OPINION

Waar Toloow Muuse Waa Kaa!

Waar TOLOOW (MUUSE WAA KAA haloo badalo MUUSE’OOW MOHAMED WAA KAAH).  

 

Dhamaan waan idin salaamay dadka reer Somaliland oo dhan, Itaah ka dib hadaan hadalkaaga u guda galo waxaan manta internetka ku arka inan la yiraahdoXildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Sheegay in uu yahay Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye aniga oo ninkaa ku arkay Hotelka magalada hargaysa ku yaal 2008 oo uu markaaba hadalo iga yaabiyay kula dhax jiray xildhibaanada ka soo jeedaha Bari burco malintaa oo aay waliba rag waaweyn oo reerka siyaasiyiin toodaha lagu tilmaamo ayaan la yaabay iyo fikarka uu qabo ama olalaha uu ku jiro ninkaasu aad iyo aadna waan ula yaabay isaga oo sheegay in uu doonayaha in shir reerka ah lagu qabto magaalada hargaysa, shirkaas oo lagaga soo hor jeedo Ahmed silaanyo  isaga oo aad moodid in uu u janjeero dhinaca Sulmaan Gaal waxaana la yaabay sida uu maxamiska u yahay ninku , waayna iga wareerisay sheekada sida aay u socoto waayo anigu dalka kuma korin dabada ayaan I badan ku maqnaa oo dadkaba in aay sidaa isu wada daba yaacayaan ma aan ogeen oo mid qabiilkaaga ah iyo ka saxiibkay ahba ama xididka ila ahiba waa tolkay ee in sidaa loo jabay oo ninba nikala eegayo ma aan ogeen, hadaan hoos u sii yara dago maalintaa hadal ayaan ku iri Maxamed Cali iyo nimankale oo xidhimaano ama siyaasiyiin ahaa oo meesha joogay markaan hadalkii dhuuxay oo ahaa aniga oo aan reerka kala saareen oo kala qabinaan waayo somalidu waxaay tiraahdaa GACMA WADA JIRKOODA WAX KU JOON KARAAN hadana ma aha in wax walba lagu shaanbadeeyo magic guud ee reeraha aniga oo hadalkaa uga sacda in aan si qaladan loo fasilin  ayaan Inaadeerkay Maxamed ku iri Maxamed ma waxa aad reerka dhan isugu yeeraysaan 4 tan inan ee reerka waalayaha , inaadeerkay wax uu iigu jawaabay waayo maxaad sidaa u leedahay, waxaan ugu jawaabay maxamed inaadeer waa caaf in aad tiraahdaan Hargaysa ayaa Habar Jaclo ku shirtay oo wax yar oo bilaa micna ah oo hadhoow la yiraahdo reerbaa shirayaha Maxamed waa ka yara booday hadalkaa oo aad iyo aad buu u doonayaa in shir la qabto oo Siilaanyo lagu cabaareeyo inta yare  reerka ka joogta Hargaysa odagaa siilaanyo madax la goosto oo la inqilaabo aniga oo sii galeen sheekada ama sii qodqodeen aniga iyo inaadeerkay maxamed waanu kala figrad duwaneen waayo anigu waxaan u arkayay waxaan reerka waalayaa in aay  reer ama raaska kasoo wada jeedaah oo reeraha kala ka madax banana yahiin , waxaana aan jaclaaystay in bal raasuku dib isugu nogto oo soo tashado ragoodana soo kala saaro hadii aay kari kari waayaan in aay odayada reerka inta la joogta u yeeraan oo yiraahdaan waar wax nala qabta lakiin in magac reer la’isticmaalo waay ila yar naqon waayday waayo ma joogno meel Habar jaclo isku soo hor fariisato oo laba qolo oo midba wax gaaraha doonayo isugu soo urura reerku waa ka weeyn yahay ee Xildhibaan Maxamedoow inaadeer hadaad tahiin Maxamed Aboker isa soo kala saara hadii kala magac reerka ka daaya meesha oo si kala u dhiga, Xildhibaan Maxamed sheekadiiba xaguu doonayay ayuu ula kacay oo iigu jawaabay maxaad reerka u kala guraysaa oo Maxamed Aboker goonida igu saaraysaa, waxaan u sheegay inaadeerka Maxamed in aanan kala saareen tolka oo aay isku mid yahiin lakiin shaanbada siyaada ku qarsoon in aanan u bogin reerkii hadaanu nahayn meesha iminka waa ku wada fadhinaah iyadoo aan cidi inaga maqnaan ee bal waa taahsaha hagula yaabeen, halkaa nin weeyn oo reerka ah oo siyaasi caan ah oo aanan jacleen in aan magaciisa sheego ayaa ku yir inaadeerkay Xildhibaan Maxamed waar ninkani waa nin hadalka cad iska yaqaan oo aan la gaban wax uu arko ama maqlo oo aay gubto hadal xantaha ee dadkooda is qabooji anigaba sidaasbuu ii qaniinay ah, Xildhibaan maxamed halkii ayuu naga kacay isaga oo aan ka dareemay in uu careesan yahay, shirkiina sida aan ogahay ma qabsoomin aniga ayuu igu joogsaday malahi ee waxaan filayaa in aay markii danba inaadeerkay Xildhibaanka Maxamed iyo kuwo kala oo la fakar ahaaba  joogiyeen oo u cuntabi waayday.

Xildhibaan Maxamed waxaan leeyahay inaadeer kulama yaabin damacaaga iyo raganimada aad ku doonatay in aad qabato jagada ugu sareesa wadanka yare e dhibta la ceerceerayaha waxaana ku leeyahay maalinteeda walee waan kula barbar taaganahay hiil iyo hooba ee maanta oo ISAAQ IYO INTEESII kalaba wax aay ka xishoodeen in aay kula tartamaan silaanyo ayaad adiga oo ah inaadeerkii oo waliba dhalin yaro ah aan rug cadaa ahaan oo aan somalida dhaqankeeda wada aqoon isku soo qaaday xaradii tolkii kalaba leeyahiin waar odaga kula tartami meeno jagadaa oo kaga dhigtay MOUSE’OOW MAXAMED WAA KAAS ileen markii horeba idinka ayaay idinku soo baxday hadalkan Mousa Aboker dusha laga saaray ee ahaa Muuse waa kaa oo maanta ku haboon in la badalo oo loogu badalo MOUSE’OOW MAXAMED WAA KAA waayo maalin waliba mid aan loo fadhiyin ayaad kiintaan waar ma maanta ayaa lalahaa Saleebaan Gaal iyo Ahmed Silaanyo waa hashiiyeen oo isaaq badankoodu ku farxay baad adiguna meelkala ka soo fuurtay inaadeer raganimad aad leedahay yaanay nago in hadhoow la yiraahdo waar awalba reer jamac waalbuu ahaa ee  iska ilaali in aay kugu soo maaxdo fudeedka reerka lagu yara xanto bal wax hubso (hubsiin baa hal la siistaabaa la yiri ah).

Gunaanadkii hadalkaaga waxaan ka codur daaranayaa qabilooyinka ama tolka kala in aanay u qaadan maqaalkaagan mid qabyaalad ah oo aan wax gaar ah ula jeedo ama wax ku guubaabinayo ee wax idishay kalmadan la leeyahay MUUSE WAAKAA aniga oo reerkaa ku arooraha magac tirsi ahaan oo hadan wax dhibaato ah lahaan in mahmaa aanan gayini dusha naga fuusho baay ila noqon waayday meeshii lahaadna laga soo duwo inkata oo aanay meel dheer iga tageen oo reerkii uun dul fadhdo QOSAL YAR YAR hadana aan guubaabin  marka runta la sheego aanay muusa ka maqnaan iyada oo aan jaclahay in aad ka dhigtaan in shirkii GARADAG oo kala ka hadal ama aan ka mid ahay odayada fadhiyaha.  

Marka hore Somaliland ha noolato marka xigtana Tolkaay oo dhan waa reer Somaliland oo dhan hanoolaadeen iyo caafimaad qab

 

 

Best Regards 

Abdulaziz M. Al-Somali

Central Area / Customer Devices Support Division

IT/CDSD/CA Workstation Field Support Unit.

Mobile:   0509143301, TEL: 03-872-6422, Fax03-872-6626

E-Mail/ somaliam@aramco.com.sa


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra