Dildilaaca UDUB Iyo Dayaca Talaabo
Shaki kuma jiro in Qof waliba wixii uu tabcado nolosha ka helayo hadba sidii uu dadka ula dhaqmana loola dhaqmayo, dadka qaarkii uma haystaan in ayaamuhu meerto yihiin oo xiligu sidaa habeenka iyo maalinta isu bedelayo, badhaadhaha iyo nimcaduna tahay wax ayaamo la hasyto, madaxtinimada iyo masuuliyaduna waa meerto maalinba nin hayo hase yeeshee waxaa ka hadha war iyo sheeg sheeg, badi dadka masuuliyiinta ahi labo mid uun bay noqdaan mid baas oo la yidhaahdo kaas haynugu soo hadal qaadin oo magaciisa laga xanaaqo iyo mid hadh iyo habeen afka lagu hayo oo mudadii uu xilka hayey wax muuqda ka tegay waajibaadkii iyo xilkii uu qaadayna sidiisii uga soo baxay isla markaana lagu majeerto siduu uga faa,iidaystay fursadii soo martay ee uga soo baxay balantii uu qaaday ee talada wanaagsan illaahay u garan siiyey
nin malaha hawl badnaa oo laga caban jiray awood dawladeedna gacanta ku hayey ayaa sida la sheegay xanuunsaday markaasaa xanuunkii ku sii kordhay dabadeed eheladiisii ayaa ku tidhi waar hebelow mooyi sida xaal noqone bal ducayso wuxuu ku jawaabay oo maxaan ducaystaa horaa loo ba,aye isagoo u jeedaa horaan wax u soo kharibay ee hada oon xanuunsanayo duco maxay ii taraysaa waxaad moodaa inuu xataa illaahiisii abuurtay raxmadiisii ka quustay wuxuuna illaaway in illaahay qafuura raxiim yahay oo ay mar walba banaantay tahay in la baryo oo gacmaha la hoos dhigto nasiib daraduna waxay ka dhacday isagu shalay markii uu xilka hayey taas muu xusuusnayn wuxuuna u dhaqmayey oo afcaashiisu u muuqatay sidii nin aduunyadan ku waaraya oon dan iyo muraad ka lahayn aakhiro iyo xisaabteeda.
Wiilkii waalid caasiga ahaa ee aabihii markii uu itaal dareeyey ee gaboobay indhahana beelay sii tukhaantukhiyey ee saymaha cidlada ah kaga dhaqaaqay goor gabal gaabad ah oo qoraxdu liiqa sii dhigayso halkaasna aabihii haadka iyo haanraawuhu kaga dhergeen aakhirkii isagiina Waxaa helay wixii uu tabcaday kolkii uu gaboobay ee sidii aabihii awood gabay aragiina beelay ayuu wiilkiisii itaal biday oo doonay inuu gacanta qabto uu u gargaaro hase yeeshee arxan daradii iyo cadawtooyadii uu aabihiis kula kacay waxay dib ugu soo noqdeen isaga laftiisii ka dib markii uu gaboobay ee awood gabay indhihiina waxba ka arki waayey waxaa usha u qabtay wiil uu dhalay oo sidiisii oo kale u arxan daran oon wax khayr iyo ijaabo midna lahayn.
Odaygii waayeelka ahaana waxaa calaf iyo cunto u noqday gujo iyo guhaad joogto ah aakhiirkiina goor aan habeen iyo maalin midna ahayn ayaa wiilkii habaar qabaha ahaa goostay inuu duqan gaboobay ee itaalka daran daartii aakhiro u diro wuxuuna talo ku soo gooyey inuu geeyo geriyaad cidla dabadeedna halkaas kaga dhaqaaqo, odaygii oo garawsaday gabaahiirta cidlada ee lagaga dhaqaaqay inay tahay tii uu waagii aabihiis kaga dhaqaaqay ayaa yidhi habaar qabe adigana halkan ayaa kuu danbayn doonta isagoo wiilkiisii la hadlayaa, waase goorma waa goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen haduuu ogaan lahaa maalintii uu aabihiis cidlada kaga dhaqaaqay in isagana tan oo kale sugayso kuma dhiiradeen inuu ku kaco falkaas axmaqnimada ah ee if iyo aakhiraba uu ku seegay
Hadaan u soo noqdo dulucda maqaalkayga beryahan waxaynu maqlaynay xisbigii talada haya ee udub oo gorada iskula jira haday noqoto qabashada shirkii guud ee xisbiga kaas oo weli maan dhaaf ka taagan yahay iyo haday noqoto madaxdii ugu sareysay oo ismaan dhaaf ku kala dhex jiro waxaynu saxaafada ka akhrisaynay mujaahid talaabo oo ku maxbuusan hotel adisababa ku yaal mudo dheerna soo qalinayey oo madaxdii iyo masuuliyiintii kale ee udub dhegaha ka furaysteen.
iyadoo la iloobay ayaa wargeysa ogaal ku war helay odayga ku cadilan itoobiya oo u gurmaday dhawaaqiisiina dhegeheena soo gaadhsiiyey. mujaahid talaabo oo ahaa ragii ugu macangegsanaa madaxda udub ayaa wuxuu xiliyada qaar aad u aflagaadayn jiray saxaafada madax banaan wuxuuna ku goodiyi jiray inuu talaabo adag ka qaadi doono malaha odaygu muu filayn inay maalin uun miciin u noqon doonto oo dhawaaqiisa meel dheer gaadhsiin doonto.
Dad badan oon la socon dhibka hayta mujaahid talaabo ayaa ku war helay wareysiga Ogaal waxayna is weydiiyeen sababta keentay in nin ka tirsan golihii wasiirada oo xaalad caafimaad daro la soo deristay sidaana debeda ugu dhoofay kolkuu u baahday dhaqaalihii uu ku bixi lahaa in albaabka laga xidho oo dhegaha laga furayso dabadeedna sidaa lagu iloobo waxaana lagu micneeyey ma dhaqaale la,aan ayaa khasnada dawlada ka jirta mise waxaa jirta xifaaltan iyo xintan u dhaxeeya madaxda sare ee udub iyadoo wasiirada mujaahid talaabo carabka ku dhuftay magacyadooda ee hagraday gacan qabashadiisa ay yihiin raga ugu miisaanka badan golaha wasiirada iyo xukuumadaba sida wasiirka maaliyadda mudane cawil iyo wasiirka arimaha debeda mudane cabdillaahi maxmed ducaale si kasta xaal ha ahaadee mujaahid talaabo waa la iloobay xili weliba xanuuno kala duwan ay fara baas ku hayaan caafimaadkiisa, siduu sheegayna noloshiisu khatar ayey ku jirtaa hadaan loo gurman
Waxaa kale oo khilaafka madaxda sare ee udub ka mida arinta dhoofka xoolaha oo aad laysugu maan dhaafay rag badan oo golaha wasiirada ahina madaxweynaha u soo jeediyeen inuu iska dhaafo fara gelinta suuqa xoolaha iyo kootada uu xoolaha ugu xidhay ninka sucuudiga ah ee aljaabiri, doodan oo mudo ka dhex socotay golaha wasiiradda ayaan madaxweynuhu la iman wax tanaasul ah wuxuuna ku adkaysay in lagu dhaqmo heshiiska dawladu la gashay ganacsadaha sacuudiga ee aljaabiri inkastoo sida la sheegay rag badan oo golaha wasiirada ahi ka biyo diideen mowqifka madaxweynaha hadana ilaa hada waxaa ka badheedhay wasiirkii dibu dejinta mudane abshir oo xilkii wasiirnimo iska casilay.
Khilaafka iyo kala fogaanshaha u dhaxeeya madaxda sare ee udub intaas kuma eka ee waxaa kale oo jira qodobo badan oo si xoogle laysugu hayo sida shirweynihii xisbiga iyo goorta uu dhici doono iyo iyana cida loo soo sharaxo jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo weliba gudoomiyaha xisbiga udub arimahaas ayaa keenay in shirweynihii udub mudo dhaafo mudo labo sano iyo dheeraaday jagooyinku muranku ka taagan yahayna sida la sheegay waxaa ka mida mida madaxweyne ku xigeenka oo ay sharaxan yihiin inta la hubo 3 musharax oo kala ah axmed yuusuf yaasiin oo hada jagada haya iyo labo nin oo ka tirsan golaha wasiirada kuwaas oo tartan ugu jira sidii riyaale doorkan ugu dooran lahaa jagada madaxweyne ku xigeenka , waxaa kale oo golaha wasiiradu isku maan dhaafeen hindise madaxweynuhu soo jeediyey oo ahaa in cashuurta la kordhiyo si loo daboolo miisaaniyadii sanadka 2008 oo is bixin wayday
Waxaan ku soo khatimayaa udub beenta iyo borobogaandhada waxay talada dalka ku haysatay mudo shan sanadood iyo dheeraada imisay inala hor taagnaayeen waxaanu kicinaynaa intaas oo warshadood, waxaanu soo saaraynaa macdanta iyo batroolka, waxaanu keenaynaa ictiraaf caalamiya, waxaanu magaalooyinka waaweyn siinaynaa koranto jaban, waxaanu dhisaynaa nidaamka garsoorka iyo cadaalada, waxaanu dabar gooyeynaa musuq maasuqa, waxaanu fulinaynaa balantii aanu xiligii doorashada qaadnay, waxaanu abuuri doonaa mashaariic dad badani shaqo ka helo saw intii dhegeheena waxaas lagu afuufayey dhanka kale waxaa tartan loogu jiray sidii maalmaha xukunka looga fara qabsan lahaa ee wax looga dhigan lahaa waxaana ka dhacday odhaahda caanka noqotay ee kolay waa la boobayaa ee la boob, wax waliba waxay leeyihiin meel ay ku dhamaadaan oo lama dhaafaan ah udubna waxay gaadhay figtii ay hoos uga soo dhici lahayd iminka wixii ka danbeeyana waxaynu eegnaa dildilaaca udub
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday