Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi
Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi
Halkan waxaan ka cadaynayaa anoo ah muwaadin ka tirsan qurba jooga reer somaliland ee degan cariga UK/ ama Ingiirska magaala madaxdeeda (London) magacaygana la yidhaahdo Jaamac Cali Tooxyare, oo ku magac dheerna Jamaac (Eraani), inaanuu ninka la yidhaahdo Maxamed Cali Xirsi oo ku dooday inuu yahay musharaxa Madaxwaynaha u taagan marka laga yimaado Mujaahid Axmed Siilaanyo ee xisbiga Kulmiye aanuu ka qaadan shahaadada uu sheegtay ee la yidhaahdo ;Association of Chartered Certified Accountants(ACCA) wadanka UK meela (Accountancy Firms)ama shirkadaha xisaaba qabta ah anuu u shaqayn maalina ilaahay ka dhigee. Cidii rabta in ay warkaas xaqiijiso waxay la xidhiidhi kartaa halkan: www.accaglobal.com
Markaan baadhay waxaa loo yaqaan dadka ku jira Data Base ka khasatan cida (full membership) / ama sharcigu u dhigayo inay qortaan magaca ama (practice) sameeyaan, xitaa (Part Qualified maha) oo ah inuu dhameeyey Level1 and Level2. Waxa cad in shakhsigani ku qortay CV giisa inuu yahay (Full Membership) Association ama ururka loo yaqaano (ACCA). Waxaa la yidhi hadaad been sheegto mid run u eg sheeg, sidaas darteet beentu lug la qabto ayay leedahay Maxamed Cali Xirsow.
Sharciga (ACCA) si aad full membership u hesho wuxuu dhigayaa inaad 3dex sano kazoo shqayso shirkadaha (ACCA) ga u liis garaysan oo laysla yaqaan ka dib marka aad imtixaanada dhamayso, amaba intaad dhiganayso. Maxamed Cali Xirsi meel uu kaga soo shaqeeyey ma jirto maalina shaqo caadi ah muu qaban mid dowladeed iyo mid shirkadeedba cariga ingriiska waana la wada ogyahay.
Anigoo ah Jamaac Eraani waxaan ka ahay xubin aan buuxin Association ka loo yaqaano (ACCA) kazoo leh 3dex nooc oo ah membership ama xubinimo.
- Full membership/ama xubinimo buuxda- waa qofkii dhameeyey imtixaanada iyo 3dex sano oo khibrad ah kaasaana magaca (ACCA) CV ga ku qoran kara
- Affiliated membership/ama xubinimo aan dhamayn
- Student membership/ama xubinimo ardaynimo
Hadaba anoo Jamaac Eraani ah waxba iminka halkan ka odhanmaayo musharaxnimada Maxamed Cali Xirsi inkastoon tala gaar ah markale kazoo saari doono shakhsi ahaan iyo reer ahaan ba. Hadaba su’aashu waxa weeye Maxamed Calo Xirsow dadka beenta ka daa waxaad tahayna waa lugu yaqaane, membership kana ad sheegatayna waa dembi wayn oo waxaad ka dhigantahay nin yidhi dhakhtar baan ahay ee aan ku qalo oo kale wadamada aan ku noolahay, waayo talo ayaad bixinaysaa umad baanad wax aan jirin u sheegatay, markaas waxa beenta intaa le’eg ee la ogaan karo aad u sheegtay baan la yaabanahay runtii. Waxaan kaloo kuugu darayaa intaas in (ACCA) kusoo baadhayo inaad meela kale been ka sheegtay oo hadii ay cadaato ah denbi wayn(criminal Offense).
Maxamed Cali Xirsow (ACCA) full membership ku ka wayn shirkan aad Ryaale kula Jirto iyo Somaliland dumiska maanka gaaban ama sheekadan aad dan yarta iyo haweenka ugu sheekaysid ee aad tidhaahdo (UN) baan u shaqeeyaa tasoo iyana dad u shaqeeyaa kusoo baadhayaan. Akhristow wixii faahfaahin kala soo xidhiidh magaca hoosta ku qoran. Guddida doorshada Kulmiye waa in fiiro gaar ah u yeeshaan arintaas beenta cad ah.
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
PS: if by any chance you you’re Accountant Technician you cannot claim by law the, (ACCA) membership because (AAT) has their own Association but certainly they are not Chartered Certified Accountants.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday