Dugsigan Waxaa dhisay qoyska Xaaji Abdi Muhumed Ismail oo ah qurbo joogta reer Allaybaday ee Degan wadanka Maraykan, Qoyskaa waxay ku soo kordhinaa magaalada Allaybaday Dugsigan oo ay ugu talo galeen: in 30 Jis ee Quraanka kariimka lagu xafido, in lagu taageero caruurta danyarta ee magaalada degan, Waxbarashada Dadka waaweyn, Waxbarashada Gabdhaha iyo Homeworka ku qaataan dhamaan ardayda dugsiyada magaalada ka jira.
Qoyska Oday Xaaji Abdi M. Ismail waxay kale wadaan Maasjid weyn oo ay ka dhisaayaan magaalada Allaybaday, Illahay haga abaalmariyee wuxuu qoysku magaalada ku soo kordhiyay wax weyn oo dhamaan ardayda yar yar iyo kuwa waaweyne ka faaidaysanayaan.

Hadaba markii aan Madarasadaasi tagay waxa aan la kulmay Maamulaha Madarasadaasi Sh Muuse Aw Daauud Iriir waxaanan ugu horayn waydiiyay Maamulaha ayaa dhisay Madarasadan Cusub?

J. Madarasadan waxa dhisay XAAJI CABDI MUHUMED ISMAACIIL.
2.Madarasadu imisa fasal ayay ka kooban tahay?
J. Waxa ay ka kooban tahay 4 fasal iyo xafiis waxa kale oo uu dhismahiisu socdaa Masaajid weyn.
3. S. Imisa Macalin ayaad ku dhigtaan Madarasada?
J.Waxa aanu ku dhignaa Madarasada saddex Macalin kuwaasi oo kala ah sidan:
1. Muuse Aw Daauud Iriir, maamule
2. C/casiis Macalin
3. Xamse Lixle
4. S. Ardayday intee leeg ayaa ka faa’idaysta oo aad wax ugu dhigtaan Madarasadan?
J. Runtii Madarasadu waa ay cusub tahay sidda aad lasocoto balse hadana tirada ardaydu imika waxa ay maraysaa 250 arday oo iskugu jira inamo iyo habloba, taas oo kale ah 140 wiil iyo 110 gabdho ah, arday waxay isku jiraan, kuwa maalintii dhigta oo aan magaaladada ka soo ururinay iyo kuwa dhigta labada dugsi ee magaalada ku yaala oo galinta danbe Quraanka iyo tacliin dheeraada la siiyo.
6.S. Maxaa ka mid ah waxyaabaha lagu barto Madarasada?
J. Waxa lagu bartaa xifdiga Quraanka Kariimka ah, Saynis, Cilmiga bulshada, xisaab iyo soomali iyo Atarbiya taasi oo baraayo ardayga in uu barto xaqa uu waalidku ku leeyahay iyo xaqa uu ku leeyahay qofkasta oo kaalmeeyaa, waxaanu noogu tallo jirta in aanu ku darno maadamadaha lag caawin lahaa arday Dugsiga Sarre ku jirta. iyo Waliba waxbarashada dadwaaweyn.
7.S.Kawaran Maamule qorshiina ah in ay ardaydu madarasada wado ama ilaa heerkeebaad ugu talagasheen?
J. Horta waxa ay ahmiyadayadu tahay xafidaada Quraanka Kariimka ah, taasina waxa aanu ugu talagalay haddii ale yidhaahdo in uu ardaygu ku xafido 30 ka jis ee Quraanka muddo sadex sano ah, intaasi kadibna uu ardaygu iska sii wato waxbarashadiisii Maadiga ahayd. taasi oo ah xaga iskuulada kale ee magaalada balse madarasada qorshaheedu waa in quraanka la xafidsiiyo ardayga.
8.S. Inkasta oo ay madarasadu Cusub tahay hadana Baahiyaha haysta maxaa ugu wayn baad ordhan kartaa Maamule?
J. Haa runtii waa cusub tahay hadana waxa jira baahiyo dhawr ah kuwaasi oo ay ugu horayso Macalimiinta Madarasada oo runtii ay ka badan yihiin ardaydu iyo fasaladuba madarasadu waa 4 fasal aniguna 3 macalin ayaanu nahay hadaba waxa aanu aad u jeclaan lahayn in nalaga kaalmeeyo in Macalimiin naloogu soo kordhiyo sobobtoo ah saddex Macalin ma dhigi karaa 4 fasal waliba waxa jirta arday yar yar oo aanu iyana imika diba wax ku barno kuwaasi oo maalin walba soo kordhaayay oo iyaguna culuskooda wata, haddii ardayda lacag lagu dabaro macalimiin kale lagu soo rogana waxa suura gal ah in ay ardaydu ka yartaato sidan ay imika yihiin ama ay usoo kordhayaan waayo wax iska jira imika dalka dhaqaala xumo, sidaasi awgeed waalidku ma awoodo wakhtigan lacag ku filaatanta macalimiinta in uu bixiyo markaasi waxa aanu codsanaynaa in nalaga caawiyo xaga macalimiinta.
9. S. Ugu danbayntii maxaad usoo jeedin lahayd jaaliyadaha ku hawlan horumarinta waxbarashada?
J. Runtii marka hore waxa aan usoo jeedinayaa salaan kal iyo laab ah, waxa kale oo aan usoo jeedinayaa in aanay ka daalin hawshan samafalka ah ee ay wadaan.
Ugu danbaytii waxaa salaan iyo duco badan u soo diraa qoyskii lahaa maskaxda iyo maalka dugsigan iyo masaajid weyn ee magaalada Allaybaday laga dhisay, waxaanu leeyahay duco badan iyo abaal badan ayaa haga ILLAAHAY ka ha helasaan, waxaana tihiin dad aakhiro wax sii dhigtay, ku dayasho mudan.
Ururka UHWA waxaa leeyahay mashruuc fiican ayaan gacan ku haysaa halkaa ka sii wado. Abaal weyn dhinaca RABBO ayaad ka helasaan.
Waad mahadsan tahay Maamule


