Bagga-bagga shilkuu dhigay bagga..
Bagga-bagga shilkuu dhigay bagga dhoomuhuu ridey (Dhoomuhu ridey waa Beenta)
By: Hamud Duale
Helitaanka Buugga kala Xidhiidh:
Maxamed Siciid: 07915697319
Qaybtii hore ee maqaalkan waxaan kaga sheekeeyey habkii xariirta ahaa ee uu qoraagu u dareeriyey qoraalka buugiisa, si akhristaha u soo jiito amma u xiiso geliyo.
Haddaba habka aad u xarradho qoraalka oo keliya ahi ma xiiso geliso akhristaha ee wuxuu ku nagaad oo uu ku xasilaa akhriska buugga, marka burcad lagu xideeyo ee uu xanbaarsan yahay nuxur wax ku ool ah, markuu kugu kordhiyo Eeydin kaa maqnayd, markuu ku soo hordhigo war aad u oomanayd.
Qaybtan waxaan in yar ka taabanayaa buuga laftiisa iyo wuxuu xanbaarsan yahay.
Buuggan midabka sar-warjigiisu waa cagaar cawlaan xigga oo uu ku xardhan yahay Ereyga Dhaxal-Reeb oo ah magaca loogu wanqlay buugga iyo sawirka qoraaga laftiisa, iyo kombiyuutar aan u maleeyey in uu yahay kuu adeegsadey.
Haddaad qof Somaliyeed kulantaan oo aad geeridii hebel u sheegto wuxuu ku weydiinayaa hal su’aala oo aan mid labaad lahayn. Wuxuu ku odhanayaa muxuu carruur ka tegey. Haddaad tidhaa wuxuu ka tegey shan wiil, wuxuu odhanayaa Maasha’allaha, alxamdu lilaahi. Haddii aad tidhaa wuxuu ka tegey shan hablood, intuu codka hoos u dhigo oo weliba la daaho hadalka, ayuu goor danbe odhanayaa wixii ilaahay ku siiyaaba waa kheyr, hoosna wuxuu ka leeyahay waar soo ka ninku dabar go’ay.
Cabdi Yusuf Duale (Boobe), qoraaga buuggani, isagu kumuu qancin su’ashaa somalidu caadeysatey ee mid labaad ayuu ku daray, taasi oo ah maxaa kale oo uu ka tegey hebel markuu geeriyoodey, muxuu dhaxal reebey? Su’aashaa ayuu magaca buugu salka ku hayaa. Wuxuu kaaga waramayaa rag iyo dumar intii dhaxal u reebtay ubadkooda, ubadkaaga iyo kuwa kalaba.
Aan intaa ku dhaafo sarwajiga buuga oo aan gudihiisa in yar ka taataabto, oo aan ku horeeyo faqrada uu kaga hadlaayo kuna durayo baraha madow iyo boogaha dhaqankeenu leeyahay ee ay ka mid tahay ku talax taga iyo dulmiga haweenka laga galay, daadufeynta waxtarkooda muruq iyo masgaxba, dafiraada kaalinta ay kaga jirijireen iyo tay immika kaga jiraanba horumarinta bulshada.
Bal ka waran, caddaradda la aroosay ee loo mashxaraday ee gurigeedii ilo xidhatay ee toban sanno markay reerkaa dhaqaysey mood iyo noolba, ee ay ku tacabtay dad iyo duunyaba, halyeygii qabey ku dhawaaqay dalaaqdii, ee isla galabtaaba iyada oo aan waxba ka raacin wixii ay ku tacabtay, xaynka qabsatay ee dawga cagta saartay si ay dib-ugu-laabatay docdii hooyadeed, ilayn meel kale oo ay ka dayaataa raasmaal iyo madhax midna ma jirtee (homeless). Qaar baa gaadhi waayey habeenkaa docdii hooyadood, cid kale oo ay u sii hoydaana waayey oo dhexda libaax ku cunay.
Dhaqanka noocaas ah ayuu Cabdi Yusuf Ducaale ku qaadaa dhigayaa buuggiisan oo uu leeyahay goormaynu ka koreenaa?
Baraha madow iyo boogaha dhaqankeena intaa kumuu dhaafine, faqrado kale wuxuu si mug leh ugaga hadlay quudhsiga iyo yasida loo geysto beesha midgaha. Bal akhri faqrada uu u hibeeyey Sahra oo iyadana dhibtay haween qabaanba la qabtay oo ay haddana u sii dheertahay quudhsi iyo yasidi.
Marka uu ka waramayo dadkii dhaxal reebay mid walba waxaa ku lifaaqan hoga tusaalayn, cilmi iyo aqoon aynu u wada baahan nahay oo aannad ka xiiso goyneyn ilaa aad ku noqnoqoto.
Buugan looga wanqalay Dhaxal-reeb haddaan kaaga waramo oo aan ku idhaa: “Beentii dhallaanimo lagug dhuraa ayuu kaa dhaqdhaqayaa. Nin dhadhamiyaa wuu garanayaa dhul uu qaboojinaayo.” denbi iga raaci mayo, waana gabaygii Cumar Ustareeliyo geela ku ammaan oo aan soo gargaroocda.
Sidii aan kor ugu xusay tuducii Maxamed Xaashi Dhamaca ee ahayd: “Waa gabay hadduu nin gaboobey noco ganbankiisa suga” ayuu buugana u yahay hadduu nin gaboobey noco, gabankiisa ayuu sugayaa. Waa buug nin nool u halhaysa, Beritana inta dhallata Marjac u noqon doona iyo wax ay tixraacaan.
Haddaan qaybtan intaa ku dhaafo, waxaan jecelaha in aan qaybta ku xigta kaga hadlo, Qoraaga laftiisa iyo aragtiyaha siyaasadeed ee buugu xanbaarsan yahay.
Waxaan isweydiiyey qoraagani ayay isa shaabahaan. Waxaa igu soo dhacday malaha waa Charles Dicken. Qoraaga Ingriiska ee lagu tilmaamo in uu iglan ka badbaadiyey inqilaabadii iyo kocdoonadii ka dhacay Yurubta kale. Maxaa yeelay qoraaladiisa, ayuu ku raadiyey isbedel qanyar socoda ah.
Aragtida siyaasadeed ee uu xanbaarsan yahay buugani ma ah halkan ayay ka dhawdee tolkay way hagaranayaa, tolaayee ka kacay ma ah, aabahay goblin ma ah. Waa hab iyo dhaqan dooris qanyar socod ah, intuu doono ha qaatee.
Kala soco mareegaha qaybta 3aad.
Buugan waxaad helitaankiisa kala xidhiidhaa
Maxamed Siciid: 07915697319
Baga baga shilkuu dhigay Baga dhoomuhuu ridey
By: Hamud Duale
Qaybtii: 1aad
“Waa Gabay hadduu nin gaboobey nacow gabankiisa suga
Waa Gabay, gabay ku taxan” Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Maalin dhaweyd, oo hadda laga joogo muddo toban casho ah, ayaa waxaa gurigeega booqasho gaaban iigu yimi nin la yidhaa Suufi Ismaciil Suufi dhiig leh. Markaanu cabbaar sheekaysanay ayuu halabsaday buug miis hortaada ah dul yaalley oo la yidhaa Diiwaanka Gabayadii Cabdillaahi Suldaan (Timicadde) ilaahay ha u naxariistee, oo uu qoray Mj. Cabdi Yusuf Ducaale (Boobe). Markuu arkay Suufi Ismaciil buugii, wuxuu I weydiiyey su’ aal. Wuxuu yidhi: “ oo miyaanad arag buuga cusub ee uu qoray Boobe?”. Waxaan ugu jawaabey maan arag, manaan maqal, ma haysaa oo magacii, ayaan intaa raaciyey. Wuxuu yidhi waa buug wax ku ool ah oo la yidhaa Dhaxal –reeb, waa runtii iyo xusuus qorkiisii, qosol ayuu kaa dhammaynayaa. Waxaan ku idhi ma haysaa. Wuxuu yidhi: Haa, laakiin waxaan kaga immid, wiil aannu saaxiib nahay gurigiisa.
Inkasta oo ay goor danbe ahayd, Suufi Ismaciil waxaan ka codsaday, in aannu soo qaadno buugii. Wuu iga aqbalay, Bas ayaannu halabsanay, goor caways danbe ah oo soo qaadnay. Sidaa ayuu gacantayda ku soo galay buuga la yidhaa dhaxal-reeb ee Qoray Mj. Cabdi Yusuf Ducaale (Boobe).
Maanta waxaan doonayaa dhabagalkii iyo u koorgalkii aan ku sameeyey buugaa uu qoray Mj. Cabdi Yusuf Ducaale in aan ka hadlo. Maqaalkana waxaan hal-ku-dheg uga dhigay Baga dhoomuhu ridey waa dareenkii iyo saamayntii buugu igaga tegey. Dhoomuhuu ridey Mj. Boobe ma ah cadaw hub iyo rasaas sita oo ku soo ridayey ee waa waxyaabaha loo yaqaan belefta , waxa igu maqaalo ah iyo ku tidhi ku teenay oo cadawgu ugu weyn ee maanta iyo shalayba inna haysta. Qaran laguma dhisi karo sheeko baraley iyo sidaa adigu jeceshahay ee beeshiina raaligelineysa.
Haddaba intaanan shiilimaadka buugu (talo iyo buugtaba waa la shiilshiila) waxyaabuhu uu xanbaarsan yahay iyo fariinta qoraaga soo gudbinayo, u guda gelin, waxaan ku yara leexanayaa dareenkii I galay markaan faqradihii u horeeyey akhriyey, oo maankaygii iyo miyirkaygii hadheeyey, shaamareerna igu ridey. Dareenkaas oo ka dhashay, habka u adeegsadey qoraagu ee farshaxinimada heerka sara ahi ku dheehan tahay. Habkuu adeegsadey waa hababka ugu sareeya ee qoraagu fariintiisa ugu soo bandhig akhristaha. Waxaan dareemay markaan akhriyey in uu qoraaga laftiisii u hor fadhiyo oo waxaan moodey markaan faqrad akhriyaba ta ku xigta
in uu isagu akhriyayo. Taasi waxay igu keliftey in aan isweydiiyo oo habkan oo kale magac ma loo helayaa u gaar ah oo Somaliyeed.
Habkuu adeegsadey ee quraxda dheeraadka ah u yeelay qoraalkiisa kama madhna, waxyaabaha iyo hababka aynu gaarka u leenahay oo faqradaha qaarkood, markaan akhriyey waxaan moodey in uu baanayo oo uu leeyaha, intuu isa soo kay hortaagey: “Sedexd ayaan baanay. Shacbiga hal baan leeyaha, Guurtida hal baan leeyahay, golaha Wakiiladana hal baan leeyahay.”
Faqradaha qaarkood waxaan dareemay habkii garnaqsiga oo uu si hufan u dhigayo, oo kugu kelifaya in aad wax ka tidhaa, waxaan uu ku soo hordhigay.
Malawaalkii habka buuga loo qoray wuxuu ila galay in aan xusuusto waagii dalkeena ay ka bilaabmeen heesaha iyo miyuusiga casriga ahi, Waxaan xusuustay Abbahihii Miyuusiga Casriga ah Cabdillaahi Qarshe, alla ha naxariistee, iyo kooxiihii uu hogaaminayey, luuqihii iyo laxmadii ay adeegsanayeen, sumad iyo magacyow ayay u sameeyeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen nugul, beer dilaacshey, raaxeeye Burcaaw, Faysali iyo subcis. Sidaa ayay u kala dirsooceen.
Maadaama aynu haatan bilawnay adeegsiga hawraarta qoran, miyaanay waajib ahayn in aynu summad u kale yeelo, hababka iyo farshaxnimada ay kala adeegsanayaan, qorayaashu oo hadhaw iyo sheeko lagu kala xasuusto.
Haddaba anigu markaan habkii buugan loo qoray, dhan walba ka rogey ee aan laba kastaba isa saaray, waxaan ka geyn waayey aniga iyo qoraagii oo is hor fadhinay oo buugii wada akhrinayna, taasi oo macnaheedu tahay sawir buuxa ayuu iga siiyey wuxuu ka hadlayey. Habkaasi, aniga wuxuu ii la ekaayday “Subcis”. Bir kuma goyn ee inta danaysa akhriska iyo qorista ayaan rajo weyn ka qabaa in ay hayaan summadayda mid ka sii fiican, oo doonayaa in ay raadiyaan.
Haddaan intaa ku dhaafo, hab qoraalkii buuga iyo abtirsiimadiisa, oo aan isku dayo in aan guddo galo Aragtiyaha siyaasadeed, taariikhda, halyey iyo mahdooyinka buugu xanbaarsan yahay, sida magaciisu tilmaamayo, qorahu dhaxalka uu ka reebay haldoorkii iyo tuu isagu ka tegayaba, isaga buuga waa u Dhaxal reeb, anigana markuu I soo gaadhey ee aan akhriyeyna wuxuu noqday Dhaxalgal.
Qaybtii 1aad
Helitaanka buuga kala xidhiidh
Maxamed siciid: 07915697319




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday