OPINION

Riyale Maxa Lagu Doortaa Xiligan Isaga Xilka Haye?

Is He Capable of Solving Somaliland Problems?

 

Walaalayaal iga gudooma salaanta Islaamka (ASCWW). Waxaan maanta ku soo wareegay dhamaan waaxyaha magaalooyinka galbeedka Somaliland. Waxaan wiigii hore tegey dhinaca Bariga Somaliland (Burco). Waan ka cudur daaranayaa inaanan gaadhin Caynaba meel ka sii shishaysa. Waxaan jeclaan lahaa  inaan idiin soo gudbiyo maqaalo taxane ah oo ku tusaaya wacdiga iyo dhibka dhulkan ka taagan. Laakiin fasaxa ayaa igu yaraa (two weeks) keli ah ayaan haystey.

 

Laakiin waxaan maanta jeclaystay bal inaan dad weynaha u soo ban dhigo su’aalo aan soo arkay oo madaxayga ka daadegi waayey…Qofka bini aadam ka ahi xaq ayuuu u leeyahay inuu doorto qofka uu jecel yahay, ee uu u arko inuu dhibaatooyinka jira ka dul qaadi karo….Laakiin waa inuu is weydiiyaa sababta.

 

  “Is he’s capable of doing what he says he’ll do? Ma kar i karaa inuu fuliyo waxa uu sheegaayo?

  “Is He Capable of Solving Somaliland Problems?  Karti ma leeyeyhay dhibaatooyinka jira ku xalilo?

 

 Oday waayeel ah oo Maraykanka igala shaqeeya ayaa wuxuu igu yidhi. Madaxweyne Bush iyo kooxdiisa ma u foodaayo mar danbe, xitaa hadii ay bisad iyo iyaka ii timaado….Waxaan u foodayaa bisada…Waayo? Waan arkay waxa ay yihiin Bush iyo kooxdiisa (Republican party). Bisadaa ayaa lay qaatay….

 

WALAALAYAAL ALLAHA WEYN (SWT) AYAAN IDINKU DHAARSHEE…SI XILKASNIMO LEH…OO DAACAD AH OO WALAAL TINIMO LEH OO … ALLAHA WEYNI KUGU OG YAHAY….SU”AALAHAN ISU WEYDII?


BAL HAL SHAY OO DAHIR LAGU JECLAADO II SHEEGA?

1.     Ma waxaa lagu jeclaadaa dulmiga iyo xatooyada dadweynaha

2.     Ma musuq maasuqa?

3.     Ma dayaca ka muuqda dadka iyo dalka?

4.     Ma wadada gurigiisa hor marta ee uu dhisi kari waayey?

5.     Ma sixir bararka?

6.     Ma cadaalad darada baahday?

7.     Ma adhigan…ay tuuga Carabka ah shurkada ku yihiin?

8.     Ma dekeda Berbera ee goraygu ka hadaaafay? Ee Bosaso boodhka ku liqday?

9.     Ma xadhiga dadka lasyka soo xidhaayo ? Haduu u daraa oo AL SHABAB inaga wada dhigay…..?

10. Ma daaraha iyo hundheelada quruxda badan ee shacabku dhisteen ee wado wacan aanay hor marin.?

11. Ma hay adahan uu meesha keli ah u xidhay?

12. Ma maagaladan Hargaisa ee aan lahayn “City planning” iyo “Sewage System” oo aanay suurtaba geleyn in lagu noolaado?

13. Ma dhulkii danta guud ee SIYAD BARE ka xishooday dawladan iibsatey…?

14. Ma 16 kan gobol/degmo  iyo tobanka kale ee soo socda…ee uu sameeyey…iyadoo kuwii 200 sano jireyba aanu waxba ku kordhin?

15. Ma doorashooyinkan xiligoodii dhaafay….Aduunka ma ka dhacdo dawlad xiligeedii dhaaftay oo iska sii fadhidaa….?

16. Ma dalkan bari ilaa galbeed shaqo la’aanta ah…?

17. Ma dalkan 9:00 subixii shaqada lagalo ee 11:00 subaxii aanad qofna xafiiska ka helayn?

18. Ma xafiis yadan iyo wasaaradahan “JABANAHA AROORTII” lagu jiro?

19. Ma wasiirkan marna Murqaanka marna Qaadirada la ildaran?

20. Ma wasiiradan xadhkihii goostay ee waxay doonaan ku hadlaaya…(Bal xiligii Cigaal dib u eeg)?

21. Ma keli talis nimada iyo talo wadaag la’aanta….Aan cidna talada wax laga siinayn?

22. Bal maxaa lagu jeclaadaa, ALLAHA WEYN (SWT) ayaan kugu dhaarshee???

23. Dhinacna inooma bad qabo…Dad iyo Dal toona ma bad qabaan???

24. Mise waa yaabe…REER JECLAYSI IYO REER NABCAYSI????….. IYO KALA SHAKI??? ayaynu dalka u burburinaa???

25. Bal ALLAHA WEYN (SWT) ayaan kugu dhaarshee….II SHEEG???


ILKO WADO JIR AYAY WAX KU GOOYAAN ….EE MA TASHANAA…..???

UNITED WE STAND, DIVIDED WE FALL….

 

Waa qalinkii Muse Adan (MUSE QODAAL)

MQodaal@yahoo.com

(New York, NY)

Waxan fasax gaaban ku joogaa Gabiley, Somaliland.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra