OPINION

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.
 
 
Aniga oo ku hadlaya wax garad badan, aqoon yahanno badan oo rag iyo dumarba leh, dhammaantoodna u dhashay Somaliland, immigase kala deggen; Somaliland,Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Holland, Denmark, Norwey, Sweden, Finland, South Africa, Australiya, waddammada Carabta iyo Kanada. Waxa aan farriintan u gudbinaynaa ka qaybgalayaasha shirka xisbiga Kulmiye ee sida jadwalkiisu yahay dhici doona 23/08/2008, laguna qaban doono magaala madaxda Togdheer ee Burco.
 
Madashaasi oo lagu dooran doono mudanayaasha u tartami doona madaxweynaha iyo M/kuxigeenka shanta sano ee soo socda.
 
Haddaba, si uu xisbiga Kulmiye u guulaysto ayaa waxa loo baahan yahay in ay dadkiisu ka talo bixiyaan meel kasta oo ay joogaanba, sidaasi daraaddeed ayaan u soo jeedinaynaa taladan, sidan ayaanay u qoran tahay.
 
Mudanayaal iyo Marwooyin.
 
Marka hore waxan idinku Salaamaynaa salaanta islaamka ACWW, marka xigana waxa ilaahay idiinka baryeynaa in aad af-garad iyo guul ka gaadhaan kulankiinna.
 
Walaalayaal, maaha markii ugu horreysay ee uu shir u qabsoomay xisbiga Kulmiye, mana noqonayo kii ugu dambeeyey. Rajada iyo gushuna waxa ay ku xidhan tahay sida loo dhammaystiro, tiirarka iyo tallaabooyinka guusha. Tusaale ahaan, Qabiilaysi, laaluush iyo nin jeclaysi kuma jiro shuruudaha guusha lagu gaadhi karo, arrimaha noocaasi ahina waxa ay horseed u noqonayaan guul darro iyo bur-bur. Mudanayaasha madasha isugu yimidna waxa ku waajib ah in ay caddaalad sameeyaan, caddaaladda ay samaynayaanna waxa kow ka ah in shakhsi kastaa maskaxdiisa geliyo in uu doorto, shakhsi karti, aqoon iyo dadnimo leh. Shakhsi iib-geyn kara damaceenna iyo hadafkeenna. Shakhsi khibrad u leh toosinta maamulka, isla markaana daacad u ah hawsha qaranku u igmado.
 
Sidaasi daraaddeed, mudanayaasha waxa ka reebban in ay wax ku doortaan qabiileysi, qof jeclaysi iyo in ay garab galaan shakhsi aan karti u lahayn mas’uuliyadda amma aqoontiisu ka hoosayso damiciisa.
 
Marwo iyo Mudane,
 
Arrimaha aan kor ku soo sheegnay ma idiin dhadhamaysaa, mise xaalkeennu waa aan qasanno, oo aan dadka iyo dalka u horseedno qas iyo wareer. Marka aan sidaa leenahay waxa aan u jeedaa oo aan arkayaa in mad madow jiro, oo ay dadka qaar golaha la dhex fadhiyaan qas iyo walaaq. Kuwaasina guusha waxa ay u yihiin cadow. Waxase aan ku kalsoonahay inay mudanayaal kale oo badani talo wanaagsan hoggaaminyaan, oo aan is leeyahay wax ay wanaajiyaan mooyee waxba xumayn maayaan. Xisbiga Kulmiyana maanta badbaadin ayaa uu u baahan yahay. Haddii uu shalay qaldamayna yaanu maanta ku darin. Wixii maanta la go’aansadaana waxa uu galayaa sooyaalka.
Ugu dambayn waxa aan ku talinaynaa in ay mudanayaasha shirku ku doortaan musharrixiinta…….aqoon, karti, dadnimo, daacadnimo iyo godob la’aan.
 
Musharraxa xusidda mudan ee aan intaaba ku ognahayna waa Prof. Ismail Muumin Aar oo u tartamaya musharraxa madaxweyne ku xigeenka.
 
Doorasho wacan.
 
Ahmedweli Sh. Omer
London.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra