Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.
Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.
Haddii shirka Burco lagu dooran waayana waxa is weydiin leh sida codkaa lagu heli doono.
Mudanayaashii aan shalay farriinta deg-degga ah u dirayey, waxa aan maanta dhinaca kale ka tusayaa in ay ka idha la‘ yihiin wax badan, haddii ay tixgelin waayaanna ay seegayaan dariiqa guusha.
Ma waxa la kala dooranayaa aqoonyahan iyo jaahil?
Ragga musharrixiinta ahi aqoon iyo waaya aragnimo kala badan. Ka in la doorto xaqa u lihi waa ka aqoon ku hoggaaminaya dalka iyo dadka, waa ka waaya aragga ku ah maamulka, waa ka aan been been wax ku doonayn.
Ma waxa la kala dooranayaa ka aan haysan shacab codeeya mise ka cod mug leh madasha la imanaya?
Sida dhaqankeennu yahay, waxa aan weli ku dhisannahay reer guuraa-nimo, dalkeennuna badi waxa ay u dhexeeyaan Somaliland iyo Itoobiya, waxanan aamminsanahay in dadkeenna deggen gudaha dalka iyo ka xadka ka tallaabsaniba uu codayn doono. Summad lagu kala soocaana aanay jirin. Qabiil lagu kala soocaana aanay jirin. Sidaasi daraaddeed aan ogahay in ay musharrixiinta qaar madasha keeni doonaan mawjado dad ah. Maalintaa ayaana la ii garaabi doonaa. Haddii laguugu sheekeeyey aniga ayaa deggen gudaha uguna badan….waa been, hore ayaa loo arki lahaa. Haddii laguugu sheekeeyey qabiilooyinka qaar waa xabashi oo innala dal maaha waa been.
Hadhaw bay dhurantaa oo ma dhex joogin tidhaa….ee waa dharaare dhacso. waa tix gabay ah, oo maanta lagu maah maahi karo. Prof. Ismail Are nin u adeer ah ayaana hore u yidhi.
Ugu dambayn waxa aan ka digayaa in la guul darraysto.
Ahmedweli Goth…….London.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday