Madaxtooyada oo beenisey in Itoobiya hubkeeda culus ee yaalla Soomaaliya ay soo marinayso Dekedda Berbera

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa beenisey war uu maanta faafiyey Wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Hargeysa, kaas oo sheegayey in Ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Soomaaliya, isla markaana hubkooda iyo saanadooda culus ee halkaa taalla ay ka soo wareejin doonaan dhinac Badda, soona marin doonaan dekedda Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ku beeniyey jiritaanka warkaas, isaga oo ku eedeeyey Wargeyska Haatuf inuu caadeystey wararka been-abuurka noocaas ah.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu waxa uu yidhi, “Aniga oo tix raacayna wararkii ay soo qoreen wargeysyada qaar ka mid ah maanta oo ay taariikhdu tahay 19/08/08 , kuwaasi oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka guuraya Muqdisho hubkooda culus ay soo marin doonaan Dekeda Magaalada Berbera.

Warkaasi waxa uu yahay mid been ah oo aan waxba ka jirin , sal iyo raad toona lahayn.

Waxa xusid mudan in markii Ciidamada Itoobiyaanku ay galayeen Soomaaliya in wargeysyada qaarkood ay qoreen in ciidamada Itoobiyaanka laga soo dajin doono Dekeda Berbera, sidaa awgeed waxa aanu leenahay warkan ay qoreen wargeysyada qaarkood in uu yahay beentii looga bartay iyo wararkii raqiiska ahaa ee caadada u ahayd in ay qoraan wargeysyada qaarkood, waxana ayaan darro ah in wargeysyo sheeganaya in ay ka mid yihiin warbaahinta qaranka Somaliland in ay beentaa ka iibiyaan shacbiga Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba.

Waxa aanu shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa in aanay u dhaga taagin wargeysyada noocaas ah ee looga bartay beenta iyo wararka qaran dumiska ah ee ay caadaysteen”.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra