Komishanka Doorashooyinka oo ku dhawaaqay bilowga Wacyigelinta hawsha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u bilaabmayso ololaha wacyi-gelinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka, Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaboweyne) oo maanta ka hadlayey munaasibad loo sameeyey bilowga ololaha wacyi-gelinta diiwaangelinta cod bixiyeyaasha oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, madaxda Axsaabta Qaranka, guddida doorashooyinka, qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale, waxa uu ka waramay ahmiyada ay diiwaangelintu u leedahay muwaadiniinta reer Somaliland iyo doorashooyinkaba, isaga oo tilmaamay in diiwaangelintu tahay furaha doorasho xor iyo xalaal ah.
Mudane Maxamed Ismaaciil, waxa uu sheegay in ay Komishanku uu muddo ku hawlanaayeen dhamaystirka qorshaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo bilaabmi doonta toddobaadka fooda inagu soo haya, waxana uu xusay in ay diiwaangelintu ka dhici doonto in ka badan 982 goobood, isla markaana waxa uu ka dalbaday xukuumadda, Axsaabta Qaranka, Goleyaasha deegaanada, madax-dhaqameedyada iyo qeybaha kale ee bulshada in ay gacan ka gaystaan hawsha diiwaangelinta, si ay dalka uga qabsoomaan doorashooyin xoe iyo xalaal ah oo dimuqraadi ah.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay wacyi-gelinta diiwaangelinta u adeegsan doonaan wax kasta oo suurtogal ah fariimaha loogu gudbin karo dadweynaha, sida; Saxaafada, hab suugaaneed iyo dodo lagaga hadlayo ahmiyadeeda.
Waxa kale oo iyaguna munaasibadaa hadalo ka jeediyey masuuliyiin ka kala socday Axsaabta Qaranka (UCID, KULMIYE iyo UDUB), Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta ururada bulshada rayidka ah.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
