OPINION

Shinbirba Shinbirkiisuu La Dulaa

-          Waxa hore loo yidhi Shinbiraha wixii isku nooc ahiba wey wada duulaan, Raggana wixii isku dhaqan iyo balwo ahiba wey is-raacaan, wada fadhiistaan, isu-jiibiyaan oy is-taageeraan, sida hadda Ina Dhabbeeye iyo Buur-madow oo isku noociyad ah.

 

-          Waxa Rag Allow, la yaab iyo amakaag leh sababta ku kaliftey Ina Dhabbeeye inuu si qaawan oo aan geed loogu soo gabban kula kaco gef iyo aflagaaddo Beesha Habar-jeclo iyo Shirkooda uga socdey GAR?ADAG, kaas oo ahaa mid daakhili ah oo aan cidna wax loogu dhimeynin, sidii horeba loo sharraxay, iyadoo aan looga baran lagana fileynin inay Shirka Beeshaas ka soo baxaan waxyaabo liddi ku noqon kara Qarannimada iyo midnimada Somaliland toonna.

-          Hase yeeshee, waxa is-weydiin mudan hadalada qadafka ah ee uusan Suldaanku u miidaan deyin amase ka fiirsanin ee ah kuwa dhaawacaaya sumacaddiisa iyo xidhiidhka laba Beelood ee walaalaha ah oo aan wax xumaato ahi dhex-oollin, wanaag mooyaane, waxa kaloo wax laga xumaado iyo u qaadan waaba ah, hadalladii la midka ahaa ee isku mar iyo isku-si uga soo wada yeedhay isaga iyo adeerkii Xaaji Cabdi Waraabe.

-          Suldaan Maxamadow Kusriga Suldanada soo jireenka ah ee aad maanta ku fadhido waa mid lahaa taariikh taxane ah, laguna yiqiin sumcad wanaag, sharaf, dhawrsanaan, dhex-dhexaadnimo, gumaysi iyo dulmi nacayb.

 

Awowgaana wuxuu ahaa halyey la wad jeclaa oo afkiisa iyo addinkiisuba miisaanaayeen, laguna soo hirto ee maxaa kaa hortaagan  inaad raacdo hab-dhaqankiisii, asluubtiisii ku dayashada mudnayd, maxaa si kaa ah adeer ee kuugu wacan midabaynta iyo is-rog-rogga badan? Miyaanad ogsoonayn inaad tahay Suldaan Guud oo waliba ka soo jeeda Qoys sharrifan ayna kaa reebban tahay wixii aflagaaddo iyo xasarad ah oo dhan ee sumcad xumo u soo jiidi kara shakhsiyaddaada iyo magaca haybta guud ee aad hoggaamiye dhaqameedka u tahay, waxaad tahay kii beelaha Somaliland oo dhan mideyn lahaa, kana dhex-dhalin lahaa nabadgelyo is-afgarad iyo Islaax ee maad ahayn kee Beel ama shakhsi cay ku kici lahaa ee laga eed sheegan lahaa, waxaan keliya oon ku leeyahay ilaahay ha kugu soo hadeeyo wadadda saxda ah ee dhex-dhexaadnimada iyo dhawrsanaanta, iyada oo waajibkaagu yahay inaanad Dadkaaga kala raacin una kala faalin.

 

Cabdi-waraabe, isagu la yaab malaha oo waa caadadiis inuu indho iyo dhago la?aan iska fuulo habar-jeclo oo uu six un wax uga sheego goob kasta oo uu ka hadlo, taasoo soo taxnayd tan iyo xilligii Siyaad Barre, iyadoo oo uu odhan jirey Dalkan waxa rogaaya Habar-jeclo, wuxuuna isagoo si gaar ah u duraaya Siyaasiyiinta Habar-jeclo ee markaas wuxuu tusaale u soo qaadan jirey gudin yahay badhkay baa kugu jiree imaad goyseen, wuxuuna xaajigu hormood ka ahaa xadhigii Cumar Xarte iyo Ismaciil Cali Abokor inuu xilligaasba Xaaji Cabdi Habar-jeclo nacayb caan ku ahaa, waxa ka marag kici kara oo la weydiin karaa Suldaan Barre Warsame iyo Ina Dhool-dahable oo goob-joog ahaan jirey xilligaas halganka qadhaadh lagu jirey.

 

-          Xaaji-cabdow, Adeer, khaatumada ku dhimo, Habar-jeclona saamaxaad weydiiso intaad nooshay weli.

-          Ciidagale weynana  waxaan leeyahay, waar Tolow baadadiina ceshada  oo sharafta haybta guud iyo wada-jirka Ummadda reer Somaliland ilaaliya.

 

 

Ahmed Cali Adan (Goodir)

Hargeysa                    

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra