahay hab dhaqanka dalka
  11. Dadla xidhhiidhid iyo warbaahin

Xirfadaha looga baahan yahay qofka madaxdaa

  1. Fikir wax abuur leh ( oon dumis ahayn)
  2. Qorsheyn, abaabulid, meel marin iyo dabagal
  3. Tababarid (inuu leeyahay sifooyin tababarnimo ka muuqato iyo tilmaamid)
  4. Habka shaqada uu si haboon u qeybin karo
  5. Meeleynta qalabka, kharashka iyo ciidanka hawsha fulinaya
  6. Si fiican u doorashada qofka shaqada ku haboon
  7. Wada shaqeyn iyo macaamil fiican inuu la yeesho dadka kale
  8. Waa inuu si xaqa u meel mariyaa xeerarka iyo qawaaniinta dalka
  9. Sixitaan wixii khalada ama goldaloolo soo baxa
  10. Si fiican u maamul arrimaha kadiskaa ama dagdagaa
  11. Inuu dadka dhammaan tusaale fiican u noqdo oo lagu dayan karo

Sida dadwaynu u arki karo ama u arkaan qofka madaxdaa

  1. Allaah ka cabsi leh
  2. Qof Fikir fiican
  3. Eexasho la’aan
  4. Daacadnimo
  5. Hawlkar
  6. Dal iyo dadyaqaan
  7. Majaro hayn (inaan cidkale hoosta ka xukum)
  8. Geesinimo
  9. Hadal cadi/Gabasho li’i
  10. Go’aan qaadasho leh
  11. Karaamo leh/Qadarin
  12. Dadwaynuhu ay xiiso u hayaan
  13. Waxqabad iyo waxtar

 

Hadaba dadwaynoow maanta oo aynu ku jirno marxalad aad u adag idinka iyo garashadiina ayaan u dhaafayaa inaad qiyaastaan oo aad miisaanka saartaan halka maanta madax deenu ay ka galayaan arrimahan aynu kor ku soo xusnay.  Qofwaloobana is weydii maxaad cid uga doorbidaa cid kale sifahaad  u adeegsataane muxuu yahay. 

Ahmed  Dahir Elmi

London, UK

Khaadun@yahoo.co.uk 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra